">
Skip to content Skip to sidebar Skip to footer

Marka la joogo cryptocurrency scammers-ku way noocyo badan yihiin waxayna adeegsadaan xeelado kala duwan si ay u dhacaan hantida maalgashiyaasha waxaana jirto hal xeelad ugu caansan ay scammers-ku ku xadaan balaayiin waana “Invesment Scam” taasoo uu soo maray badanaa qof walibo oo crypto ku cusbaa, waana in project maalgashigiisa laguu xayeesiiyo adigoo laguu awaal marinaayo qof walibo aad kenentid points waxaana loo yaqaana pyramid and Ponzi schemes.

Waa kuwaan 10-kii Scam ugu waynaa ee crypto ka dhacay?

  1. One Coin waxaa lagu dhacay lacag ka badan 4 billin oo dollar, waxa uu ahaa ‘ponzi schems-kii’ ugu waynaa ee ka dhacay crypto taariikhda, waxuu socday 2014 Iilaa 2019, wuxuna ahaa project ay ka dambeesay haweeney lagu magacaabo Drs. Ruja ignatovo ‘Crypto Queen’ una dhalatey dalka ruushka.
    Projecti-gaan wuxuu u shaqeeynaayi qaab ah multi-level Marketing (MLM) oo qof walibo maalgashi ku sameeyo qof-ka uu keeno waxa uu ku helaayi points, hadii ay gaaraan dadka iska diwaan galiye referral-link-giisa koox, isaga ayaa leader u noqonaayi tasoo keentay in uu noqdo mid hayp-ka bulshada ka gadmo si fudud adduunka ugu faafo.
    One Coin projectiga ma laheen wax blockchain ah mana ka diwaan gashinayn labada platform ugu wayn crypto ee laga helo xogta coinska coin market cap iyo coin Gecko teamka ka dambeeye waxay ku sheegeen in uu yahey Bitcoin killer!.
  2. Bit connect, waxaa lagu dhacay $2.4 billon, waxay aheed madal maalgashi oo u soo celinaysi maalgashiyadaasha faa’ido labo jibaaran ‘guarantee high return’, waxayna u shaqaynaysi qaab Pinzi Scheme ah “qof waliboo maalgashi sameeye qof ayuu keenaayi’ waxaana lagu siinaayi dadka waqti hore maalgashi sameeyay “early investors” oo dad cusub keena awaalmarin, ‘Points’ waxuu bur burey mashruucaan 2018.
  3. PlusToken, Waxuu ahaa fake crpto wallet’ boors been abuur ah taasoo isticmaaliyaasha lagu dhiiri galinaayi in ay helayaan return sareeyo hadii ay wax ku kaydsadaan gas fee aan laga qaadayn waxaana lagu dhacay in ka badan $2 Billion dollar, waxuuna saameeye scam-kaan isticmaalayaal gaaraayo ilaa 3 million qofood ku kala nool south korea iyo chaina bur burkiisa ayaa sababey in suuqa crypto ka dhaco volatile aad u xoogan, gaar ahaan coinska BTC iyo Eth, waxaana la soo qabtay teamkii ka dambeeye plaatformkaas.
  4. FTX Collapse, FTX waxuu ahaa Exchange wayn oo suuqa crypto caan ka ahaa waxaana aas aasay wiil dhalanyaro oo lagu magacaabi Sam bankman-Fried (SBF), Sariflahaan ayaa isticmaalayi hantida maalgashiyaasha, si sharci daro ah markay isku dayaan macaamiisha in ay withdrawal dhahaan ‘kala baxaan’ asset-kooda, waxay kala kulmayeen caqabad taasoo sababtay in uu burbuiro waxaana ku maqan hanti gaarayso 8 billion oo dollar.
  5. Africrypto, waxay aheed madal maalgashi laga leeyahey Africa, waxaana sameeye labo wiil walaalo oo lagu kala magacaabi ‘Ameer iyo Raees’ waxay sheegeen in hacking lagu sameeye platform-kooda 2021, lagana dhacay lacag ka badan 3.6 billion, balse waxaa lagu tuhsanyahey in uu ahaa scam ay iyaga ka dambeeyeen.
  6. Squid Game Token (SQUID), wuxuu ahaa project Scam-kii ugu waynaa crypto kana dhaca dhanka “Memo Coins-ka” waxaa laga sameeye filimka ay soo daaysay shirkada Netflix’s 2021 ee SQUID GAME, memo coin-kaan ayaa “price” qiimihiisa ka kacay $0.001 wuxuuna gaaray $2,800 ka dib waxuu ku soo laabtay $0, markii ay dovelopers ka dambeeye ku samayeen “Rug pull” waxayna ku lunsadeen lacag kor u dhaafayso 3.3 million oo dollar.
  7. WoToken, Waxuu ahaa project u shaqaynaayi qaab Ponzi scheme sida midkii PlusToken, developers ka dambeeye waxay maalgashiyadaasha ku soo jiiteen in uu mashruucooda ku dhisanyahey ‘Ai trading bots’, garaad macmal kuu samaynaayo trade aan lahayn wax qasaaro ah “guarantee profit”, waxayna ku lunsadeen lacag ka badan $1 billion, aas aasayaashi ka ah. dambeeye ayaa lagu qabtay dalka china iyagoo baxsad
  8. Gain Bitcoin, waxuu ahaa mashruuc ka jiray dalka india una shaqaynaayi qaab Ponzi scheme, oo maalgashiyaasha waxay helayaan 10% bilwalibo joogta ah bitcoin maalgashigooda, waxaana lagu lunsaday $300 million, aas aasihii ka dambeeye mashruucaas waxaa lagu qabtay dalka india.
  9. Thodix, waxa uu ahaa sarifle crypto ka jirey wadanka Turkey, si ka dis ah ayuu halmar suuqa ugu baxay, CEO-ga sariflahaas ayaa la waayay muuqiisa waxuuna la goostay lacag kor u dhaafayso $3 billion una dhiganto bitcoin, waxaa la soo qabtay 2023-dii laakiin lama helin hantidii maalgashiyaasha.
  10. Forsage, waxa uu ahaa Decentralized Ponzi Scheme, teamka ka dambeeye waxay sheegayn in mashruucooda uu yahey Smart Contract ku dul dhisan Ethrium, Binance Smart Chain iyo Tron maalgashiyaasha hadii ay dad keenaan in ay ku helayaan points, waxyna ku lunsadeen lacag kor u dhaafayso $3 million.

Sidee iskaga ilaalin kartaa in lagu sameeyo Scam?

Raac tilaabooyinkaan si aad iskaga ilaaliso Scamerska ka qaraabto Crypto

  • Iska ilaali mashruucyada ku dhisan “Guarantee high return” Scamersku waxay adeegsadaan xeelad ah return joogto ah bil walibo tusaale: “maalgashi ku samayso project-gaan X, bil walibo waxaa faa’ideysaa 10%,50% 70,100% faa’ido maalgashigaaga, xaqiiqdana sidaa maha oo Crypto kama jirto wax la yiraahdo faa’ido joogto, maalina waa qasaaraysaa, maalina waa faa’ideysaa.
  • Ka fogaaw mashruucyada ku dhisan Ponzi and Pyramid scheme, project-yada ay sacmersku ka dambeeyaan waxay balan qaadaan hadii uu qofka qof keeno wuxuu ku helayaa points, badanaa mashruucyada noocaan ah wax faa’ido ma lahan.
  • Iska baar mashruuca aad maalgashanayso iskana fiiri teamka ka dambeeyo, badanaa projectiyada ay ka dambeeyaan scamers ma lahan wax blockchain teamkiisana xogtooda waa hidden ka fogaaw hadii aad midaan ku aragto hana maal gashan.
  • Iska xaqiiji xogtiisa mashruuca aad maalgashanayso hadii uu yahey coin ama Tooken, isticmaal ‘Blockchain Expoler’ si aad u ogaato teamka ka dambeeyo mashruucaas, sida ay u kala haystaan, whitepaperkooda, roadmapkooda, accounts-kooda baraha bulshada iyo websitekooda.
  • Ka fogaaw ‘Overhype projects’ hadii uu yahey mashruuca ay bulshada isla wado mid aan lahayn wax ‘Use case’ ah waxa loo isticmaalyo aan la aqoon ama aan xalinayn dhibaato sida Bitcoin, waa scam caadi ah ee ka fogaaw waxbo ha maalgashan.
    Ha u jawaabin fariimaha ku saabsan sida waxaad ku guulaysatey $10k noo soo dir xogtaada si aan kugu soo dirno ama maalgashi ku samayso mushruucaan waxaad bil walibo helaysaa 100% faa’ido ah laaguu soo diro telegram, whatsapp, Email, Discord iwm.
  • Isticmaal platforms crypto la isku hubo, amaana ah, iska fiiri exchange-ka hadii uu yahey mid diwaan gashan oo sharci haysto sida Binance, Kraken, Coinbase hadii aad rabto inaad ka qaraabato Decentralised exchange adiga ayaa masuul iska ah.

ka baro halkaan Coursada Crypto Bilaaw ilaa dhamaad

Leave a comment