Ku soo dhawaada wararkii ugu dambeeyay ee suuqa waxyaabaha aan ugu hadli doono waxaa ka mid ah, crypto, blockchain, Defi, Cefi, NFT, Ai, Web 3.0, iyo Si guud dhaqaalaha caalamka.
Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walibo dhacdooyinkii uu dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo crypto kuwaas oo isugu jira, waxyaabaha muhiimka waxaa ka mid ah isbadelka suuqa, xeerar cusub ay dawladuhu crypto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Crypto waxyaabaha ku soo kordha technologiyada Bloickchain.
📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa
- Market Cap ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $2.67 trillion, halka (Volume) hantida guud ee suuqa la isku dhaafsaday 24 saac u dambaysay ay gaarayso 88.44 billion.

- Awooda suuqa Dominance waxaa haysto maanta Coinka Bitcoin awood dhan %60.1 halka Altcoins ay haystaan awood dhan 40.91%
- Altcoin season Index waxuu sheegayaa in uu yahey 45% taasoo ka dhigan in damaca altcoins laga qabo ay soo hagaagayso
- Fear and Greed index halbeega lagu cabiro dareenka maalgashiyaasha waxuu muujinayaainuu yahay 49% taasoo ka dhigan inay hoosayso damaca maalgashiyaasha suuqa.

- Stablecoins sida USDT iyo USDC ayaa weli door muhiim ah ka ciyaaraya isdhaafsiga lacagaha suuqa Crypto. USDT waxaa la isku dhaafsaday maanta hanti dhan $82.10 billion halka USDC lagu kala ganacsaday 8.48 billion.

- Bitcoin (BTC) waa Coin-ka ugu qiimaha badan lacagaha Digital-ka ah e Crypto wuxuu joogaa qiimihiisa manta $79,875.21
- Ethereum (ETH) waa coin-ka labaad ugu qiimaha lacagaha digital-ka wuxuna leeyahay Blockchain ugu awooda badan Crypto qiimihiisa wuxuu haatan marayaa $2,271.89
- Binance Coin (BNB)- waa coin ee leedahay shirkada Binance waxaa loo adeegsadaa bixinta adeegyada madasha qiimihiisa wuxuu haatan marayaa $672.14
- Solana (SOL)- waa coin sumcad ku dhex leh lacagaha digitalka ah ee Crypto wuxuuna leeyahyay Blockchainta loogu adegsiga badan yahay Crypto qiimihiisa wuxuu manta joogaa $92.82.
- Rippe (XRP)- waa coin-ka ee leedahay shirkada Ripple loona adeegsado lacag dirida caalamiga ah xawaare are iyo qiimo jaban wuxuu qiimihiisa joogaa haatan $1.4.
⚖️2. Xeerarka & Sharciyada Suuqa
- Shirkadda Paybis ayaa maanta qayb noqotay platform’s caalami ah oo helay oggolaanshaha CASP ee hoos taga xeerka MiCA ee Midowga Yurub, iyadoo isla markaana heshay liisanka PSD2. Tani waxay u oggolaanaysaa inay ka shaqeeyaan dhammaan 27-ka wadan ee EU-da.
- Warbixin ay soo saartay National Cryptocurrency Association (NCA) maanta ayaa sheegtay in 67 milyan oo shacab Mareykan ah ay hadda haystaan crypto, taasoo ah kor u kac 12 milyan tan iyo sanadkii 2025.
🏛️3. ETFs & Maalgashiga Hay’adaha Waa-weyn
- Maanta waxaa la diwaangeliyay lacag dhan $150 Milyan laga kala baxay Bitcoin ETFs, taas oo loo aaneeyay cabsida laga qabo kor u kaca dulsaarka.
- Bangiga Goldman Sachs ayaa maanta soo saaray warbixin sheegaysa in 80% maalgashadayaasha hay’adaha ay qorsheynayaan inay kordhiyaan maalgashiga blockchain-ka.
🪙4. Coins-ka Cusub & Token-ada
- Mashruuca AlphaPepe ayaa maanta soo bandhigay “AlphaSwap Beta“, kaas oo ah sarrif baahsan (DEX) oo isticmaalaya AI si uu u helo qiimaha ugu fiican.
🐋5. Maalgashiga Whales-ka
- Mid ka mid ah Whales-ka ugu weyn ayaa maanta ka saaray 30,000 ETH sarrifyada, isagoo ku riday borotokoollada staking-ka ee LIDO.
- Mid ka mid ah mashaariicda DeFi ayaa maanta “gubay” tokens qiimahoodu dhan yahay $50 Milyan si loo kordhiyo qiimaha hantida hadda jirta.
⛓️6. Tiknoolajiyadda Blockchain
- Shirkadda falanqaynta blockchain-ka ee Elliptic ayaa maanta heshay $120 milyan oo maalgashi ah. Waxa maalgashigan kaga qayb qaadatay hay’ado waaweyn oo ay ka mid yihiin Deutsche Bank iyo Nasdaq.
🤖7. AI & Web 3.0
- Shirkadda RTB Digital ayaa maanta si rasmi ah uga bilaabatay ganacsiga suuqa Nasdaq. Waa platform isku daraya AI iyo Web3 infrastructure, oo bixiya adeegyo ay ka mid yihiin DeFi payments.
🚨 8. Amniga
- Shirkadda PeckShield ayaa maanta ka digtay olole phishing ah oo lagu beegsanayo dadka sugaya “Airdrops” been abuur ah oo lagu faafiyay baraha bulshada.
- Metamask ayaa maanta soo kordhisay cusboonaysiin cusub oo looga hortagayo in “scam websites” ay si toos ah ugu xirmaan boorsadaada.
Ogaysiis
Sida aad wada ogtihiin waa yimaadday buuggeennii Kiribto, Kacdoonka Qarniga 21aad, haddaba waxaad ka dalban kartaa website-keenna adiga oo raacaya lifaaqan: https://gellecrypto.com/shop/crypto/kiribto-kacdoonka-qarniga-21-aad/


