">
Skip to content Skip to sidebar Skip to footer

Ku soo dhawaada wararkii ugu dambeeyay ee la xiriira crypto, blockchain, Defi, Cefi, NFT, AI iyo Si guud dhaqaalaha caalamka.

Halkan waxaad ka aqrisan doontaa dhacdooyinkii uu dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo crypto kuwaas oo isugu jira, waxyaabaha muhiimka waxaa ka mid ah isbadelka suuqa, xeerar cusub ay dawladuhu crypto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Crypto.

1. 📈 xaalada guud ee Suuqa

Qiimaha guud ee suuqa crypto waxuu marayaa maanta $3.39 Tirilyan, waxuuna kor u kacay 0.83%.

Fear and Greed Index: Toolka lagu cabiro kalsoonida maalgashiyaasha ay ku qabaan suuqa waxuu sheygayaa inuu yahey (52), Tani waxay tilmaamaysaa in dareenka dadku ay ka qabaan suuqa yahay mid wax yar u janjeedha dhinaca damaca.

In ka badan $135.47 million ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $90.54 million ay ka yimaadeen dad hoos u galay suuqa (short positions).

Xigasho:- Coinglass

Bitcoin (BTC): Qiimaha lagu kala iibsanaayo ayaa kor u kacay waxuuna gaadhay $109,065, kor u kac ah 0.28% ayay sameysay maanta.

Ethereum (ETH): Qiimaha Ethereum waxa uu kor u kacay 2.01% 24-kii saac ee u dambeeyay waxa uuna hadda marayaa $2,628.70.

XRP: Waxaa kor u kacay qiimahiisa qiyaastii 4.10% Waxaana hada suuqyada lagu kala iibsanayaa qiimo ah $2.38.

Solana:- Qiimaha Coinka Sol ayaa maanta ku jira kor u kac ah 1.50% waxuuna marayaa qiimihiisa hadda $153.67.

  1. 🏛 Xeerarka Sharciyeed iyo Siyaasada Suuqa

Trump ayaa sheegay in daraasad cusub oo ay samaysay Guddiga La-taliyayaasha Dhaqaalaha (CEA) ay muujisay in cashuuraha aysan wax saameyn ah ku lahayn sicir-bararka, isla markaana wuxuu ku baaqay in Jerome Powell uu si degdeg ah hoos ugu dhigo heerka dulsaarka.

Daynta qaranka Mareykanka ayaa gaadhay $37.08 tirilyan, iyadoo heerka daynta marka la barbardhigo wax-soo-saarka guud ee dalka (GDP) uu yahay 123.1%.

Pakistan waxay aas-aastay Hay’adda Maamulka Hantida ili maqabatayda ah(Virtual) ee Pakistan si ay u xakameyso una kormeerto qeybaha crypto. Ujeedadu waa in la ilaaliyo macaamiisha lana soo jiito maalgashi caalami ah.

  1. 🔁 Exchange Inflow & Outflow

Maalinkii shalay ee 8-da July ,2025-ka waxaa Exchanges-yada soo galay Bitcoin dhan 19381.4 BTC oo u dhiganta qiime ahaan $2.11 billion, waxaana ka baxay 19641.5 BTC oo u dhiganta $2.14 billion, Tani waxay ka turjumaysaa in dhaqdhaqaaq weyn inuu jiro suuquna ku jiro xaalad Bitcoin-ta lala baxayo inkasta oo hadda kor u kac fiican ka muuqdo.

  1. 🐋 Dhaq-dhaqaaqa Maalgashedeyaasha

Sida ay Lookonchain tibaaxayso , Bitcoin OG oo ka dhigan qof Bitcoin horraantii ay soo baxday iibsaday ayaa wareejiyay 14,000 $BTC oo qiimahoodu yahay $1.52 bilyan, kadib lix sano oo aan wax dhaqdhaqaaq ah laga dareemin akoonkiisa.

DeFi Dev Corp ayaa iibsatay 47,272 $SOL, taasoo wadarta guud ee hantideeda $SOL ah gaadhsiisay 690,420 $SOL.

  1. 🚀 Mashruucyada Horumarineed ee Crypto ku socda

Circle iyo OKX ayaa iska kaashaday ballaadhinta helitaanka USDC iyagoo soo bandhigay in isu-beddel(Conversion) la samayn karo si lacag la’aan ah.

Ripple waxay dooratay Bangiga New York Mellon inuu hayo kaydka USD ee lacagta $RLUSD ee deggan.

GameSquare waxay bilaabeeysaa istiraatiijiyad kayd Ethereum ah oo ku kacaysa ilaa $100M.

Guddoomiyaha Emirates Group wuxuu shaaciyey in la saxiixay Heshiis is-afgarad (MoU) ah oo ay la galeen Crypto.com iyo Dubai Duty Free si kor loogu qaado wax ku iibsiga lacagaha dhijitaalka ah.

Sequans waxay heshay maalgashi istiraatiiji ah oo dhan $384 milyan si ay u bilowdo hindisaheeda ah kaydinta Bitcoin.

  1. 🔗Teknooloojiyadda Blockchain

Hantida dhabta ah ee la Tokenize-gareeyay ee ku salaysan Solana ayaa gaadhay rikoor qiimeed ah $418 milyan, iyadoo tirada isticmaaleyaashu korodhay 631% muddo 30 maalmood ah.

7. 🖼 NFT & DeFi

    Phantom ayaa bilowday “Phantom Perps,” oo bixisa in ka badan 100 suuq, waxaana lagu ganacsan karaa ilaa 40x leverage ah, iyadoo taageero ka helaysa HyperliquidX.

    Ku baro halkan crypto bilaw ilaa dhammaad luqaddaada hooyo

    2 Comments

    • ibrahim
      Posted July 10, 2025 8:52 am

      waad ku mahadsantahay soo diyaarinta saxaafadeed ee digital currencies ka khusaysa

      • Sulayman
        Posted July 10, 2025 9:17 am

        Adiga ayaa aad u mudan akhriste

    Leave a Reply to Sulayman Cancel reply