">
Skip to content Skip to sidebar Skip to footer

Suuqa crypto waxa uu ugu duwan suuqyada kale ee Financial ka in uu yahay mid aad Volatile u ah aana la saadaalin Karin waqti kasta meesha uu aadaayo.

Sidaa awgeed waxaa jirto Qaacido uu leeyahey Suuqaan oo ah DO Your Own Research – DYOR.

Waxaana jiro Platformyo badan oo laga baaro xogaha Coin walibo aad maal-gashanayso si aad go’aan ugu qaadato mashruuca waxaana ka mid ah Coin Market Cap, Coin Gecko, Defi-lama, Crypto Rank.

Maxay tahay 10-kaan qodob ay Muhiimka tahey in aad ka eegto Project walba ee Cryptocurrency inuu leeyahey inta aadan maalgashan ka hor?

Ka hor inta aadan ogaan 10 kaan qodob waxaa muhiim ah inaad fahanto waxa ay ku kala Yihiin Coin iyo Token, Taasoo ay badanaa dadka isku qaldaan, fahankoodana waxay kaa caawinaysaa in maalgashigaaga uu noqodo mid guulaysta ama aad ka hortagto hadii qasaare uu dhaco.

Coin Waa Mashruuc crypto oo Blockchain u gaar leh Sida Bitcoin, Ethrium, iyo Solana, awoodana in wax lagu dul dhiso Smart Contract.

Token waa mashruuc Crypto aan lahayn wax Blockchain ah oo lagu dul dhisay Mashruuc Blockchain lahaa waxaana ka mid ah USDT, Shiba Inu, USDC, UNI.

Waa kuwaan 10-ka qodob ay muhiimka tahay inaad iska hubiso ka hor inta aadan maalgshi ku samayn suuqa Crypto.

Qodobka 1aad.

Rank, waa numebrka kaalinta uu Suuqa kaga jiro coin ama Token-ka midaan waxay kaa caawinaysaa in aad go’aan ku qaadato aadna ka wal walin hadii aad maalgashato 10-ka Coin ee ugu marketcap-ka wayn suuqa crypto maadaama ay adagtatey in ay si fudud ugu baxaan suuqa ama hoos u dhac wayn ee la kulmaan.

Qodobka 2aad.

Market-Cap, waa Lacagta guud ee ku jito Mashruuca, waxa aadna ku ogaanaysaa adigoo isticmaalaayo qaacidada ah “Circulation Supply * Current Price” Tusaale BTC waxaa ku jirto wareega guud ee suuqa (19.87M) halka qiimaha halkii xabo uu maraayo ($104,370.91).   Si aad u xisaabiso adigoo isticmaalayo qaacidada 19.87M*104,370.91=2.73 trillion. laga yabaa in ay isbadasho!,

Tusaale kale USDT, Circulation supply-giisa $153.09B, qiimaha halkii xabo $1, 153.09B *1 =153.15billion 

Qodobka 3aad.

Market Dominance waa awooda uu suuqa ku leeyahey project-ga midaan waxaad ku ogaanaysaa in aad maalgashato mashruucyo joogto ah awooda ay suuqa ku leeyihiin si portfolio-haaga ay u noqoto mid xasiloon. Sida Bitcoin, Ehther iyo Solana, Xrp, Ada, toncoin iwm.

Qodobka 4aad.

Volume, waa cabirka aad ku ogaanayso dhaq-dhaqaaqa Coinka uu sameeyay ama hantida soo gashay waqti gaar ah tusaale 24tii saac u dambeysay hadii laga helaayo suuqyada Cex iyo Dex, midaan waxa ay aad u anfacaysaa dadka ka trade gareeyo suuqaan in ay adeegsadaan, maadaama ay raadinayaan short profit.

Qodobka 5aad

Maximum Supply, Waa inta xabo oo coins mashruuc walba ka kooban yahey, midaan ayay ku kala duwan yihiin projectiyada cryptocurrency, Coin iyo Token labuduba iyadoo marar ka qaar ay jiraan mashruucyo aan la heen wax Max Supply ah sida Eth iyo USDT oo kale, waxaan la yiraahdaa “inflationary” taasoo team-ka ka dambeeyo projecti-gaas ay adeegsadaan hanaanka ah “Inflation” oo si tartiib suuqa ugu soo daayaan inta miro ee la mining gareeye iyadoo laga ilaalinaayo inaysan saamayn suuqa.

Waxaa sidoo kale jirto projectiyada qaarkood in ay leeyihiin Max Supply aad u badan taasoo in aad faa’ido ka samayso ay aad u adagtahey maadaamo Demand-kooda uu yar yahey, Sida Ripple (XRP).

Waana sababta BTC ay qaali u tahey maadaamo Demand-keedu uu badan yahey, sababtana ay tahay in Max Supply-geedu uu ku eg-yahay kaliya 21 Million hadii uu gaaro aysan jirin bitcoin kale minning lagu soo saarayo.  

Waxana lagu ogaadaa qaacidada ah:

Max Supply=Total Minted + Remaining to be Minted

Tusaale BTC:

Total minted “inta la mining gareeye hadaa waa 19.87 million

Remaining Mining “inta harsan aan wali la mining garayn waa1.13 million

Si aad u xisaabiso waxaad isku daraysaa Total minted iyo Remaining mining.

19.87M+1.17M= 21Million

Maximum supply guud ee Bitcoin waa 21 million, mashruuc walibo oo cryptocurrency ahna sidaa ayaad u baaraysaa ka hor inta aadan maalgashan.

La Soco qaybta 2aad!

halkaan ka baro Coursada Crypto af-kaaga hooyo

Leave a comment