Ku soo dhawaada wararkii ugu dambeeyay ee suuqa waxyaabaha aan ugu hadli doono waxaa ka mid ah, crypto, blockchain, Defi, Cefi, NFT, Ai, Web 3.0, iyo Si guud dhaqaalaha caalamka.
Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walibo dhacdooyinkii uu dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo crypto kuwaas oo isugu jira, waxyaabaha muhiimka waxaa ka mid ah isbadelka suuqa, xeerar cusub ay dawladuhu crypto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Crypto waxyaabaha ku soo kordha technologiyada Bloickchain.
📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa
- Market Cap ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $2.4 trillion, halka (Volume) hantida guud ee suuqa la isku dhaafsaday 24 saac u dambaysay ay gaarayso 96.62 billion.

- Awooda suuqa Dominance waxaa haysto maanta Coinka Bitcoin awood dhan %59.1 halka Altcoins ay haystaan awood dhan 43.91%
- Altcoin season Index waxuu sheegayaa in uu yahey 23% taasoo ka dhigan in damaca altcoins laga qabo ay soo hagaagayso
- Fear and Greed index halbeega lagu cabiro dareenka maalgashiyaasha waxuu muujinayaainuu yahay 27% taasoo ka dhigan inay hoosayso damaca maalgashiyaasha suuqa.
- Stablecoins sida USDT iyo USDC ayaa weli door muhiim ah ka ciyaaraya isdhaafsiga lacagaha suuqa Crypto. USDT waxaa la isku dhaafsaday maanta hanti dhan $82.10 billion halka USDC lagu kala ganacsaday 8.483 billion.

- Bitcoin (BTC) waa Coin-ka ugu qiimaha badan lacagaha Digital-ka ah e Crypto wuxuu joogaa qiimihiisa manta $70,230.21
- Ethereum (ETH) waa coin-ka labaad ugu qiimaha lacagaha digital-ka wuxuna leeyahay Blockchain ugu awooda badan Crypto qiimihiisa wuxuu haatan marayaa $2,071.89
- Binance Coin (BNB)- waa coin ee leedahay shirkada Binance waxaa loo adeegsadaa bixinta adeegyada madasha qiimihiisa wuxuu haatan marayaa $655.14
- Solana (SOL)- waa coin sumcad ku dhex leh lacagaha digitalka ah ee Crypto wuxuuna leeyahyay Blockchainta loogu adegsiga badan yahay Crypto qiimihiisa wuxuu manta joogaa $87.82.
- Rippe (XRP)- waa coin-ka ee leedahay shirkada Ripple loona adeegsado lacag dirida caalamiga ah xawaare are iyo qiimo jaban wuxuu qiimihiisa joogaa haatan $1.38.
⚖️2. Xeerarka & Sharciyada (Regulation)
- Labada hay’adood ee Mareykanka ugu waaweyn ee maamula maaliyadda (SEC iyo CFTC) waxay gaareen heshiis isfahan. Si ay u soo afjareen sanado ay ku muransanaayeen awoodda nidaaminta Crypto-ga, waxayna iminka si wadajir ah u sameyn doonaan shuruuc midaysan oo lagu kormeero hantida dhijitaalka ah.
- Bangiga Dhexe ee Imaaraadka Carabta ayaa soo saaray xeerar cusub (Decree-Law No. 6) oo ballaarinaya awoodda kormeer ee lagu hayo shirkadaha bixiya adeegyada lacagaha iyadoo la adeegsanayo hantida dhijitaalka ah.
🏛️3. ETFs & Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)
- Shirkadda maamusha hantida ugu weyn caalamka ee BlackRock waxay si rasmi ah u soo bandhigtay ETF cusub oo ku salaysan Staked Ether, si ay u haqabtirto baahida sii kordhaysa ee macaamiisha doonaya macaashka (yield) joogtada ah ee shabakadda Ethereum.
- Warbixin cusub ayaa muujisay in hantida aasaasaha Binance, Changpeng Zhao (CZ), ay gaartay $110 Bilyan, isagoo haatan ka hanti batay aasaasihii Microsoft, Bill Gates.
🪙4. Coins-ka Cusub & Token-ada
- Espresso (ESP): Token-kan cusub ayaa maanta si rasmi ah looga bilaabay sarrifka Binance, iyadoo uu sameeyay kobac dhan 2.3% saacadihii ugu horreeyay ee uu suuqa soo galay.
🐋5. Maalgashiga “Whales” (Whale Investments)
- Shirkadda BitMine waxay maanta iibsatay 60,000 ETH oo dheeri ah. Waxay hadda gacanta ku haysaa 4.53 milyan ETH (oo u dhiganta 3.76% dhammaan Ethereum-ka wareegaya).
- Dhaqdhaqaaq weyn ayaa laga dareemay shabakadda Solana, iyadoo nibiriyo aan la garaneyn ay si xawli ah u iibsanayaan SOL maadaama qiimaheedu marayo $86.75, iyagoo saadaalinaya kobac dheeraad ah.
⛓️6. Tiknoolajiyadda Blockchain
- Madaxa shirkadda VanEck, Jan van Eck, ayaa u sheegay shabakadda CNBC in Bitcoin ay haatan soo idlaatay hoos u dhaceedii (bottoming), wuxuuna saadaaliyay in xilligii lacagaha kale ay qarxi lahaayeen (Alt Season) uu bilaabanayo.
🤖7. AI & Web 3.0
- Shirkadda VCI Global ayaa bilowday istiraatiijiyad cusub oo ay ku adeegsanayso kaararka garaafikada ee NVIDIA GPUs si ay ugu abuurto awood xisaabeed (AI Compute) mashaariicda Web3.
🚨 8. Amniga
- Bogga caanka ah ee lacagaha Meme-ga lagu soo bandhigo, Bonk.fun, ayaa la soo sheegay in ciwaankiisa (domain) la jabsaday. Tuugada ayaa adeegsaday barnaamij xada hantida boorsooyinka, taas oo khatar gelisay cid kasta oo isku dayda inay ku xirto boorsadeeda (wallet) madashaas maanta.
Ogaysiis
Sida aad wada ogtihiin waa yimaadday buuggeennii Kiribto, Kacdoonka Qarniga 21aad, haddaba waxaad ka dalban kartaa website-keenna adiga oo raacaya lifaaqan: https://gellecrypto.com/shop/crypto/kiribto-kacdoonka-qarniga-21-aad/


