- ✅ ETF Flow: Waxaa maanta la iibsaday 10,430 BTC iyo 24,580 ETH.
- BTC ETFs waxaa maanta soo gashay $912.7M net inflow.
- ETH ETFs waxaa maanta soo gashay $38.8M net inflow.
- 🔥 Bitcoin ayaa dhaaftay Google, waxayna noqatay hantida shanaad ee ugu weyn aduunka marka loo eego market cap ahaan.

- 👤 Paul Atkins, Guddoomiyaha cusub ee SEC, wuxuu ballan qaaday inuu dhisi doono xeer nidaamsan oo caddaalad ah sidoo kalana loogu talagalay hantida dhijitaalka ah.
- 🏛️ Madaxweyne Donald Trump wuxuu sheegay inuusan qorshaynayn in shaqada laga eryo Jerome Powell, isagoo u rajeeyay in uu dhiirado oo uu hoos u dhigo dulsaarka.
- ⚖️ Xeer-ilaaliyaha Oregon ayaa dacweynaya Coinbase, isagoo ku eedeeyay inay si sharci-darro ah u bixisay XRP oo uu ku tilmaamay “hanti aan diiwaan gashanayn.”
- 🇺🇸 Afhayeenka Aqalka Cad Karoline Leavitt ayaa sheegtay in Mareykanka uu si wanaagsan ugu socdo wadahadallada heshiis ganacsi ee lala leeyahay Shiinaha.
- 🇯🇵🇮🇳 Mareykanka wuxuu ku dhow yahay in uu la gaaro Japan iyo India heshiisyo looga hortagayo canshuuraha culus ee ganacsiga.
- 📈 Standard Chartered ayaa waxay saadaalisay in Bitcoin ay gaarayso $200,000 sanadka 2025, iyadoo sabab uga dhigaysa dalabka hay’adaha iyo socodka ETF-yada.
- 🌐 Janover waxay iibsatay 88,164 SOL oo qiimahoodu gaarayo $11.5M, taasoo qeyb ka ah istaraatiijiyadooda kaydka crypto-ga.
- 🇺🇸 Coinbase ayaa ka fiirsaneysa inay hesho ruqsad bangi federaal Mareykan ah, taasoo u oggolaan karta inay bixiso adeegyo bangi sida deebaajiyo iyo amaahyo (deposits and loans).
- Tether ayaa daabacday 1,000,000,000 oo USDT ah blockchain-ka Tron.
🧠 Fiiro Gaar Ah:
Suuqa crypto waa mid dhaqso isu bedbedbela — nala soco si aad u hesho warar, falanqeyn iyo aragtiyo muhiim ah oo aan kuu soo koobo si fudud oo fahamkeedu sahlan yahay.
© temp.gellecrypto.com/ – Wargayska ugu weyn ee crypto oo af-Soomaali ah!
#CryptoSomalia #BitcoinWarar #EthereumNews #CoinbaseSomali #WararkaCrypto #GelleCrypto

