Skip to content Skip to sidebar Skip to footer

Ku soo dhawaada wararkii u dambeeyay ee suuqa crypto, waxyaabaha aan ka hadli doonno waxaa ka mid ah, crypto, blockchain, Defi, Cefi, NFT, Ai, Web 3.0, iyo si guud dhaqaalaha caalamka.

Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walba dhacdooyinkii u dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo crypto kuwaas oo isugu jira waxyaabo muhiim ah oo ay ka mid yihiin isbaddelka suuqa, xeerarka cusub ee ay dawladuhu crypto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Crypto waxyaabaha ku soo kordha Tiknoolajiyadda Blockchain.

📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa

Market Cap-ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $4.03 trillion, waxa uuna sameeyay kor u kac ah 0.48%.

Awoodda suuqu waxay u janjeedhaa dhinaca Altcoins oo haysta 71% oo ah hantida suuqan crypto ku jirta halka Bitcoin ay haysato 29%.

Fear and Greed index oo ah halbeegga lagu cabbiro dareenka maalgashadeyaasha waxuu muujinayaa inuu yahay 51% taasoo ka dhigan in dareenka suuqu u janjeedho dhanka damaca.

In ka badan $181.71 million ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $91.76 million ay ka yimaadeen dad hoos u galay suuqa (Short positions).

xigasho : Coinglass

Bitcoin (BTC): Qiimaha lagu kala iibsanaayo ayaa kor u kacay waxuuna gaadhay $115,986, kor u ka ah 0.89% ayay sameysay maanta.

Ethereum (ETH): Qiimaha Ethereum waxa uu kor u kacay 1.19% 24-kii saac ee u dambeeyay waxa uuna hadda marayaa $4,504.60.

XRP: Waxaa kor u kacay qiimahiisa qiyaastii 0.44% Waxaana hada suuqyada lagu kala iibsanayaa qiimo ah $3.02.

Solana:- Qiimaha Coinka Sol ayaa maanta ku jira kor u kac ah 1.22% waxuuna marayaa qiimihiisa hadda $235.38.

📜 2. Xeerarka iyo Siyaasadda Suuqa

Caawa 9-ka habeennimo ee waqtiga bariga Afrika waxaa soo bixi doona xogta Fed interest rate-ka oo suuqyada wax badan ka baddeli doonta.

La-taliyaha Aqalka Cad Navarro ayaa ku taliyay in Bangiga Dhexe ee Maraykanku uu maanta dhimo dulsaarka 50 dhibcood, islamarkaana 50 dhibcood oo kale lagu dhimo kulanka xiga.

SEC ayaa sii dib u dhigtay go’aanka ku saabsan Truth Social Spot Bitcoin ETF, iyadoo raadinaysa faallooyin dadweyne oo ku saabsan codsiga.

Guriga Wakiilada Maraykanka ayaa dadaal ugu jira in lagu daro mamnuucidda CBDC-ga (Lacagta Dhijitaalka ee Bangiga Dhexe) sharciga qaab-dhismeedka suuqa.

Boqortooyada Ingiriiska ayaa qorsheyneysa inay xoojiso xidhiidhka Maraykanka ee ku saabsan cryptocurrencies iyo hantida dhijitaalka ah, iyadoo heshiiska la filayo inuu si gaar ah u daboolo Stablecoins-ka iyo isku xidhidda sharciyeed, sida uu ka warbixiyay wargayska FT.

💰 3. ETFs iyo Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)

Qiyaastii $292.3M oo $BTC ah ayaa la iibsaday halka $61.7M oo $ETH ah la iska iibiyey September 16-keedii.

ETF-ka $IBIT ee BlackRock ayaa iibsaday 1,810 $BTC oo qiimahoodu yahay $209.2M September 16-keedii.

Fidelity ayaa iibisay 10,637.97 $ETH oo qiimahoodu yahay $48.3 milyan.

🐋 4. Dhaqdhaqaaqa (Whale Investments) ee saameeya Suuqa

Ganacsade weyn oo Bitcoin u maalgashan tahay oo 12 sano aan wax dhaqdhaqaaq ah samayn ayaa hadda wareejiyay 1,000 $BTC oo u dhiganta $116M.

Forward Industries waxay ku dhawaaqday iibinta saamiyo $4B ah si ay u xoojiso istaraatiijiyadeeda ah kaydsiga $SOL.

Shirkadda Hong Kong ee Boyaa Interactive ayaa toddobaadkan iibsatay 245 $BTC oo qiimahoodu yahay $28M.

🚀 5. Mashaariicda Horumarineed ee ku socda Suuqa

Shirkadda Metaplanet ayaa qorsheyneysa inay ku maalgeliso $1.25B $BTC kahor bisha October, iyo $139M qeybteeda Bitcoin Income Generation.

Bangiga Saudi Awwal ayaa la saxiixay heshiis la Chainlink si loo dardargeliyo la qabsiga maaliyadda onchain ee Sacuudi Carabiya, iyadoo la adeegsanayo CCIP iyo Chainlink Runtime Environment si loogu taageero barnaamijyada onchain-ka ah ee jiilka dambe.

Bangiyada Swiss-ka oo ay ku jiraan UBS, Sygnum Bank iyo PostFinance ayaa si guul leh u dhammeystiray bixinta lacag ku salaysan blockchain oo sharci ahaan waafaqsan oo ka dhexeysa hay’adaha, taasoo cadeynaysa waxtarka tokens-ka iyo kaabayaasha bangiyada dhexdooda ah.

Bitwise ayaa u gudbiyay SEC codsi ay ku rabto ETF u gaar ah Stablecoins-ka iyo Tokenization-ka kaasoo maalgashan doona saamiyada iyo hantida crypto.

🤖 6. AI iyo Web 3.0

Shiinaha ayaa amar ku bixiyay shirkadaha tiknoolajiyadda waaweyn sida ByteDance iyo Alibaba inay joojiyaan iibsashada chips-yada AI-ga ee NVIDIA.

Lacagta dhijitaalka ah ee Sui ayaa kor u kacday 4% ka dib markii Google ay ku dhawaaqday in ay noqoto la-hawlgalaha bilowga ah ee borotokoolkeeda cusub ee lacag-bixinta oo ku shaqeeya AI. Iskaashigan ayaa loogu talagalay in awoodaha AI lagu daro macaamilada maaliyadeed, taasoo suurta galin karta in hababka lacag-bixinta si weyn loo beddelo isla markaana kor loo qaado ammaanka iyo waxtarka qeybta maaliyadda.

🔗 7. Tiknoolajiyadda Blockchain

Shirkadda Move Industries, oo ka dambeysa mashruuca Movement, ayaa ku dhawaaqday qorshe ay kaga guurayso qaabka sidechain-ka ee hadda ay adeegsato una gudubto blockchain madax-bannaan oo Layer 1 ah. Isbeddelkan istiraatiijiga ah waxaa lagu hiigsanayaa in la kordhiyo baaxadda hawlgalka iyo qaab-dhismeedka decentralization-ka, iyadoo la xallinayo khilaafaadkii hore isla markaana mashruuca loo diyaarinayo in si ballaadhan loo isticmaalo.

Ku baro halkan crypto bilaw ilaa dhammaad luqaddaada hooyo

Leave a comment

newsletter form

newsletter form

Gelle Crypto © 2025. All rights reserved.

Gelle Crypto © 2025. All rights reserved.