Wararka maanta ee Suuqa kiribto 16-01-2026

Jacfar
By Jacfar

Ku soo dhawaada wararkii ugu dambeeyay ee suuqa waxyaabaha aan ugu hadli doono waxaa ka mid ah, crypto, blockchainDefiCefiNFT, Ai, Web 3.0, iyo Si guud dhaqaalaha caalamka.  

Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walibo dhacdooyinkii uu dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo crypto kuwaas oo isugu jira, waxyaabaha muhiimka waxaa ka mid ah isbadelka suuqa, xeerar cusub ay dawladuhu crypto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Crypto waxyaabaha ku soo kordha technologiyada Bloickchain.

📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa

  • Market Cap ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $3.23 trillion, halka (Volume) hantida guud ee suuqa la isku dhaafsaday 24 saac u dambaysay ay gaarayso 114.81 billion.
  • Awooda suuqa Dominance waxaa haysto maanta Coinka Bitcoin awood dhan %59.1 halka Altcoins ay haystaan awood dhan 43.91%
  • Altcoin season Index waxuu sheegayaa in uu yahey 23% taasoo ka dhigan in damaca altcoins laga qabo ay soo hagaagayso
  • Fear and Greed index halbeega lagu cabiro dareenka maalgashiyaasha waxuu muujinayaainuu yahay 50% taasoo ka dhigan inay hoosayso damaca maalgashiyaasha suuqa.
  • Stablecoins sida USDT iyo USDC ayaa weli door muhiim ah ka ciyaaraya isdhaafsiga lacagaha suuqa Crypto. USDT waxaa la isku dhaafsaday maanta hanti dhan $82.10 billion halka USDC lagu kala ganacsaday 8.483 billion.
  • Bitcoin (BTC) waa Coin-ka ugu qiimaha badan lacagaha Digital-ka ah e Crypto wuxuu joogaa qiimihiisa manta $95,419.21
  • Ethereum (ETH) waa coin-ka labaad ugu qiimaha lacagaha digital-ka wuxuna leeyahay Blockchain ugu awooda badan Crypto qiimihiisa wuxuu haatan marayaa $3,320.89
  • Binance Coin (BNB)- waa coin ee leedahay shirkada Binance waxaa loo adeegsadaa bixinta adeegyada madasha qiimihiisa wuxuu haatan marayaa $935.14
  • Rippe (XRP)- waa coin-ka ee leedahay shirkada Ripple loona adeegsado lacag dirida caalamiga ah xawaare are iyo qiimo jaban wuxuu qiimihiisa joogaa haatan $2.03.
  • Solana (SOL)- waa coin sumcad ku dhex leh lacagaha digitalka ah ee Crypto wuxuuna leeyahyay Blockchainta loogu adegsiga badan yahay Crypto qiimihiisa wuxuu manta joogaa $143.82.

️2.  Xeerarka & Sharciyada (Regulation)

- Advertisement -
  • Bankiga Dhexe ee Mareykanka (Federal Reserve) ayaa maanta shaaciyay barnaamij tijaabo loogu talagalay “Digital Dollar” (CBDC), kaasoo ay ka qayb qaadanayaan 5 bangi oo waaweyn.
  • Baarlamaanka Yurub ayaa ansixiyay sharci cusub oo lagu aqoonsanaya “Smart Contracts”

🏛️3. ETFs & Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)

  • Shirkadda VanEck ayaa maanta gudbisay codsigii ugu horreeyay ee rasmiga ah ee Spot Solana ETF, taasoo keentay in qiimaha SOL uu koco 15% saacado gudahood.
  • Michael Saylor ayaa ku dhawaaqay in shirkaddiisu ay dhammaystirtay iibsashada 5,000 BTC oo kale maanta, iyagoo isticmaalaya lacag ka soo xarootay iibka saamiyada.

🪙4.  Coins-ka Cusub & Token-ada

  • NeuralFi (NEU): Token-kan cusub oo isku daraya “Neuroscience” iyo “Finance” ayaa maanta soo galay suuqa, isagoo u ogolaanaya dadka inay xogta maskaxdooda (Brain data) lacag ka sameeyaan.

🐋5.  Maalgashiga “Whales” (Whale Investments)

  • Boorso gaar ah aan la isticmaalin 12 sano (tan iyo 2014) ayaa maanta dhaqaajisay 2,500 BTC ($240 Milyan), taasoo abuurtay hadal hayn badan Suuqa.
  • Tether ayaa maanta soo saartay $3 Bilyan oo USDT ah, waana lacagtii ugu badnayd ee hal mar la soo saaro sanadkan.

🏗️6. Mashaariicda Horumarka ku socdo ee Suuqa (Developing Projects)

  • Polygon ayaa soo saartay qalab cusub oo isku xiraya dhammaan silsiladaha Layer 2, si ay u noqdaan hal shabakad weyn oo isku dhafan.
  • Kooxda Sui ayaa soo bandhigtay qalab gacanta lagu qaato (Handheld console) oo si gaar ah loogu talagalay ciyaaraha Web3, kaasoo ku shaqeeya Blockchain-kooda.

️7. Tiknoolajiyadda Blockchain

- Pre Order -

Kiribto: Kacdoonka Qarniga 21-aad

Madax-bannaani ★ Daah-furnaan ★ Musuq-maasuq Laa’aan. 🚀 Ku soo dhawoow kacaankii qarniga 21-aad.

  • Tijaabo cusub oo lagu kaydinayo xogta DNA-da aadanaha Blockchain dushiisa ayaa maanta bilaabatay, iyadoo ujeedadu tahay in dadku ay iyagu maamulaan xogtooda caafimaad.

🤖8. AI & Web 3.0

  • Model cusub oo AI ah oo ku shaqeeya Blockchain ayaa maanta si sax ah u saadaaliyay dhaqdhaqaaqa qiimaha Bitcoin ee 4-tii saac ee la soo dhaafay, taasoo soo jiidatay ganacsato badan.

🎨9. NFT & DeFi

  • Heerka dulsaarka amaahda ee lacagaha Stablecoins-ka (sida USDC) ee barxadaha DeFi sida Aave ayaa gaaray 12% maanta, sababtoo ah baahida loo qabo Leverage.

Crypto bilaw ilaa dhamaad AF:Somali

Best Somali Cryptocurrency Course: Learn the fundamentals of cryptocurrencies, blockchain, and secure trading. Master using Metamask, Binance, and Crypto.com….

Crypto Trading Mastery: From A to Z

A complete beginner-to-expert crypto trading course. Learn how crypto markets work, how to choose secure exchanges, and how to trade safely using proven strategies…

Share This Article