Ku soo dhawaada wararkii ugu dambeeyay ee suuqa waxyaabaha aan ugu hadli doono waxaa ka mid ah, crypto, blockchain, Defi, Cefi, NFT, Ai, Web 3.0, iyo Si guud dhaqaalaha caalamka.
Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walibo dhacdooyinkii uu dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo crypto kuwaas oo isugu jira, waxyaabaha muhiimka waxaa ka mid ah isbadelka suuqa, xeerar cusub ay dawladuhu crypto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Crypto waxyaabaha ku soo kordha technologiyada Bloickchain.
📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa
- Market Cap ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $2.49 trillion, halka (Volume) hantida guud ee suuqa la isku dhaafsaday 24 saac u dambaysay ay gaarayso 119.99 billion.

- Awooda suuqa Dominance waxaa haysto maanta Coinka Bitcoin awood dhan %59.1 halka Altcoins ay haystaan awood dhan 43.91%
- Altcoin season Index waxuu sheegayaa in uu yahey 23% taasoo ka dhigan in damaca altcoins laga qabo ay soo hagaagayso
- Fear and Greed index halbeega lagu cabiro dareenka maalgashiyaasha waxuu muujinayaainuu yahay 37% taasoo ka dhigan inay hoosayso damaca maalgashiyaasha suuqa.

- Stablecoins sida USDT iyo USDC ayaa weli door muhiim ah ka ciyaaraya isdhaafsiga lacagaha suuqa Crypto. USDT waxaa la isku dhaafsaday maanta hanti dhan $101.10 billion halka USDC lagu kala ganacsaday 14.48billion.

- Bitcoin (BTC) waa Coin-ka ugu qiimaha badan lacagaha Digital-ka ah e Crypto wuxuu joogaa qiimihiisa manta $73,585.21
- Ethereum (ETH) waa coin-ka labaad ugu qiimaha lacagaha digital-ka wuxuna leeyahay Blockchain ugu awooda badan Crypto qiimihiisa wuxuu haatan marayaa $2188.89
- Binance Coin (BNB)- waa coin ee leedahay shirkada Binance waxaa loo adeegsadaa bixinta adeegyada madasha qiimihiisa wuxuu haatan marayaa $675.14
- Solana (SOL)- waa coin sumcad ku dhex leh lacagaha digitalka ah ee Crypto wuxuuna leeyahyay Blockchainta loogu adegsiga badan yahay Crypto qiimihiisa wuxuu manta joogaa $92.82.
- Rippe (XRP)- waa coin-ka ee leedahay shirkada Ripple loona adeegsado lacag dirida caalamiga ah xawaare are iyo qiimo jaban wuxuu qiimihiisa joogaa haatan $1.44.
⚖️2. Xeerarka & Sharciyada (Regulation)
- Dowladda Shiinaha ayaa soo saartay wareegto cusub oo gebi ahaanba mamnuucaysa in gudaha waddanka lagu ganacsado Stablecoins-ka iyo hantida dhabta ah ee la dhijitaaleeyay (Tokenized Assets).
- Hay’adda SEC ee Mareykanka ayaa tirtirtay xeerkii adkaa ee “SAB 121”, taas oo markii ugu horreysay fursad u siinaysa bangiyada caadiga ah inay si sahlan oo sharci ah u xafidaan hantida Crypto-ga macaamiishooda.
- Falanqeeyayaasha siyaasadda Maraykanka ayaa ka digaya in sharciga weyn ee “CLARITY Act” ee lagu xakamayn lahaa suuqa uu wajihi karo dib-u-dhac ilaa wixii ka dambeeya 2026, sababo la xiriira doodo la isku mari waayay.
🏛️3. ETFs & Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)
- Sanduuqyada Spot Bitcoin ETFs ayaa arkay soo-galitaan lixaad leh oo gaaraya $251 Milyan hal maalin gudaheed, iyadoo wadarta guud ee bisha Maarso ay dhaaftay $1.56 Bilyan.
- Warbixin la daabacay ayaa xaqiijisay in bangiga weyn ee Goldman Sachs uu haatan yahay hay’adda ugu weyn ee saamiyada ku leh (top holder) sanduuqyada XRP ETF.
🪙4. Coins-ka Cusub & Token-ada
- Across Protocol (ACX): Qiimaha token-kan ayaa cirka isku shareeray (ilaa $0.066) kadib markii kooxdu ku dhawaaqday isbeddel dhanka Tokenomics-ka ah, iyagoo iibsanaya saamiyada si ay u noqdaan shirkad si rasmi ah uga diiwaangashan Maraykanka.
- Shirkadda KAST ayaa maanta ururisay lacag dhan $80 Milyan oo doolar (Series A) si ay ugu fidiso stablecoin-keeda caalamiga ah suuqyo horleh.
🐋5. Maalgashiga “Whales” (Whale Investments)
- Xogta silsiladda (On-chain data) ayaa caddaynaysa in Nibiriyada (Whales) ay si xooggan u iibsanayaan Bitcoin iyo Ethereum.
- Nibiri weyn ayaa dhawaan isku dayay inuu hal mar $50 Milyan ku iibsado token-ka AAVE, balse cilad suuqa ah (extreme slippage) darted, wuxuu ku helay AAVE qiimo ahaan u dhiganta oo keliya $36,000!
- Digniino laga helayo nidaamyada “Whale Alerts” ayaa muujinaya hoos u dhac ku yimid xawilidda hantida ee sarrifyada, taas oo la micno ah in nibiriyadu ay keydsanayaan intii ay iibin lahaayeen.
⛓️6. Tiknoolajiyadda Blockchain
- Suuqa weyn ee NASDAQ oo kaashanaya Kraken ayaa tijaabinaya sidii waraaqaha hantida iyo saamiyada loogu beddeli lahaa Token-no Blockchain ah (Tokenized RWA).
🤖7. AI & Web 3.0
- Mashruuca DeepSnitch AI ayaa wacdaro ka dhigaya Web3-ga, isagoo bixinaya xog la isku halleyn karo oo waqtiga dhabta ah ka sheekaynaysa dhaqdhaqaaqa suuqa iyo ammaanka.
🚨 8. Amniga
- Waaxda Caddaaladda ee Maraykanka (DOJ) ayaa maanta shaacisay inay la wareegtay hanti Crypto ah oo qiimaheedu dhan yahay $580 Milyan. Hantidan ayaa laga qabtay shabakado caalami ah oo isku-dubarida khiyaanooyinka khadka internet-ka (sida “Pig Butchering scams“).
Ogaysiis
Sida aad wada ogtihiin waa yimaadday buuggeennii Kiribto, Kacdoonka Qarniga 21aad, haddaba waxaad ka dalban kartaa website-keenna adiga oo raacaya lifaaqan: https://gellecrypto.com/shop/crypto/kiribto-kacdoonka-qarniga-21-aad/


