Wararka Maanta ee Suuqa Kiribto 02-04-2026

Jacfar
By Jacfar

Ku soo dhawaada wararkii ugu dambeeyay ee suuqa waxyaabaha aan ugu hadli doono waxaa ka mid ah, crypto, blockchainDefiCefiNFT, Ai, Web 3.0, iyo Si guud dhaqaalaha caalamka.  

Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walibo dhacdooyinkii uu dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo crypto kuwaas oo isugu jira, waxyaabaha muhiimka waxaa ka mid ah isbadelka suuqa, xeerar cusub ay dawladuhu crypto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Crypto waxyaabaha ku soo kordha technologiyada Bloickchain.

📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa

  • Market Cap ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $2.3 trillion, halka (Volume) hantida guud ee suuqa la isku dhaafsaday 24 saac u dambaysay ay gaarayso 102.59 billion.
  • Awooda suuqa Dominance waxaa haysto maanta Coinka Bitcoin awood dhan %59.1 halka Altcoins ay haystaan awood dhan 43.91%
  • Altcoin season Index waxuu sheegayaa in uu yahey 23% taasoo ka dhigan in damaca altcoins laga qabo ay soo hagaagayso
  • Fear and Greed index halbeega lagu cabiro dareenka maalgashiyaasha waxuu muujinayaainuu yahay 28% taasoo ka dhigan inay hoosayso damaca maalgashiyaasha suuqa.
  • Stablecoins sida USDT iyo USDC ayaa weli door muhiim ah ka ciyaaraya isdhaafsiga lacagaha suuqa Crypto. USDT waxaa la isku dhaafsaday maanta hanti dhan $84.10 billion halka USDC lagu kala ganacsaday 12.48 billion.
  • Bitcoin (BTC) waa Coin-ka ugu qiimaha badan lacagaha Digital-ka ah e Crypto wuxuu joogaa qiimihiisa manta $66,827.21
  • Ethereum (ETH) waa coin-ka labaad ugu qiimaha lacagaha digital-ka wuxuna leeyahay Blockchain ugu awooda badan Crypto qiimihiisa wuxuu haatan marayaa $2,059.89
  • Binance Coin (BNB)- waa coin ee leedahay shirkada Binance waxaa loo adeegsadaa bixinta adeegyada madasha qiimihiisa wuxuu haatan marayaa $572.14
  • Solana (SOL)- waa coin sumcad ku dhex leh lacagaha digitalka ah ee Crypto wuxuuna leeyahyay Blockchainta loogu adegsiga badan yahay Crypto qiimihiisa wuxuu manta joogaa $78.82.
  • Rippe (XRP)- waa coin-ka ee leedahay shirkada Ripple loona adeegsado lacag dirida caalamiga ah xawaare are iyo qiimo jaban wuxuu qiimihiisa joogaa haatan $1.2.

️2.  Xeerarka & Sharciyada (Regulation)

  • Hay’adda Caalamiga ah ee Ka-hortagga Dhaqida Lacagaha (FATF) ayaa maanta yeelatay kulan degdeg ah oo ay soo saartay habraacyo cusub oo ku qasbaya dalalka Bariga Dhexe inay si adag u kormeeraan dhaqdhaqaaqa Crypto-ga si looga hortago maalgelinta kooxaha hubeysan.
  • Sucuudiga ayaa soo rogay nidaam kormeer oo adag oo lagu baarayo dhammaan shirkadaha ku dira hantida dhijitaalka ah gudaha dalkooda, si looga fogaado in xawilaadaha dagaalku ay dhex maraan bankiyadooda.
  • Baarlamaanka Yurub ayaa soo jeediyay in dagaalka Bariga Dhexe darteed la dedejiyo sharci mamnuucaya in macaamil maaliyadeed oo weyn lala sameeyo jeebabka aan la diiwaangelin ee ka imaanaya waddamada colaaduhu ka jiraan.

🏛️3. ETFs & Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)

  • Sanduuqyada Bitcoin ETF ee Maraykanka ayaa maanta diiwaangeliyay bixitaan lacageed oo gaaraya $120 Milyan, maadaama hay’aduhu ay lacagahooda geynayaan curaarta dowladda (Treasury bonds) oo ah meel ammaan ah.
  • Taa beddelkeeda, warar hoose ayaa sheegaya in qaar ka mid ah sanduuqyada maalgashiga dowladaha Aasiya ay bilaabeen inay Bitcoin ku daraan kaydkooda qaran si ay uga madax-bannaanaadaan nidaamka bankiyada reer galbeedka ee cunaqabataynta badan.

🪙4.  Coins-ka Cusub & Token-ada

  • Gobolka Bariga Dhexe wuxuu arkay kobac aad u weyn oo ah isticmaalka Stablecoins-ka, gaar ahaan USDT, iyadoo muwaadiniinta dalalka lacagtoodu qiimo beeshay ay doolar dhijitaal ah u kaydsanayaan.

🐋5.  Maalgashiga “Whales” (Whale Investments)

  • Hal Whale ayaa maanta dhaqaajiyay 50,000 ETH oo aan la dhaqaajin in ka badan 3 sano, isagoo u weeciyay madal bixisa adeegga sarrifka aan la diiwaangelin (OTC) si uu cash ugu beddesho.

️6. Tiknoolajiyadda Blockchain

  • Shirkadaha falanqeeya Blockchain-ka (sida Chainalysis) ayaa sheegay in dowladaha reer galbeedku ay siiyeen qandaraasyo cusub oo lagu raadraacayo cinwaannada Crypto ee la xiriira dhaqaalaha dagaalka.

🤖7. AI & Web 3.0

- Pre Order -

Kiribto: Kacdoonka Qarniga 21-aad

Madax-bannaani ★ Daah-furnaan ★ Musuq-maasuq Laa’aan. 🚀 Ku soo dhawoow kacaankii qarniga 21-aad.

$16.99 - $22.99Get It Now
  • Aaladaha AI-ga ee ka ganacsada Crypto-ga ayaa si otomaatig ah u falanqeynaya wararka degdegga ah ee TV-yada Bariga Dhexe (sida Al Jazeera iyo Reuters), iyagoo iibinaya ama iibsanaya hanti ilbiriqsiyo gudahood marka qarax ama weerar la sheego..

🚨 8. Amniga

  • Waxaa aad u soo batay ciwaanno been abuur ah iyo shabakado internet  oo dadka ka codsanaya inay Crypto ugu deeqaan dadka tabaalaysan ee dagaalka ku dhacay, balse lacagtaas ay xadayaan tuugo.

Ogaysiis

Sida aad wada ogtihiin waa yimaadday buuggeennii Kiribto, Kacdoonka Qarniga 21aad, haddaba waxaad ka dalban kartaa website-keenna adiga oo raacaya lifaaqan: https://gellecrypto.com/shop/crypto/kiribto-kacdoonka-qarniga-21-aad/

Crypto bilaw ilaa dhamaad AF:Somali

Best Somali Cryptocurrency Course: Learn the fundamentals of cryptocurrencies, blockchain, and secure trading. Master using Metamask, Binance, and Crypto.com….

Crypto Trading Mastery: From A to Z

A complete beginner-to-expert crypto trading course. Learn how crypto markets work, how to choose secure exchanges, and how to trade safely using proven strategies…

Share This Article