Waxaa qoray Gelle Bashir
Waxaan filayaa in mustaqbalka Soomaalidu ay stablecoins wax ku iibsan doonaan, lacagna isugu diri doonaan, sida ay maanta u isticmaalaan EVC Plus, ZAAD, SAHAL iyo eDahab.
Muqdisho, Boosaaso iyo Nairobi waxaan ku arkay meelo aad USDT wax kaga iibsan karto. Tani waa bilow, waxaana aaminsanahay inay fursad weyn ka jirto. Waxa aan isweydiinayaa waa: sidee isticmaalkani noqon karaa haddii la helo shirkad Soomaaliyeed oo dhista adeeg fudud oo dadku ku kalsoon yihiin?
Waxaan jeclaan lahaa inaan arko adeeg isku xira Soomaalida ku nool Soomaaliya, Kenya, Itoobiya, Jabuuti iyo qurbaha. Adeeg ay si fudud lacag isugu diri karaan, wax ugu iibsan karaan, uguna beddelan karaan dollar marka ay u baahdaan.
Waa maxay stablecoin?
Stablecoin waa nooc ka mid ah crypto oo qiimihiisa lagu xiro lacag sida US dollar. Stablecoin dollar ku xiran waxaa loo sameeyaa in hal coin uu u dhigmo hal dollar.
USDT iyo USDC ayaa tusaale u ah. Ujeeddadu waa in qofku haysto digital money qiimaheedu deggan yahay, oo uu u isticmaali karo payments iyo money transfers.
Laakiin ereyga “stable” macnihiisu ma aha inuu risk la’aan yahay. Stablecoin-ku wuxuu ku tiirsan yahay reserves, shirkadda soo saarta oo loo yaqaan issuer, iyo awoodda coin-ka loogu beddelan karo dollar oo loo yaqaan redemption.
Haddii reserves-ku dhibaato yeeshaan ama dadku lumiyaan kalsoonida redemption-ka, coin-ku wuxuu ka leexan karaa qiimaha $1. Taas waxaa la yiraahdaa depeg. www.imf.org
Soomaalidu waxay hore ula qabsadeen mobile money
Soomaalidu uma baahna in hadda la baro sida telefoon lacag loogu diro ama wax loogu iibsado. Mobile money-ga mar hore ayaynu la qabsannay.
Telefoonka ayaynu ku bixinnaa lacagta raashinka, gaadiidka, biilasha iyo adeegyo kale. World Bank waxay sidoo kale diiwaangelisay doorka mobile money-gu ku leeyahay wax-iibsiga, mushaharka iyo money transfers-ka Soomaaliya. documents1.worldbank.org
Waxaan qabaa in waayo-aragnimadaasi ay fududayn karto stablecoin adoption, haddii adeegga cusub loo sameeyo si dadku u fahmi karaan.
Qofka dukaanka wax ka iibsanaya wuxuu doonayaa inuu magaca ganacsadaha hubiyo, lacagta qoro, kadibna xaqiijiyo payment-ka. Haddii mar kasta laga rabo inuu kala doorto blockchain networks, koobiyeeyo wallet address dheer ama fahmo gas fees, adeeggu dad badan ayuu ku adkaanayaa.
Sidaas darteed, user experience ayaa muhiim ah. Dadku waa inay adeegga u isticmaali karaan si fudud, xitaa haddii aysan aqoon badan u lahayn blockchain.
Fursadda weyn: cross-border payments
Mobile money-gu wuxuu noo fududeeyey payments-ka maalinlaha ah. Stablecoins-na waxaan u arkaa inay fursad gaar ah ku leeyihiin cross-border payments, gaar ahaan lacagta ay qurbajoogtu u dirto qoysaskooda iyo payments-ka ganacsiyada dalal kala duwan jooga.
Bal qiyaas qof jooga Belgium oo doonaya inuu $100 u diro qoyskiisa Garowe. App-ku wuxuu tusayaa inta euro laga qaadayo, exchange rate-ka, fees-ka iyo lacagta qofka kale helayo.
Qofka Garowe jooga wuxuu lacagta ku helayaa wallet-kiisa. Wuxuu wax kaga iibsan karaa ganacsatada aqbasha ama wuxuu samayn karaa cash-out, haddii adeeggu leeyahay hab lacagta looga saaro.
Tani waa tusaale adeeg la dhisi karo. Si uu u shaqeeyo, waxaa loo baahan yahay ganacsato aqbasha, shirkado wada shaqeeya iyo hab fudud oo lacagta lagu geliyo lagalana baxo.
IMF waxay tilmaantay in stablecoins ay suuragal tahay inay cross-border payments ka dhigaan kuwo dhakhso badan oo jaban. Laakiin faa’iidada dhabta ah waa in lagu cabbiraa total cost: exchange rate, transfer fees iyo cash-out fees oo dhan. Blockchain transaction jaban keliya ma caddaynayo in adeegga oo dhan jaban yahay. www.imf.org
Blockchain waxay fursad u furaysaa shirkado cusub
Waxaa sidoo kale fursad u arkaa shirkadaha doonaya inay dhisaan adeeg la mid ah EVC Plus, SAHAL, ZAAD ama eDahab, laakiin maanta ay ku adag tahay inay suuqa soo galaan. Kharashka, infrastructure-ka iyo awoodda shirkadaha waaweyn ayaa caqabad ku noqon kara ganacsi cusub.
Public blockchain waxay siin kartaa shirkadahaas waddo kale. Shirkad cusub waxay ku dhisi kartaa wallet ama payment platform iyada oo aan khasab ku ahayn inay leedahay shirkad isgaarsiin ama blockchain u gaar ah.
Taasi waxay yarayn kartaa barriers to entry, waxayna entrepreneurs-ka siin kartaa fursad ay fikradahooda suuqa ugu soo bandhigaan. Helitaanka public blockchain-ka kuma koobna shirkadaha maanta haysta macaamiisha ugu badan.
Laakiin waxaa muhiim ah inaan kala saarno helitaanka technology-ga iyo awoodda lagu tartamo suuqa. Public blockchain-ku wuu u furnaan karaa cid kasta, halka licenses, banking partners, liquidity iyo helitaanka macaamiishu ay weli caqabado noqon karaan. Sidaas darteed, ma dhihi karno monopoly gabi ahaanba kama jiri karo adeegyada ku dhisan blockchain.
Waxaan aaminsanahay in fursadda weyn ay tahay in shirkad cusub ay ku tartami karto innovation, fees jaban iyo user experience wanaagsan. Shirkaddii maanta awoodi la’ inay dhisto mobile money network u gaar ah, waxay blockchain ka heli kartaa waddo cusub oo ay dadka ugu adeegto.
Magaca “Somali coin” keliya kuma filna
Waxaan jeclaan lahaa stablecoin Soomaaliyeed, laakiin magaca keliya kalsooni ma dhisayo. Dadku waxay u baahan yihiin inay ogaadaan waxa lacagtooda taageeraya iyo sida ay ula bixi karaan.
Haddii shirkaddu soo saarto hal milyan oo coins ah, midkiibana loogu talagalay inuu u dhigmo $1, full backing waxay ka dhigan tahay inay jiraan reserves daboolaya qiimahaas oo dhan.
Reserves-ku waa inay noqdaan kuwo tayo leh oo si fudud lacag looga heli karo marka macaamiishu dalbadaan redemption. Awooddaas waxaa lagu tilmaamaa liquidity.
Aniga ahaan, shirkaddaasi waa inay si cad uga jawaabtaa su’aalahan:
- Reserves: Maxaa coins-ka taageeraya, halkeese lagu hayaa?
- Independent verification: Yaa si madax-bannaan u hubiya reserves-ka?
- Redemption: Sidee coin-ka loogu beddelan karaa dollar, inteese ayay qaadanaysaa?
- Fees: Maxaa laga qaadaa qofka lacag diraya ama la baxaya?
- Customer protection: Sidee loo ilaalinayaa lacagta iyo xuquuqda macaamiisha?
Xogtaas waa in si joogto ah loo soo bandhigaa. Kalsoonidu waxay xoogaysanaysaa marka dadku fahmaan adeegga, reserves-ka la hubiyo, redemption-kuna u shaqeeyo sidii loo ballanqaaday.
Ma khasab baa in stablecoin cusub la sameeyo?
Shirkad Soomaaliyeed waxay qaadi kartaa laba waddo.
Waxay soo saari kartaa stablecoin u gaar ah, iyadoo masuul ka noqonaysa issuance, reserves iyo redemption. Taasi waxay u baahan tahay awood maamul, dhaqaale iyo farsamo, iyo regulatory compliance ku habboon suuqyada ay ka shaqaynayso.
Ama waxay dhisi kartaa payment platform ku shaqeeya stablecoins hore u jiray. Waxay markaas xoogga saari kartaa app fudud, Somali customer support, merchant payments iyo isku xirka mobile money-ga.
Waddadan labaad waxay weli leedahay issuer risk, sababtoo ah adeeggu wuxuu ku tiirsanaanayaa shirkadda soo saartay stablecoin-ka uu isticmaalayo.
Waxaan qabaa in go’aanku ka bilaabmo baahida dadka: adeeggu muxuu u fududaynayaa, maxaase qofka ku qancinaya inuu isticmaalo?
Maxaa go’aaminaya guusha?
Adeegga guulaysan kara wuxuu u baahan yahay user experience wanaagsan, fees cad, security adag iyo customer support la heli karo. Waxaa kale oo muhiim ah merchant adoption: in dukaamo iyo ganacsiyo badan ay aqbalaan.
Qofku haddii uu lacag ku haysto wallet, laakiin uusan meelna wax kaga iibsan karin ama si fudud ugala bixi karin, adeeggu faa’iido badan uma yeelanayo.
Sidoo kale, waa inuu jiraa hab qofka loo caawiyo haddii telefoonkiisu lumo ama account-kiisa dhibaato gasho. Shirkadduna waa inay fahamtaa regulatory compliance, licensing iyo shuruudaha KYC/AML ee khuseeya dalalka ay ka shaqaynayso.
Stablecoin ay shirkad Soomaaliyeed soo saartayna si toos ah uma noqonayo CBDC, oo ah digital currency uu central bank soo saaro. Magaca Soomaaliyeed macnihiisu ma aha inay dowladdu dammaanad qaadayso.
Waxaan aaminsanahay inay fursad weyn jirto. Shirkadaha mobile money-ga, xawaaladaha iyo entrepreneurs-ka cusub ayaa dhammaantood qayb ka noqon kara horumarkan.
Shirkaddii maanta fahamta baahida dadka, maalgelisa adeeg fudud, dhista xiriir ganacsi, kasbatana kalsoonida bulshada, waxaan filayaa inay berri suuqa hormuud ka noqon karto.
Adigu sidee kula tahay? Stablecoin Soomaaliyeed ma noqon karaa tallaabada xigta ee mobile money-geenna?


