wararka Maanta ee Suuqa kiribto 04-05-2026

Jacfar
By Jacfar

Ku soo dhawaada wararkii ugu dambeeyay ee suuqa waxyaabaha aan ugu hadli doono waxaa ka mid ah, crypto, blockchainDefiCefiNFT, Ai, Web 3.0, iyo Si guud dhaqaalaha caalamka.  

Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walibo dhacdooyinkii uu dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo crypto kuwaas oo isugu jira, waxyaabaha muhiimka waxaa ka mid ah isbadelka suuqa, xeerar cusub ay dawladuhu crypto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Crypto waxyaabaha ku soo kordha technologiyada Bloickchain.

📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa

  • Market Cap ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $2.64 trillion, halka (Volume) hantida guud ee suuqa la isku dhaafsaday 24 saac u dambaysay ay gaarayso 155.81 billion.
  • Awooda suuqa Dominance waxaa haysto maanta Coinka Bitcoin awood dhan %59.1 halka Altcoins ay haystaan awood dhan 43.91%
  • Altcoin season Index waxuu sheegayaa in uu yahey 23% taasoo ka dhigan in damaca altcoins laga qabo ay soo hagaagayso
  • Fear and Greed index halbeega lagu cabiro dareenka maalgashiyaasha waxuu muujinayaainuu yahay 48% taasoo ka dhigan inay hoosayso damaca maalgashiyaasha suuqa.
  • Stablecoins sida USDT iyo USDC ayaa weli door muhiim ah ka ciyaaraya isdhaafsiga lacagaha suuqa Crypto. USDT waxaa la isku dhaafsaday maanta hanti dhan $82.10 billion halka USDC lagu kala ganacsaday 8.48 billion.
  • Bitcoin (BTC) waa Coin-ka ugu qiimaha badan lacagaha Digital-ka ah e Crypto wuxuu joogaa qiimihiisa manta $80,585.21
  • Ethereum (ETH) waa coin-ka labaad ugu qiimaha lacagaha digital-ka wuxuna leeyahay Blockchain ugu awooda badan Crypto qiimihiisa wuxuu haatan marayaa $2,371.89
  • Binance Coin (BNB)- waa coin ee leedahay shirkada Binance waxaa loo adeegsadaa bixinta adeegyada madasha qiimihiisa wuxuu haatan marayaa $627.14
  • Solana (SOL)- waa coin sumcad ku dhex leh lacagaha digitalka ah ee Crypto wuxuuna leeyahyay Blockchainta loogu adegsiga badan yahay Crypto qiimihiisa wuxuu manta joogaa $85.82.
  • Rippe (XRP)- waa coin-ka ee leedahay shirkada Ripple loona adeegsado lacag dirida caalamiga ah xawaare are iyo qiimo jaban wuxuu qiimihiisa joogaa haatan $1.4.

️2.  Xeerarka & Sharciyada Suuqa

  • Sharciga cusub ee Maraykanka (GENIUS Act) ayaa hadda si buuxda u dhaqan galay, iyadoo Stablecoins-ka loo aqoonsanaya adeeg lacag-bixineed oo la mid ah bangiyada.
  • Yurub ayaa bilaabay inay si adag u xakamayso lacagaha “Algorithmic stablecoins” iyagoo mamnuucay in loogu yeero magaca “Stablecoin” haddii aysan haysan kayd caddaan ah.
  • Bangiga dhexe ee UK ayaa maanta soo saaray habraaca kormeerka ee shirkadaha soo saara Stablecoins-ka.

🏛️3. ETFs & Maalgashiga Hay’adaha Waa-weyn

  • Ka dib bilooyin ay lacago ka baxayeen, XRP ETFs ayaa bishaan April soo gashay $81.59 Milyan, taas oo ah heerkii ugu sarreeyay tan iyo December.
  • Shirkadda FIS ayaa bilowday shabakad lacageed oo dhijitaal ah oo ay la kaashanayso bangiyada Maraykanka si loo fududeeyo tokenization-ka hantida.
  • Shirkadda Galaxy Digital ayaa lagu qiyaasay qiimeheeda maanta $11.0 Bilyan.

🪙4.  Coins-ka Cusub & Token-ada

  • TST Token: Coin-kaan cusub oo lagu magacaabo TST ayaa maanta Binance laga iibsaday 38%, taas kordhisay qiimihiisa.

🐋5.  Maalgashiga Whales-ka

  • Nibiriyada Ethereum ayaa iibsaday 140,000 ETH oo u dhiganta $322 Milyan afartii maalmood ee ugu dambeeyay, iyagoo ka faa’iidaysanaya qiimaha hoose.
  • Mid ka mid ah Whales-kii hore ee Bitcoin ayaa maanta dhaqaajiyay 500 BTC aan la taaban muddo 12 sano ah.

️6. Tiknoolajiyadda Blockchain

  • Tether ayaa maanta daah-furtay MDK, oo ah nidaam Open-source ah oo loogu talagalay in lagu casriyeeyo qalabka iyo maamulka macdanta Bitcoin.

🤖7. AI & Web 3.0

- Available -

Kiribto: Kacdoonka Qarniga 21-aad

Madax-bannaani ★ Daah-furnaan ★ Musuq-maasuq Laa’aan. 🚀 Ku soo dhawoow kacaankii qarniga 21-aad.

$16.99 - $22.99Get It Now
  • Mashruuca Render ayaa maanta diiwaangeliyay kordhinta 20% ee awoodda GPU-yada ee la wadaago, taas oo loo adeegsanayo tababarka mishiinnada AI-da.

🚨 8. Amniga

  • Shirkadda Chainalysis ayaa maanta soo bandhigtay qalab cusub AI ah, oo aqoonsan kara xawilaadaha lacag dhaqida 99% ka dhaqso badan sidii hore, taas oo adkeyneysa in crypto loo adeegsado.

Ogaysiis

Sida aad wada ogtihiin waa yimaadday buuggeennii Kiribto, Kacdoonka Qarniga 21aad, haddaba waxaad ka dalban kartaa website-keenna adiga oo raacaya lifaaqan: https://gellecrypto.com/shop/crypto/kiribto-kacdoonka-qarniga-21-aad/

Crypto bilaw ilaa dhamaad AF:Somali

Best Somali Cryptocurrency Course: Learn the fundamentals of cryptocurrencies, blockchain, and secure trading. Master using Metamask, Binance, and Crypto.com….

Crypto Trading Mastery: From A to Z

A complete beginner-to-expert crypto trading course. Learn how crypto markets work, how to choose secure exchanges, and how to trade safely using proven strategies…

Share This Article