Wararka Maanta ee Suuqa Kiribto 10-05-2026

Jacfar
By Jacfar

Ku soo dhawaada wararkii ugu dambeeyay ee suuqa waxyaabaha aan ugu hadli doono waxaa ka mid ah, crypto, blockchainDefiCefiNFT, Ai, Web 3.0, iyo Si guud dhaqaalaha caalamka.  

Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walibo dhacdooyinkii uu dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo crypto kuwaas oo isugu jira, waxyaabaha muhiimka waxaa ka mid ah isbadelka suuqa, xeerar cusub ay dawladuhu crypto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Crypto waxyaabaha ku soo kordha technologiyada Bloickchain.

📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa

  • Market Cap ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $2.69 trillion, halka (Volume) hantida guud ee suuqa la isku dhaafsaday 24 saac u dambaysay ay gaarayso 66.95 billion.
  • Awooda suuqa Dominance waxaa haysto maanta Coinka Bitcoin awood dhan %59.1 halka Altcoins ay haystaan awood dhan 43.91%
  • Altcoin season Index waxuu sheegayaa in uu yahey 52% taasoo ka dhigan in damaca altcoins laga qabo ay soo hagaagayso
  • Fear and Greed index halbeega lagu cabiro dareenka maalgashiyaasha waxuu muujinayaainuu yahay 49% taasoo ka dhigan inay hoosayso damaca maalgashiyaasha suuqa.
  • Stablecoins sida USDT iyo USDC ayaa weli door muhiim ah ka ciyaaraya isdhaafsiga lacagaha suuqa Crypto. USDT waxaa la isku dhaafsaday maanta hanti dhan $82.10 billion halka USDC lagu kala ganacsaday 8.48 billion.
  • Bitcoin (BTC) waa Coin-ka ugu qiimaha badan lacagaha Digital-ka ah e Crypto wuxuu joogaa qiimihiisa manta $80,939.21
  • Ethereum (ETH) waa coin-ka labaad ugu qiimaha lacagaha digital-ka wuxuna leeyahay Blockchain ugu awooda badan Crypto qiimihiisa wuxuu haatan marayaa $2,323.89
  • Binance Coin (BNB)- waa coin ee leedahay shirkada Binance waxaa loo adeegsadaa bixinta adeegyada madasha qiimihiisa wuxuu haatan marayaa $650.14
  • Solana (SOL)- waa coin sumcad ku dhex leh lacagaha digitalka ah ee Crypto wuxuuna leeyahyay Blockchainta loogu adegsiga badan yahay Crypto qiimihiisa wuxuu manta joogaa $93.82.
  • Rippe (XRP)- waa coin-ka ee leedahay shirkada Ripple loona adeegsado lacag dirida caalamiga ah xawaare are iyo qiimo jaban wuxuu qiimihiisa joogaa haatan $1.4.

️2.  Xeerarka & Sharciyada Suuqa

  • Sanduuqa Lacagta Aduunka (IMF) ayaa maanta soo saaray baaq ku aaddan in dalalka soo koraya ay adkeeyaan xeerarka Crypto si looga fogaado xasillooni darro maaliyadeed.
  • Guddiga CFTC ee Maraykanka ayaa baaritaan cusub ku billaabay dhowr platform oo bixiya adeegyada “Prediction Markets” si loo hubiyo inay haystaan Shati-yo sax ah.
  • Dawladda Brazil ayaa maanta dhaqangelisay canshuur cusub oo 15% ah, taasoo laga qaadayo faa’iidada dadka ku haysta hantida Crypto.

🏛️3. ETFs & Maalgashiga Hay’adaha Waa-weyn

  • Mugga ganacsiga ee Bitcoin iyo Ethereum ETFs ee Hong Kong ayaa maanta gaaray heerkii ugu sarreeyay tan iyo markii la bilaabay, taasoo muujinaysa xiisaha maalgashadayaasha Aasiya.
  • Shirkadda BlackRock ayaa bilowday olole ay ku dhiirigelinayso maareeyayaasha hantida ee Yurub inay u wareegaan maalgashiga dhijitaalka ee Tokenized-ka ah.

🪙4.  Coins-ka Cusub & Token-ada

  • Waxaa maanta suuqa ku soo biiray Stablecoin cusub oo lagu magacaabo USDG oo ay taageerayaan isbaahaysi shirkado crypto ah.

🐋5.  Maalgashiga Whales-ka

  • Mid ka mid ah Whales-ka ugu caansan Suuqa ayaa iibsaday maanta 25,000 ETH, isagoo ka faa’iidaysanaya qiimaha hadda ee hooseeya.
  • In ka badan 12,000 BTC ayaa maanta laga soo saaray sarrifka Coinbase, taas oo loo arko in Whales-ku ay hantida u wareejinayaan Cold Wallet (HODL).

️6. Tiknoolajiyadda Blockchain

  • Mashruuca Stacks ayaa shaacisay in cusboonaysiinta “Nakamoto” ay haatan ku dhowdahay inay si buuxda u hawlgasho, taasoo kordhinaysa xawaaraha Bitcoin.

🤖7. AI & Web 3.0

- Available -

Kiribto: Kacdoonka Qarniga 21-aad

Madax-bannaani ★ Daah-furnaan ★ Musuq-maasuq Laa’aan. 🚀 Ku soo dhawoow kacaankii qarniga 21-aad.

$16.99 - $22.99Get It Now
  • Mashruuca Render Network ayaa maanta diiwaangeliyay isticmaalkii ugu badnaa ee awoodda GPU-ga ee loogu talagalay tababarka model-ada AI.

🚨 8. Amniga

  • Shirkadda PeckShield ayaa maanta ka digtay olole cusub oo phishing ah kaasoo beegsanaya dadka isticmaala shabakadda Base.

Ogaysiis

Sida aad wada ogtihiin waa yimaadday buuggeennii Kiribto, Kacdoonka Qarniga 21aad, haddaba waxaad ka dalban kartaa website-keenna adiga oo raacaya lifaaqan: https://gellecrypto.com/shop/crypto/kiribto-kacdoonka-qarniga-21-aad/

Crypto bilaw ilaa dhamaad AF:Somali

Best Somali Cryptocurrency Course: Learn the fundamentals of cryptocurrencies, blockchain, and secure trading. Master using Metamask, Binance, and Crypto.com….

Crypto Trading Mastery: From A to Z

A complete beginner-to-expert crypto trading course. Learn how crypto markets work, how to choose secure exchanges, and how to trade safely using proven strategies…

Share This Article