Ku soo dhawaada wararkii ugu dambeeyay ee suuqa waxyaabaha aan ugu hadli doono waxaa ka mid ah, crypto, blockchain, Defi, Cefi, NFT, Ai, Web 3.0, iyo Si guud dhaqaalaha caalamka.
Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walibo dhacdooyinkii uu dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo crypto kuwaas oo isugu jira, waxyaabaha muhiimka waxaa ka mid ah isbadelka suuqa, xeerar cusub ay dawladuhu crypto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Crypto waxyaabaha ku soo kordha technologiyada Bloickchain.
📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa
- Market Cap ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $2.4 trillion, halka (Volume) hantida guud ee suuqa la isku dhaafsaday 24 saac u dambaysay ay gaarayso 94.48 billion.

- Awooda suuqa Dominance waxaa haysto maanta Coinka Bitcoin awood dhan %59.1 halka Altcoins ay haystaan awood dhan 43.91%
- Altcoin season Index waxuu sheegayaa in uu yahey 23% taasoo ka dhigan in damaca altcoins laga qabo ay soo hagaagayso
- Fear and Greed index halbeega lagu cabiro dareenka maalgashiyaasha waxuu muujinayaainuu yahay 31% taasoo ka dhigan inay hoosayso damaca maalgashiyaasha suuqa.
- Stablecoins sida USDT iyo USDC ayaa weli door muhiim ah ka ciyaaraya isdhaafsiga lacagaha suuqa Crypto. USDT waxaa la isku dhaafsaday maanta hanti dhan $82.10 billion halka USDC lagu kala ganacsaday 8.48 billion.

- Bitcoin (BTC) waa Coin-ka ugu qiimaha badan lacagaha Digital-ka ah e Crypto wuxuu joogaa qiimihiisa manta $69,585.21
- Ethereum (ETH) waa coin-ka labaad ugu qiimaha lacagaha digital-ka wuxuna leeyahay Blockchain ugu awooda badan Crypto qiimihiisa wuxuu haatan marayaa $2,137.89
- Binance Coin (BNB)- waa coin ee leedahay shirkada Binance waxaa loo adeegsadaa bixinta adeegyada madasha qiimihiisa wuxuu haatan marayaa $631.14
- Solana (SOL)- waa coin sumcad ku dhex leh lacagaha digitalka ah ee Crypto wuxuuna leeyahyay Blockchainta loogu adegsiga badan yahay Crypto qiimihiisa wuxuu manta joogaa $89.82.
- Rippe (XRP)- waa coin-ka ee leedahay shirkada Ripple loona adeegsado lacag dirida caalamiga ah xawaare are iyo qiimo jaban wuxuu qiimihiisa joogaa haatan $1.4.
⚖️2. Xeerarka & Sharciyada (Regulation)
- Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay 5 maalmood oo hakad ah oo laga gaaray weeraradii lagu hayay warshadaha korontada ee Iiraan, kadib markii la sheegay inay jiraan “wada-hadallo wax ku ool ah”.
- Iiraan ayaa maanta gantaallo cul-culus ku garaacday Tel Aviv, iyadoo dhowr gantaal ay ku dhaceen dhismooyin ku yaal xaafadaha qaaliga ah ee magaaladaas. Duqa magaalada Tel Aviv ayaa xaqiijiyay khasaare nafo iyo hanti leh.
- Toddobadkan dhexdiisa, Israa’iil iyo Maraykanka ayaa beegsaday xarunta nukliyeerka Iiraan ee Natanz, halka Iiraan ay iyaduna gantaallo ku jawaabtay agagaarka xarunta nukliyeerka Israa’iil ee Dimona. Waa markii ugu horreysay ee gantaalaha Iiraan ay ka gudbaan difaacayo adag.
- Marinka muhiimka ah ee Hormuz ayaa weli xiran, taas oo keentay in sicirka saliidda adduunku uu kor u kaco ilaa $112 foostadii.
🏛️3. ETFs & Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)
- Mid ka mid ah sanduuqyada hantida madaxbannaan (Sovereign Wealth Funds) ee ugu waaweyn Gacanka ayaa shaaciyay inuu $500 Milyan gelin doono Bitcoin sanadkan 2026.
- Sanduuqa Fidelity ee FBTC ayaa maanta helay$85 Milyan oo maalgashi cusub ah.
🪙4. Coins-ka Cusub & Token-ada
- DesertCoin (Stablecoin): Koox horumariyayaal ah oo ka soo jeeda gobolka MENA (Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Afrika) ayaa daah-furay ‘DesertCoin‘, oo ah Stablecoin cusub oo lagu saleeyay dhowr lacagood oo Carab ah, si loo yareeyo ku-tiirsanaanta Doolarka.
🐋5. Maalgashiga “Whales” (Whale Investments)
- Xogta silsiladda on-chain ayaa xaqiijisay in ka badan $150 Milyan oo USDT ah in maanta lagu shubay xarumaha sarrifka ee Bariga Dhexe (sida Rain iyo BitOasis), taas oo muujinaysa Nibiriyo isku diyaarinaya inay hanti iibsadaan.
- Hal jeeb (wallet) oo aan la garanayn ayaa la arkay isagoo iibsanaya 2.5 Milyan oo token-ka LINK ah dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay, laga yaabee isagoo rajaynaya isku-xirka bankiyada caalamka.
⛓️6. Tiknoolajiyadda Blockchain
- Mashruuc tignoolajiyadeed oo cusub ayaa u oggolaanaya maalgashadayaasha inay ‘Tokens’ ahaan u iibsadaan saamiyo warshadaha biyaha sifeeya ee ku yaal Bariga Dhexe.
🤖7. AI & Web 3.0
- Sida sharciga VARA ee qodobka 2-aad ku xusan, isticmaalka Mashiinnada AI ee iskood u iibsada Crypto (Trading Bots) ayaa si weyn ugu soo badanaya xarumaha sarrifka ee ku yaal Dubai, iyagoo falanqeynaya wararka suuqa ilbiriqsiyo gudahood.
🚨 8. Amniga
- Khubaro dhanka amniga ah ayaa fashiliyay olole ballaaran oo khayaano ah oo lagu bartilmaameedsanayay maalgashadayaasha Crypto-ga ee degan Imaaraadka, iyagoo iska dhigayay hay’ado dowladeed.
Ogaysiis
Sida aad wada ogtihiin waa yimaadday buuggeennii Kiribto, Kacdoonka Qarniga 21aad, haddaba waxaad ka dalban kartaa website-keenna adiga oo raacaya lifaaqan: https://gellecrypto.com/shop/crypto/kiribto-kacdoonka-qarniga-21-aad/


