Skip to content Skip to sidebar Skip to footer

Ku soo dhawaada wararkii u dambeeyay ee suuqa crypto, waxyaabaha aan ka hadli doonno waxaa ka mid ah, crypto, blockchain, Defi, Cefi, NFT, Ai, Web 3.0, iyo si guud dhaqaalaha caalamka.

Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walba dhacdooyinkii u dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo crypto kuwaas oo isugu jira waxyaabo muhiim ah oo ay ka mid yihiin isbaddelka suuqa, xeerarka cusub ee ay dawladuhu crypto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Crypto waxyaabaha ku soo kordha Tiknoolajiyadda Blockchain.

📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa

Market Cap-ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $4.01 trillion, waxa uuna sameeyay kor u kac ah 0.21%.

Awoodda suuqu waxay u janjeedhaa dhinaca Altcoins oo haysra 74% oo ah hantida suuqan crypto ku jirta halka Bitcoin ay haysato 26%.

Fear and Greed index oo ah halbeegga lagu cabbiro dareenka maalgashadeyaasha waxuu muujinayaa inuu yahay 50% taasoo ka dhigan inay dareenka suuqu yahay cad kala-goosi.

In ka badan $207.4 million ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $156.57 million ay ka yimaadeen dad kor u galay suuqa (Long positions).

xigasho : Coinglass

Bitcoin (BTC): Qiimaha lagu kala iibsanaayo ayaa kor u kacay waxuuna gaadhay $115,116, kor u ka ah 0.43% ayay sameysay maanta.

Ethereum (ETH): Qiimaha Ethereum waxa uu hoos u dhacay 1.02% 24-kii saac ee u dambeeyay waxa uuna hadda marayaa $4,462.60.

XRP: Waxaa kor u kacay qiimahiisa qiyaastii 0.41% Waxaana hada suuqyada lagu kala iibsanayaa qiimo ah $3.03.

Solana:- Qiimaha Coinka Sol ayaa maanta ku jira hoos u dhac ah 1.06% waxuuna marayaa qiimihiisa hadda $233.52.

📜 2. Xeerarka iyo Siyaasadda Suuqa

Stephen Miran oo taageera crypto ayaa si rasmi ah Golaha Senate-ka looga ansixiyay inuu ku biiro Guddiga Guddamada Federal Reserve.

Michael Saylor oo ah madaxa Strategy iyo madax kale oo crypto ka shaqeeya ayaa Talaadada Washington kula kulmi doona sharci-dejiyayaasha si ay ugu dhiirrigeliyaan samaynta Sharciga “Strategic Bitcoin Reserve.

Eric Trump oo hadlay ayaa yidhi ” Bitcoin waa hantida ugu weyn ee casrigeenna jirta“.

💰 3. ETFs iyo Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)

Qiyaastii $259.9M oo $BTC ah iyo $359.7M oo $ETH ah ayaa la iibsaday 15-kii September.

BlackRock spot Ethereum ETF ayaa iibsatay 78,920 $ETH oo qiimahoodu yahay $363.2M 15-kii September.

🐋 4. Dhaqdhaqaaqa (Whale Investments) ee saameeya Suuqa

Circle ayaa soo saartay 250,000,000 $USDC oo kale oo ku salaysan shabakadda Solana, iyadoo tirada guud ee $USDC ee bishan la soo saaray ay gaadhay 2.25B.

Aasaasaha Pantera Capital ayaa sheegay inay haystaan $1.1 bilyan oo ah $SOL isla markaana ay filayaan in $BTC ay gaadhi doonto $750K muddo 4–5 sano gudahood ah.

SharpLink ayaa u kordhisey guud ahaan haynteeda $ETH ilaa 838,152 ETH oo ah ku dhawaad $3.86B.

Sidoo kale waxay dib u iibsatay 1,000,000 saamiyo $SBET oo hoos yimaadda qorshaha dib-u-iibsiga saamiyadooda oo ay ugu talogaleen $1.5B.

🚀 5. Mashaariicda Horumarineed ee ku socda Suuqa

Shirkadda SC Ventures ee Standard Chartered leeyahay ayaa qorsheynaysa inay ururiso $250 milyan oo loogu talagalay sanduuqa hantida dhijitaalka ah oo diiradda saaraya maalgelinta fintech, iyaga oo ku tala jira inay bilaabaan sanadka dambe.

Ripple ayaa ku dhawaaqday ballan-qaad $25,000,000 ah oo $RLUSD ah si loo taageero ganacsiyada yaryar ee Mareykanka iyo barnaamijyada xirfad baridda askarta horey ugu soo shaqaysay Maraykanka.

Bitwise ayaa ka codsatay SEC si ay u bilowdo ETF ku saleysan Avalanche ($AVAX).

Bangiga Openbank ee Santander oo ku fadhiya $500 bilyan ayaa bilaabay adeegga ka ganacsiga crypto oo uu ugu talagalay macaamiisha Jarmalka ku nool.

🖼 6. NFT iyo DeFi

Shirkadda American Express ayaa soo bandhigtay calaamado baasaboor oo ku saleysan blockchain oo lagu dhisay Base, kuwaas oo u oggolaanaya dadka haysta kaararka dalxiiska inay si dhijitaal ah u ururiyaan xusuusaha safarka iyagoo adeegsanaya calaamado NFT oo la habeyn karo.

🔗 7. Tiknooloojiyadda Blockchain

Google ayaa bilaabay barotokool furan oo AI ku shaqeeya oo loogu talagalay lacag-bixinta, kaasoo aqbalaya credit cards-ka iyo Stablecoins-ka, laguna dhisay iskaashi ay la yeesheen Coinbase, Ethereum Foundation iyo in ka badan 60 la-hawlgalayaal, sida uu sheegay wargayska Fortune.

Ku baro halkan crypto bilaw ilaa dhammaad luqaddaada hooyo

2 Comments

  • Fardowsa daahir
    Posted September 16, 2025 7:14 pm

    Waxaan jeclaan lahaa inaa discount gilisid qiimaha lagu iibsan karo coursada fadlan gelle … Haddee macquul tehe …!?

    • Sulayman
      Posted September 17, 2025 8:43 am

      Team-ka la xidhiidh walaal.

Leave a Reply to Fardowsa daahir Cancel reply

newsletter form

newsletter form

Gelle Crypto © 2025. All rights reserved.

Gelle Crypto © 2025. All rights reserved.