Wararka Maanta ee Suuqa kiribto 15-03-2026

Jacfar
By Jacfar

Ku soo dhawaada wararkii ugu dambeeyay ee suuqa waxyaabaha aan ugu hadli doono waxaa ka mid ah, crypto, blockchainDefiCefiNFT, Ai, Web 3.0, iyo Si guud dhaqaalaha caalamka.  

Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walibo dhacdooyinkii uu dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo crypto kuwaas oo isugu jira, waxyaabaha muhiimka waxaa ka mid ah isbadelka suuqa, xeerar cusub ay dawladuhu crypto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Crypto waxyaabaha ku soo kordha technologiyada Bloickchain.

📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa

  • Market Cap ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $2.43 trillion, halka (Volume) hantida guud ee suuqa la isku dhaafsaday 24 saac u dambaysay ay gaarayso 56.77 billion.
  • Awooda suuqa Dominance waxaa haysto maanta Coinka Bitcoin awood dhan %59.1 halka Altcoins ay haystaan awood dhan 43.91%
  • Altcoin season Index waxuu sheegayaa in uu yahey 23% taasoo ka dhigan in damaca altcoins laga qabo ay soo hagaagayso
  • Fear and Greed index halbeega lagu cabiro dareenka maalgashiyaasha waxuu muujinayaainuu yahay 32% taasoo ka dhigan inay hoosayso damaca maalgashiyaasha suuqa.
  • Stablecoins sida USDT iyo USDC ayaa weli door muhiim ah ka ciyaaraya isdhaafsiga lacagaha suuqa Crypto. USDT waxaa la isku dhaafsaday maanta hanti dhan $82.10 billion halka USDC lagu kala ganacsaday 8.48 billion.
  • Bitcoin (BTC) waa Coin-ka ugu qiimaha badan lacagaha Digital-ka ah e Crypto wuxuu joogaa qiimihiisa manta $71,585.21
  • Ethereum (ETH) waa coin-ka labaad ugu qiimaha lacagaha digital-ka wuxuna leeyahay Blockchain ugu awooda badan Crypto qiimihiisa wuxuu haatan marayaa $2,098.89
  • Binance Coin (BNB)- waa coin ee leedahay shirkada Binance waxaa loo adeegsadaa bixinta adeegyada madasha qiimihiisa wuxuu haatan marayaa $659.14
  • Solana (SOL)- waa coin sumcad ku dhex leh lacagaha digitalka ah ee Crypto wuxuuna leeyahyay Blockchainta loogu adegsiga badan yahay Crypto qiimihiisa wuxuu manta joogaa $87.82.
  • Rippe (XRP)- waa coin-ka ee leedahay shirkada Ripple loona adeegsado lacag dirida caalamiga ah xawaare are iyo qiimo jaban wuxuu qiimihiisa joogaa haatan $1.42.

️2.  Xeerarka & Sharciyada (Regulation)

  • Aqalka Sare ee Maraykanka ayaa meelmariyay sharci cusub (ROAD to Housing Act) kaas oo Bankiga Dhexe (Fed) ka mamnuucaya inuu soo saaro lacagta dhijitaalka ah ee dowladda (CBDC) ilaa sanadka 2030.
  • Bankiga Dhexe ee Maraykanka ayaa soo jeediyay in Bitcoin la saaro “1250% risk weight”, taas oo ka dhigaysa in bankiyada waaweyn ay ku adkaan doonto inay xafidaan hantida Crypto-ga.
  • Hay’adda cusub ee Yurub u qaabilsan ka hortagga dhaqida lacagaha (AMLA) ayaa si rasmi ah ula wareegtay awooddii kormeerka ee shirkadaha Crypto-ga, taasoo bilaw u ah nidaam adag oo Yurub ah.
  • Ururka taageera Crypto-ga ee “Fairshake PAC” ayaa malaayiin doolar geliyay doorashooyinka horudhaca ah ee gobolka Illinois si ay u taageeraan murashaxiinta u ololeeya shuruucda fudud ee Blockchain-ka.

🏛️3. ETFs & Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)

  • Sanduuqyada Bitcoin ETF ee Maraykanka ayaa helay in ka badan $180 Milyan hal maalin gudaheed, iyadoo sanduuqa IBIT ee BlackRock uu kaligiis soo gashay $143.6 milyan.
  • Dukumeentiyo la shaaciyay ayaa muujiyay in bangiga weyn ee Goldman Sachs uu yahay hay’adda ugu weyn ee haysata XRP ETFs, hanti dhan $153.8 Milyan.
  • Shirkadda Grayscale ayaa billowday sanduuq cusub oo lagu maalgelinayo lacagta Avalanche (AVAX) oo laga dhex iibsan karo suuqyada saamiyada ee caadiga ah.
  • Hay’adda Ethereum Foundation ayaa 5,000 ETH kaga iibisay shirkadda BitMine heshiis gaar ah (OTC) oo ku kacay $10 Milyan.

🪙4.  Coins-ka Cusub & Token-ada

  • Mashruuca Pepeto: Waa madal beddelaad (Exchange) oo ku dhisan Ethereum waxay ururisay $8 Milyan xilliga iibka hordhaca ah. Waxay soo kordhinayaan kooxda nidaam cusub oo lagu kala iibsado lacagaha iyadoo aan la bixineyn khidmadda shabakadda (zero-gas swaps).

🐋5.  Maalgashiga “Whales” (Whale Investments)

  • Nibiriyada Ethereum ayaa la arkayay iyagoo si aamusan u urursanaya malaayiin ETH ah ka hor inta aan la hirgelin cusboonaysiinta weyn ee (Pectra upgrade).
  • Vitalik Buterin ayaa su’aal geliyay hay’ad qaabilsan badqabka AI-ga oo si degdeg ah u iibsay $500 milyan oo ah lacagta SHIB uu isagu horey ugu deeqay.

️6. Tiknoolajiyadda Blockchain

  • Sida ay warisay shirkadda falanqaynta ee BCA, Stablecoins-ka (sida USDT iyo USDC) ayaa iska beddelay kuwa loo adeegsado ganacsiga Crypto oo kaliya, waxayna noqdeen laf-dhabarta isku xirta xawilaadaha caalamiga ah ee adduunka.

🤖7. AI & Web 3.0

- Pre Order -

Kiribto: Kacdoonka Qarniga 21-aad

Madax-bannaani ★ Daah-furnaan ★ Musuq-maasuq Laa’aan. 🚀 Ku soo dhawoow kacaankii qarniga 21-aad.

$16.99 - $22.99Get It Now
  • Waxaa soo badanaya mashiinnada garaadka macmalka ah (AI Agents) ee adeegsanaya Stablecoins-ka si ay iskood u kala iibsadaan xogta iyo adeegyada iyagoo aan u baahnayn faragelin bini’aadam.

🚨 8. Amniga

  • Shirkada Coinbase ayaa wajahaysa dagaal sharciyeed oo adag kadib markii garsoore Maraykan ah uu oggolaaday dacwad ku eedaynaysa inay si sharci darro ah u iibiyeen “securities”. Tani waxay isbedel weyn ku keeni kartaa shuruucda Crypto-ga.
  • Laanta Canshuuraha ee Maraykanka (IRS) ayaa soo rogtay shuruudo adag oo ku saabsan soo-tebinta Kiribto, taasoo keentay in ganacsato badan ay wajahaan ganaaxyo culus sababtoo ah jahwareerka ku xeeran sharcigan cusub.

Ogaysiis

Sida aad wada ogtihiin waa yimaadday buuggeennii Kiribto, Kacdoonka Qarniga 21aad, haddaba waxaad ka dalban kartaa website-keenna adiga oo raacaya lifaaqan: https://gellecrypto.com/shop/crypto/kiribto-kacdoonka-qarniga-21-aad/

Crypto bilaw ilaa dhamaad AF:Somali

Best Somali Cryptocurrency Course: Learn the fundamentals of cryptocurrencies, blockchain, and secure trading. Master using Metamask, Binance, and Crypto.com….

Crypto Trading Mastery: From A to Z

A complete beginner-to-expert crypto trading course. Learn how crypto markets work, how to choose secure exchanges, and how to trade safely using proven strategies…

Share This Article