">
Skip to content Skip to sidebar Skip to footer

Ku soo dhawaada wararkii ugu dambeeyay ee la xiriira crypto, blockchain, Defi, Cefi, NFT, AI iyo Si guud dhaqaalaha caalamka.

Halkan waxaad ka aqrisan doontaa dhacdooyinkii uu dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo crypto kuwaas oo isugu jira, waxyaabaha muhiimka waxaa ka mid ah isbadelka suuqa, xeerar cusub ay dawladuhu crypto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Crypto.

1. 📈 xaalada guud ee Suuqa

Qiimaha guud ee suuqa crypto waxuu marayaa maanta $3.68 Tirilyan, waxuuna kor u kacay 6.25%.

Fear and Greed Index: Toolka lagu cabiro kalsoonida maalgashiyaasha ay ku qabaan suuqa waxuu sheygayaa inuu yahey (67), Tani waxay tilmaamaysaa in dareenka dadku ay ka qabaan suuqa yahay mid wax yar u janjeedha dhinaca damaca.

BTC ayaa gaadhay meeshii abid u sarraysay oo ah $118,856.47, sidoo kale waxaa iyaguna kor u kac fiican sameeyay Altcoins-ka.

In ka badan $1.30 billion ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $1.14 billion ay ka yimaadeen dad hoos u galay suuqa (short positions).

Xigasho:- Coinglass

Bitcoin (BTC): Qiimaha lagu kala iibsanaayo ayaa kor u kacay waxuuna gaadhay $118,093, kor u kac ah 6.54% ayay sameysay maanta.

Ethereum (ETH): Qiimaha Ethereum waxa uu kor u kacay 7.78% 24-kii saac ee u dambeeyay waxa uuna hadda marayaa $2,987.70.

XRP: Waxaa kor u kacay qiimahiisa qiyaastii 7.95% Waxaana hada suuqyada lagu kala iibsanayaa qiimo ah $2.64.

Solana:- Qiimaha Coinka Sol ayaa maanta ku jira kor u kac ah 4.32% waxuuna marayaa qiimihiisa hadda $164.09.

  1. 🏛 Xeerarka Sharciyeed iyo Siyaasada Suuqa

Guddiga Aqalka Wakiillada Maraykanka ayaa qorsheynaya inuu toddobaadka dambe wax ka qabtaan dadaalka Trump ee ah in Maraykanka laga dhigo “caasimadda crypto ee caalamka.”

Shiinaha wuxuu qorsheynayaa inuu sameeyo hannaan sharciyeed lagu maamulo crypto.

  1. 🔁 Exchange Inflow & Outflow

Maalinkii shalay ee 3-da July ,2025-ka waxaa Exchanges-yada soo galay Bitcoin dhan 36,771 BTC oo u dhiganta qiime ahaan $4.2 billion, waxaana ka baxay 40,544 BTC oo u dhiganta $4.7 billion, Tani waxay ka turjumaysaa in dhaqdhaqaaq aad u weyn inuu jiro suuquna ku jiro xaalad Bitcoin-ta lala baxayo.

  1. 🐋 Dhaq-dhaqaaqa Maalgashedeyaasha

Dowladda Bhutan ayaa u dirtay Binance 100 $BTC ($11.8M) , taasoo wadarta ay dirtay 11-kii maalmood ee la soo dhaafay ka dhigaysa 449.3 $BTC ($50.15M).

Germany waxay seegtay faa’iido suurtagal ah oo gaadhaysa $2.4 bilyan kadib markii ay sanadkii hore iibisay 50,000 $BTC qiimo ahaan xilligaa taagnaa $65K halkii BTC, kuwaasoo hadda noqon lahaa $5.65 bilyan.

Ganacsade aan la aqoonsan (whale) ayaa ku qasaaray hal trade oo BTC/USDT ah $88.55 million.

  1. 🚀 Mashruucyada Horumarineed ee Crypto ku socda

Hal-abuuraha Bitcoin, Satoshi Nakamoto, ayaa hadda noqday qofka 12-aad ee ugu taajirsan caalamka.

Bitcoin ayaa dhaaftay lacagaha Taiwan iyo Australia marka loo eego guud ahaan qiimaha suuqa (market capitalization).

Tesla oo ah shirkadda Elon Musk ayaa hadda haysata faa’iido aan wali suuqa lagala bixin (Unrealised profit) oo gaadheysa $756,000,000 oo ka timid kaydkeefa Bitcoin.

  1. 📊 Maalgashiga ETF-yada iyo Hay’adaha Suuqa crypto.

ETF-yada $BTC iyo $ETH waxay la kulmeen maalintoodii labaad ee ugu weynayd maalgashi ahaan.

$1.17 bilyan ayaa lagu shubay sanduuqyada Bitcoin, iyo $383 milyan oo Ethereum ah, waxaana hogaaminayay BlackRock iyo Fidelity.

BlackRock ayaa iibsatay 3,950 $BTC iyo 108,719 $ETH oo ku kacaya $761.6 milyan.

BlackRock ayaa haatan heysata Ethereum ka badan $5 bilyan qiima ahaan.

Ku baro halkan crypto bilaw ilaa dhammaad luqaddaada hooyo

2 Comments

  • Sadik
    Posted July 11, 2025 4:53 pm

    Waan kula soconi donaa thanks

    • Sulayman
      Posted July 15, 2025 9:05 am

      Waad ku mahadsan tahay la socodkaaga, runtii waad na dhiirrigelinaysaa.

Leave a Reply to Sulayman Cancel reply