Ku soo dhawaada wararkii ugu dambeeyay ee la xiriira crypto, blockchain, Defi, Cefi, NFT, Ai, Web 3.0, iyo Si guud dhaqaalaha caalamka.
Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walibo dhacdooyinkii uu dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo crypto kuwaas oo isugu jira, waxyaabaha muhiimka waxaa ka mid ah isbadelka suuqa, xeerar cusub ay dawladuhu crypto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Crypto waxyaabaha ku soo kordha technologiyada Bloickchain
📉 1. Xaaladda guud ee Suuqa
- Qiimaha Guud ee Suuqa (Market Cap): Wuxuu haatan marayaa ku dhowaad $3.27 trillion waxuuna hoos u dhacay 1.81% halka (Volume) hantida guud ee suuqa la isku dhaafsaday 24 saac u dambaysay ay gaarayso 147.68 Billion.
- Awooda suuqa Dominance waxaa haysto maanta Ccoinka Bitcoin 63.1% halka Altcoins ay haystaan awood dhan 37.9%
- Altcoin season Index waxuu sheegayaa in uu yahey 20% taasoo ka dhigan in damaca altcoins loo qabo ay hoos u dhac santahey.
- Fear and Greed index halbeega lagu cabiro dareenka maalgashiyaasha waxuu sheegayaa 61% taas oo ka dhigan inuu yahey mid kor u socdo ayna jirto kalsooni buuxdo maalgashiyaasha
- Bitcoin (BTC): Qiimihiisu wuxuu hoos ugu dhacay $105,095, taasoo ka dhigan hoos u dhac 1.52% ah 24-kii saac ee la soo dhaafay.
- Ethereum (ETH): Qiimihiisu wuxuu hoos ugu dhacay $2,591, taasoo ka dhigan hoos u dhac 3.05% ah 24-kii saac ee la soo dhaafay.
- XRP: Qiimihiisu wuxuu hoos ugu dhacay $2.19, taasoo ka dhigan 4.59% inuu hoos u dhac sanyahey 24 saac u dambeysay.
🔁 2. Exchange inflow and Outflow
Exchange Inflows
- Waxaa la soo galiyay in kabadan 12,500 BTC Suuqyada crypto 24 saac u dambaysay taasoo muujinaysa cadaadis iibin ah oo suuqyada saameyn ku yeeshay.
- Bitcoin: Hoos u dhaca ETF-yada iyo kororka lacagaha lagu shubay exchanges waxay muujinayaan in maalgashadayaal badan ay bilaabeen inay ka baxaan suuqyada, taasoo keentay hoos u dhac qiimaha BTC.
- US spot Ethereum ETFs waxay heleen koror dhan $91.9 milyan
Exchange Outflows
- US spot Bitcoin ETFs waxay diiwaangeliyeen hoos u dhac dhan $346.8 milyan, taasoo jabisay 10-maalmood oo xiriir ah oo ay lahaayeen koror. ETF-yada ugu waaweyn ee hoos u dhacay waxaa ka mid ah.
- Fidelity’s FBTC: -$166.3M
- Grayscale’s GBTC: -$107.5M
- ARKB: -$89.2M
- Bitwise’s BITB: -$70.8M
- BlackRock’s IBIT: +$125.1M
- Waxaa suuqyada laga saaray 34,290 ETH, taasoo muujinaysa xiisaha sii kordhaya ee maalgashadayaasha.
🏛️ 3. Xeerarka & Siyaasadaha
- SEC waxay si rasmi ah u joojisay dacwaddii ay ku haysay Binance, taasoo muujinaysa isbeddel cusub oo ku yimid siyaasadda Mareykanka ee la xiriirta lacagaha crypto.
- Dowladda Hindia waxay qorsheyneysaa inay soo saarto wareegto ku saabsan xeerarka crypto bisha Juun 2025,
- Hay’adda Maamulka Maaliyaddaee U.K ee (FCA) waxay daabacday laba waraaqo la-talin ah oo ku saabsan xeerarka cusub ee la xiriira crypto assets.
- Sharciga GENIUS Act oo La Ansixiyay, Senate-ka Mareykanka ayaa ansixiyay sharciga GENIUS Act, kaasoo dhigaya in stablecoins ay lahaadaan kayd ka dambeeyo 1:1 ayna lahaadaan xeerarka AML/KYC.
- Dowladda Mareykanka ayaa qorsheyneysa inay sameyso kayd istiraatiiji ah oo ka kooban lacagaha digitalka ah ee la qabtay, qiimahoodu ka badan yahay $21 bilyan, si loo xoojiyo doorka Mareykanka ee suuqa crypto.
🐋 4. Maalgashiga Whale-yada ay saameeyo Suuqa
- Maalgashade weyn oo lagu magacaabo James Wynn ayaa lumiyay ku dhawaad $100 milyan kadib markii la xaraashay 949 BTC oo uu lahaa, taasoo ka dhalatay hoos u dhaca qiimaha BTC.
- Waxaa la arkay dhaqdhaqaaqyo weyn ay samaynayaan whale-yada, iyadoo qiimaha LINK uu kor u kacay 299% 24-kii saac ee la soo dhaafay.
📈 5. ETFs & Maalgashiga Hay’adaha
- BlackRock’s Bitcoin ETF: ETF-ga Bitcoin ee ay leedahay BlackRock ayaa helay maalgelintii ugu badneyd bishii May, iyadoo la diiwaangeliyay $6.2 bilyan oo soo gashay.
- Shirkadda Canary Capital ayaa gudbisay codsi si ay u bilowdo ETF cusub oo lagu magacaabo Canary Staked CRO ETF, taasoo muujinaysa xiisaha sii kordhaya ee ETFs la xiriira staking.
🚀 6. Mashruucyada horumarka ku socdo Suuqa
- AIOZ Network iyo Neo DePIN, ayaa wada galay heshiis taasoo muujinaysa iskaashi cusub oo u dhexeeya labada mashruuc.
- BUIDLPad & Sahara AI Labadan shirkadood ayaa bilaabay mashruuc maalgelin dadweyne oo lagu magacaabo $USD1, iyadoo la adeegsanayo madal cusub oo blockchain ah.
- Token-ka OLI ayaa hadda laga heli karaa suuqyada, waxaana lagu soo list gareeyay Suuqa LBank Exchange.
🔗 8. Blockchain
- Mashruuca DeFi ee Cork Protocol ayaa la kulmay weerar sababay khasaare dhan $12 milyan, kadib markii la helay cilad ku jirtay smart contract-ka mashruuca
🌐 🤖 9. Ai & Web 3.0
- Hedera Africa Hackathon 2025 ayaa bilaabmay, iyadoo la filayo in ka badan 10,000 qof ay ka qeyb qaataan, lana bixiyo abaalmarino gaaraya $1 milyan si loo taageero fikradaha blockchain ee Afrika.
- Shirka Proof of Talk 2025 ayaa lagu qaban doonaa Musée des Arts Décoratifs ee Paris, waxaana la filayaa in uu noqdo mid ka mid ah shirarka ugu muhiimsan ee Web3.0 lagu hadlo.
- Open AI ayaa la kaashaneysa naqshadeeynta mashruuca Jony Ive si ay u horumariyaan qalabyo AI ah oo cusub, iyadoo la adeegsanayo shirkadda LoveFrom.
- Dario Amodei, CEO-ga Anthropic, ayaa sheegay in Ai ay halis ugu jirto inay baabi’iso kala bar shaqooyinka xafiisyada, taasoo sababi karta heerka shaqo la’aanta inuu gaaro 20% shanta sano ee soo socota.
ka baro halkaan koorsada Crypto bilaaw ilaa dhamaad
1 Comment
Abdisasad
Support