Ku soo dhawaada wararkii ugu dambeeyay ee suuqa waxyaabaha aan ugu hadli doono waxaa ka mid ah, crypto, blockchain, Defi, Cefi, NFT, Ai, Web 3.0, iyo Si guud dhaqaalaha caalamka.
Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walibo dhacdooyinkii uu dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo crypto kuwaas oo isugu jira, waxyaabaha muhiimka waxaa ka mid ah isbadelka suuqa, xeerar cusub ay dawladuhu crypto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Crypto waxyaabaha ku soo kordha technologiyada Bloickchain.
📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa
- Market Cap ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $2.41 trillion, halka (Volume) hantida guud ee suuqa la isku dhaafsaday 24 saac u dambaysay ay gaarayso 106.8 billion.

- Awooda suuqa Dominance waxaa haysto maanta Coinka Bitcoin awood dhan %59.1 halka Altcoins ay haystaan awood dhan 43.91%
- Altcoin season Index waxuu sheegayaa in uu yahey 23% taasoo ka dhigan in damaca altcoins laga qabo ay soo hagaagayso
- Fear and Greed index halbeega lagu cabiro dareenka maalgashiyaasha waxuu muujinayaainuu yahay 27% taasoo ka dhigan inay hoosayso damaca maalgashiyaasha suuqa.
- Stablecoins sida USDT iyo USDC ayaa weli door muhiim ah ka ciyaaraya isdhaafsiga lacagaha suuqa Crypto. USDT waxaa la isku dhaafsaday maanta hanti dhan $90.10 billion halka USDC lagu kala ganacsaday 15.48 billion.

- Bitcoin (BTC) waa Coin-ka ugu qiimaha badan lacagaha Digital-ka ah e Crypto wuxuu joogaa qiimihiisa manta $70,700.21
- Ethereum (ETH) waa coin-ka labaad ugu qiimaha lacagaha digital-ka wuxuna leeyahay Blockchain ugu awooda badan Crypto qiimihiisa wuxuu haatan marayaa $2,064.89
- Binance Coin (BNB)- waa coin ee leedahay shirkada Binance waxaa loo adeegsadaa bixinta adeegyada madasha qiimihiisa wuxuu haatan marayaa $649.14
- Solana (SOL)- waa coin sumcad ku dhex leh lacagaha digitalka ah ee Crypto wuxuuna leeyahyay Blockchainta loogu adegsiga badan yahay Crypto qiimihiisa wuxuu manta joogaa $86.82.
- Rippe (XRP)- waa coin-ka ee leedahay shirkada Ripple loona adeegsado lacag dirida caalamiga ah xawaare are iyo qiimo jaban wuxuu qiimihiisa joogaa haatan $1.39.
⚖️2. Xeerarka & Sharciyada (Regulation)
- Xafiiska xakamaynta hantida caalamka ee Mareykanka (OFAC) ayaa liiska madow ku daray dhowr cinwaan oo Crypto ah iyo sarrifyo yaryar (sida Zedcex iyo Zedxion) oo lagu eedeeyay inay fududeeyeen lacagaha loogu talagalay ciidamada ilaalada kacaanka Iiraan (IRGC) iyo kooxaha Xuutiyiinta ee Yemen.
- Maamulka Imaaraadka Carabta ayaa soo saaray awaamiir cusub oo lagu amrayo shirkadaha Crypto-ga ee ku yaal Dubai iyo Abu Dhabi inay u wareegaan shaqada fogaan araaga (remote work) xilliyada ay jiraan digniinaha gantaalaha.
- Wararka ka imanaya Teheran ayaa sheegaya in wasaaradda difaaca Iiraan ay si rasmi ah u bilowday inay u bixiso qandaraasyada milatari qaab Crypto ah si looga gudbo xayiraadaha bangiyada caalamiga ah.
🏛️3. ETFs & Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)
- Shirkadda uu hoggaamiyo Michael Saylor ayaa si rasmi ah u xaqiijisay inay iibsatay 17,994 BTC oo dheeraad ah usbuucan, iyadoo ku bixisay $1.28 Bilyan. Wadarta hantida Strategy ayaa haatan gaartay tiro dhan 738,731 BTC.
- Lacagaha sida joogtada ah uga baxaya iyo kuwa soo gelaya Bitcoin ETFs ayaa ah kuwo aad u kala duwan, iyadoo maalmihii la soo dhaafay ay jireen lacag-bixid (outflows) xooggan, tusaale ahaan Solana ETFs waxaa soo gashay in ka badan $11 Milyan.
🪙4. Coins-ka Cusub & Token-ada
- DeepSnitch AI (DSNT) – Mashruucan oo isku xira garaadkla Macmalka (AI) iyo Kiribto ayaa hadda maraya marxaladihiisii ugu dambeeyay.
- Waxay ururisay in ka badan $2 Milyan, iyadoo lagu jiro Stage 13 ee presale-ka.
- Waxaa la filayaa in si rasmi ah loo soo bandhigo Maarso 31, 2026 sarrifka Uniswap, waxaana dhowaan lagu dari doonaa sarrifyada CEX (sida MEXC iyo Binance).
- Qiimaha hadda waa $0.04399, iyadoo la saadaalinayo inuu gaaro $0.153 marka la liis-gareeyo.
🐋5. Maalgashiga “Whales” (Whale Investments)
- Dowladda Kuuriyada Koonfureed ayaa iibisay 320.8 BTC (oo u dhiganta $21.5 Milyan) oo ay dhowaan dib u heshay.
- lacagtan ayaa markii hore dowladda qabatay qaab sharci darro ah, kadibna tuugo (hackers) ayaa ka xaday dowladda, ugu dambeyntiina tuugadii ayaa si lama filaan ah dib ugu soo celiyay hantidaas.
- Shirkadda maalgashiga qaranka ee dalka Bhutan (Druk Holding) ayaa suuqa ku iibisay 175 BTC ($11.85 Milyan), taas oo ka dhigaysa wadarta iibkooda sanadkan inay gaarto $42.5 Milyan.
⛓️6. Tiknoolajiyadda Blockchain
- Shabakadda DeFi ee Aave ayaa la kulantay cilad dhanka macluumaadka xog-bixiyaha taas oo keentay in si qasab ah loo xiro hanti dhan $27 Milyan. Shirkadda maareynta khatarta ee Chaos Labs ayaa si degdeg ah u soo dhex-gashay si ay u xaddiddo dhibaatada.
🤖7. AI & Web 3.0
- Shirkadda Meta ayaa dhawaan shaacisay qorshe ay ku iibsanayso ‘Moltbook’, oo ah shabakad bulsho oo si xawli ah u koreysa, kana kooban wakiilo garaadka macmalka ah (AI agents) oo is-dhexgalaya.
Ogaysiis
Sida aad wada ogtihiin waa yimaadday buuggeennii Kiribto, Kacdoonka Qarniga 21aad, haddaba waxaad ka dalban kartaa website-keenna adiga oo raacaya lifaaqan: https://gellecrypto.com/shop/crypto/kiribto-kacdoonka-qarniga-21-aad/


