">
Skip to content Skip to sidebar Skip to footer

Suuqa cryptocurrency waxuu leeyahay shuruucyo gaar ah oo la raaco, kuwaasoo hadii aad u fuliso Sida loogu tala galay aadan ku qasaareen maalgashigaaga.

 Si guud waxaa j laba xeer

  1. Mid qofka isaga si gaar ah u dagsado sida waqtiga uu rabo inuu maalgashi sameeyo, xiliga uu doonaayo inuu trade qaato.
  2. Waa xeer uu leeyahay suuqa wuxuu kaaga baahan yahay inaad fahamto xeerarkaas iyo sida aad u fulin lahayd, hadii mid ka mid ah aad ka tagto waxuu saamayn toos ah ku yeelanayaa maalgashigaaga.

Badanaa dadka way iska indho tiraan xeerarkaas, kaliya inta fuliso oo sida saxda ah u raacdo ayaa ka samayso suuqa crypto faa’ido badan.

Waxayna  kala yihiin xeerarkaas sida soo socata:

Xeerka 1aad: iska ilaali inaad la kulanto panic sell

Xeerkaan waxuu sheegayaa hadii adigoo maalgashi ugu jirto suuqa crypto aad la kulunto hoos dhac wayn uu wajahayo suuqa dadkana ay sameynayaan Sell, is daji midaas waa caadi hadii ay kuu degsan tahay strategyad maalgashi aad horay u dagsatay marnaba ha khlaafin.

Ogaw inuu suuqa daato xilliyo qaar waa iska Normal waana waqtiga laga faa’ideysto oo la sameeyo iibsasho badan, waxaana la adeegsadaa xilligaas DCA- Dollar Cost Average.

Xeerka 2aad: kala bax faa’iidada suuqa qayb-qayb

Xeerkaan waa muhiim waxuuna cadeynayaa qaladaad wayn ay ku dhacaan maalgashiyaasha suuqa crypto waana inay sameyaan (Greed) taasoo micnaheeda yahay  marka uu suuqa kor u socdo ay sugaan ilaa uu ka gaaraayo meesha ugu sareyso iyagoo iska indho tiraayo inay jirto wax la yiraahdo correction oo suuqa la soo daadinaayo hadii mar lagaala hormaro oo faa’idada dadka maalgashi kugula jiray ay kala baxaan waxaad la kulmaysaa qasaaro wayn waxaana ku dhaceyso Fear of missing Out-FOMO, si aad midaas iskaga ilaaliso raac qaacidadaan oo qay-qayb ula bax faa’idadaada mar walibo uu suuqa kordho tusaale 10%, 20%, 35% 50.

Xeerka 3aad: ha isticmaalin leverage

Qodobkaan waa muhiim Diiniyan waa xaaran, maadaama aynu nahay dad islaam ah waxaa naga xaaraan ah inaan qaadano dayn ay saran tahay dul saar, si saxda ah midaan ma lahan wax faa’ido ah sababtoo ah marka aad adeegsanayso leverage plattformka waxuu xerayaa hantidaada hadii qiyaasta aad samaysay ay qaldanto “speculation” mana aadan samayn maalgashi dhab ah.  

Xeerka 4aad: dhamaan maalgashigaaga hal meel ha wada galin

Xeerkaan hadii aad adeegsato waxaa yaraanayo inaad la kulunto qasaaro xoogan oo wayn, taasoo keeni karto inaad ka niyad jabto maalgashiga suuqa crypto. Waana inaad hantidaada oo idil aad wada galiso hal coin, badelkeeda isticmaal maalgashiyo kala duwan xoogana saarto coins ka xalaasha ah oo markaas kacsan tusaale hadda waxaa shidan coins loo adeegsado Ai.

Xeerka 5aad: ku kaydso hantidaada 30% ilaa 40% stable coins ka

Xeerkaan waxuu kuu sahlayaa hadii aad raacdo inaad ka faa’ideysan doonto marka suuqa uu bixinaayo fursado kala duwan sida marka uu hoos u dhaco 15%, 25%, 35% ilaa 50%. Hadii ay kuu diyaarsan tahay lacagta aad suuqa ku gali laheed sida USDT ama USDC.

Xeerka 6aad: ha ku kadsoomin candles “shumacyada suuqa”

Ha samayn wax maalgashi ah marka aad aragto Candles cagaar ah oo kor u socdo kuna tusinaayo in la joogo waqtiga ku haboon in la sameeyo buy, wuu kula soo daadan karaa maalgashigaas, hadii aadan samayn baaritaan sax ah.

Xeerka 7aad: ka faa’ideyso xilliyada ay jirto Crash suuqa

Xilliyada ay jirto hoos u dhac wayn oo dhamaan suuqa wada guduud yahay ayna dadka oo idil ka baqayaan adiga ku dhiiro oo sameey maalgashi.

Iibso lacagaha ugu qiimaha yar suuqa sida $0.02, $0.3, $0.4, $0.7 waxaad ka helaysaa faa’ido badan marka uu suuqa sameeyo koror noqo qofka ugu horeeyo ay sameeya Sell.

Xeerka 8aad: ka fogaaw Hype ka suuqa (buun-buuninta)

Waa qaladka ugu wayn ay sameeyan dadka ku cusub maalgashiga Cryptocurrency, waxay raacaan hadadalada dadka kale iyagoo aan samayn wax baaritaan ah, waxayna maalgashi ku sameyaan lacago crypto loo xayeesiiyay ama loo sheegay inay ka helayaan faa’ido hadii ay maal gashtaan waana qaacido qaldan.

Maxaa yeelay Crypto kama shaqayso wax la yiraahdo mashruucaan maalgasho waxaad ka helaysaa faa’ido la hubo, hadii aad diyaar u tahay faa’ido iyo qasaare labaduba crypto waad maalgashan kartaa balse hadii qof ra’yigiisa aad ku socoto ma samayn kartid maalgashi dhab ah.

Xeerka 9aad: Yeelo dulqaad aad ku joogi karto suuqa

Suuqa crypto kaliya waxaa ka ganacsan karo qof leh dulqaad, garanaayo sida loo maareeyo khataraha dulqaadku waa furaha guusha, kaliya waxay guusha racdaa kuwa adkeysto oo leh samirka, hadii aad ku qasaarto maalgashigaaga ugu horeeye suuqa crypto waxba ha niyad jabin kaliya waxaad ka baranaysaa cashir waxaad ogaanaysaa qaladka aad gashay oo kuu sababay qasaaraha, hadaba ogaaw in suuqa cryptocurrency uu yahay mid is bed bedel badan oo daqiiqad kasto waxa dhacaayo isbedel aan la filan karin marnabo ha filan faa’ido deg deg lahawna  dulqaad si aad ugu guuleysato maalgashigaaga.

Xeerka 10aad: samee baaritaan kuu gaar ah DYOR

Xeerkaan waa midka ugu muhiimsan sal dhigna u ah suuqa crypto, fadlan hadii aad tahay qof aan rabin inuu sameeyo baritaan crypto ka fogaaw oo waxba haku qasaarinin lacagtaada hana ku samayn wax maalgashi ah, sababtoo ah crypto ma aha wax fudud oo qof walibo ka taajiro waxayna u baahan tahay in la sameeyo cilmi baaris qoto dheer marka uu qofka doonaayo inuu sameeyo maalgashi.

halkaan ka iibso crypto course

1 Comment

  • siciid
    Posted June 26, 2025 1:49 pm

    http://www.cadaaniteach.com
    ustad website kayga so boqo waxan kaga hadlaa fursadaha shaqo ee online shirkadada ayaa isamaysayyy

Leave a Reply to siciid Cancel reply