Ku soo dhawaada wararkii ugu dambeeyay ee suuqa waxyaabaha aan ugu hadli doono waxaa ka mid ah, crypto, blockchain, Defi, Cefi, NFT, Ai, Web 3.0, iyo Si guud dhaqaalaha caalamka.
Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walibo dhacdooyinkii uu dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo crypto kuwaas oo isugu jira, waxyaabaha muhiimka waxaa ka mid ah isbadelka suuqa, xeerar cusub ay dawladuhu crypto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Crypto waxyaabaha ku soo kordha technologiyada Bloickchain.
📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa
- Market Cap ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $3.35 trillion, halka (Volume) hantida guud ee suuqa la isku dhaafsaday 24 saac u dambaysay ay gaarayso 103.57 billion.

- Awooda suuqa Dominance waxaa haysto maanta Coinka Bitcoin awood dhan %59.1 halka Altcoins ay haystaan awood dhan 43.91%
- Altcoin season Index waxuu sheegayaa in uu yahey 23% taasoo ka dhigan in damaca altcoins laga qabo ay soo hagaagayso
- Fear and Greed index halbeega lagu cabiro dareenka maalgashiyaasha waxuu muujinayaainuu yahay 36% taasoo ka dhigan inay hoosayso damaca maalgashiyaasha suuqa.

- Stablecoins sida USDT iyo USDC ayaa weli door muhiim ah ka ciyaaraya isdhaafsiga lacagaha suuqa Crypto. USDT waxaa la isku dhaafsaday maanta hanti dhan $87.10 billion halka USDC lagu kala ganacsaday 13.43 billion.

- Bitcoin (BTC) waa Coin-ka ugu qiimaha badan lacagaha Digital-ka ah e Crypto wuxuu joogaa qiimihiisa manta $68,769.21
- Ethereum (ETH) waa coin-ka labaad ugu qiimaha lacagaha digital-ka wuxuna leeyahay Blockchain ugu awooda badan Crypto qiimihiisa wuxuu haatan marayaa $1,995.89
- Binance Coin (BNB)- waa coin ee leedahay shirkada Binance waxaa loo adeegsadaa bixinta adeegyada madasha qiimihiisa wuxuu haatan marayaa $629.14
- Solana (SOL)- waa coin sumcad ku dhex leh lacagaha digitalka ah ee Crypto wuxuuna leeyahyay Blockchainta loogu adegsiga badan yahay Crypto qiimihiisa wuxuu manta joogaa $84.64.
- Rippe (XRP)- waa coin-ka ee leedahay shirkada Ripple loona adeegsado lacag dirida caalamiga ah xawaare are iyo qiimo jaban wuxuu qiimihiisa joogaa haatan $1.35.
⚖️2. Xeerarka & Sharciyada (Regulation)
- Wiil uu dhalay qandaraasle u shaqeeya dowladda Mareykanka ayaa maanta la xiray kadib markii lagu eedeeyay inuu xaday $46 Milyan oo Crypto oo dowladda Mareykanku (US Marshals) ay horay ula wareegtay.
- Shirkadda Strike oo uu leeyahay Jack Mallers ayaa maanta si rasmi ah u heshay shatiga adag ee ‘BitLicense’, taas oo u oggolaanaysa inay adeegyo Bitcoin ah si buuxda uga bixiyaan gobolka New York.
- Hay’adda nidaaminta suuqyada ee Dubai ayaa maanta ku amartay sarrifka KuCoin inuu si degdeg ah u joojiyo dhammaan adeegyada Crypto ee “aan shatiga haysan” gudaha waddanka.
- Guddiga SEC ee Mareykanka wuxuu dareemaya cadaadis maadaama 27-ka bishan Maarso ay tahay waqtiga ugu dambeeya ee ay tahay inay go’aan kama dambays ah ka gaaraan 91 codsi oo ah Spot Crypto ETFs.
🏛️3. ETFs & Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)
- Bangiga Dhexe ee Kazakhstan ayaa maanta shaaciyay warbixin sheegaysa inuu qorsheynayo inuu $350 Milyan ku maalgashado Cryptocurrency.
- Shirkadda macdanta ee ‘American Bitcoin’ (oo lala xiriiriyo siyaasiyiinta Mareykanka) ayaa ku dartay 6,500 BTC oo cusub kaydkeeda maaliyadeed.
- Tan iyo markii si rasmi ah loo oggolaaday bishii Janaayo 2026, Spot Chainlink ($LINK) ETF-kaan wuxuu albaabada u furay maalgashiga hay’adaha.
🪙4. Coins-ka Cusub & Token-ada
- Binance ayaa maanta calaamadda khatarta (Monitoring Tag) saartay 9 tokens oo ay ku jiraan WIF, MBOX, LRC, iyo COS sababo la xiriira isbedbeddelkooda xooggan iyo halista suuqa.
- Binance ayaa dhanka kale ka qaadday calaamaddii bilowga (Seed Tag) tokens-ka ONDO iyo VIRTUAL, taas oo muujinaysa inay yareeyeen khatartii ugu horreysay.
- Lacagta ‘WhiteBIT Coin’ ($WBT) ayaa si rasmi ah maanta loogu daray sarrifka weyn ee Kraken.
🐋5. Maalgashiga “Whales” (Whale Investments)
- Shirkadda Iren ee xarunteedu tahay Sydney ayaa dalbatay 50,000 xabo oo qalabka Nvidia GPUs ah si ay si weyn ugu ballaariso xarumaheeda isku dara AI iyo Crypto.
- Xogta Glassnode ayaa maanta muujinaysa in Whales-ku ay qaateen “Nidaam difaac ah” sababo la xiriira dagaalada waxayna aruursanayaan Stablecoins.
- Shirkadda Tether (USDT) waxay heshay caddayn (Attestation) ka timid shirkadda Deloitte, balse, caddayntan ayaa kaliya khusaysa mashruucooda cusub ee Stablecoin-ka Mareykanka si gaar ah loo nidaamiyo, ee ma ahan USDT-da weyn.
⛓️6. Tiknoolajiyadda Blockchain
- Dood farsamo oo aad u weyn ayaa maanta ka dhex socota horumariyayaasha Bitcoin oo ku saabsan ‘BIP 54’, taas oo ah soo-jeedin Softfork lagu xallinayo afar ciladood oo yar-yar oo ku jira nidaamka asaasiga ah ee xaqiijinta (Consensus protocol).
- khidmadaha ETH ayaa weli ah midda ugu awoodda badan dhanka dhimista sahayda (Deflationary), gaar ahaan xilliyada dhaqdhaqaaqa on-chain uu sarreeyo.
🤖7. AI & Web 3.0
- Shirkadda Nano Labs ayaa maanta soo bandhigtay qalabka cusub ee ‘iPollo ClawPC A1 Mini’, kaas oo si gaar ah loo naqshadeeyay inuu taageero oo uu martigeliyo nidaamka Wakiilada AI ee furan (OpenClaw AI Agent Ecosystem).
🎨 9. NFT & DeFi
- Suuqyada DeFi ee isku dara maaliyadda iyo la-falgalka bulshada (SocialFi) ayaa maanta diiwaangeliyay koror isticmaalayaal ah, waxaana tusaale u ah abaalmarinada lagu bixiyay horyaalka Firefly.
Ogaysiis
Sida aad wada ogtihiin waa yimaadday buuggeennii Kiribto, Kacdoonka Qarniga 21aad, haddaba waxaad ka dalban kartaa website-keenna adiga oo raacaya lifaaqan: https://gellecrypto.com/shop/crypto/kiribto-kacdoonka-qarniga-21-aad/


