Gelle Bashir, oo ah qoraa iyo Crypto Educator Soomaaliyeed, ayaa bilaabay adeeg cusub oo lagu magacaabo Crypto Private Mentorship, kaas oo loogu talagalay dadka doonaya inay si qoto dheer u fahmaan maalgashiga Cryptocurrency iyo sida loo dhiso Crypto Portfolio qorshaysan.
Adeeggan cusub ayaa dadka siinaya fursad ay Gelle Bashir si toos ah ugula yeeshaan kulamo gaar ah (One-on-One), iyagoo baranaya Investment Strategy, Risk Management, Crypto Research iyo hababka loola socdo maalgashiga.
Maxaa Keenay Adeeggan Cusub?
Sanadihii la soo dhaafay, Gelle Bashir wuxuu bulshada Soomaaliyeed la wadaagayey aqoonta Cryptocurrency, isagoo soo saaray boqollaal muuqaal oo waxbarasho ah, koorsooyin iyo buuggiisa “Kiribto: Kacdoonka Qarniga 21-aad”.
Wuxuu sidoo kale tababaro ku saabsan Cryptocurrency ku qabtay magaalooyin ay ka mid yihiin Muqdisho, Hargeysa iyo Nairobi.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa sii kordhayey dadka doonaya hagitaan gaar ah oo ka baxsan koorsooyinka iyo muuqaallada hore loo duubay, gaar ahaan kuwa doonaya inay fahmaan sida loo sameeyo maalgashi qorshaysan.
Baahidaas ayaa sababtay in la bilaabo Crypto Private Mentorship.
Maxaa Lagu Baranayaa?
Adeeggan wuxuu diiradda saarayaa dhowr arrimood oo muhiim u ah dadka maalgashanaya Cryptocurrency.
Waxaa ka mid ah dhisidda Crypto Portfolio, samaynta Research ka hor inta aan la iibsan Coin, fahamka Market Cycles, maaraynta khatarta maalgashiga iyo diyaarinta Profit-Taking Strategy.
Sidoo kale, ka qaybgalayaashu waxay baranayaan Portfolio Tracking, taas oo ka caawinaysa inay la socdaan qiimaha ay ku iibsadeen cryptocurrencies, lacagta ay maalgeliyey iyo isbeddelka faa’iidada ama khasaaraha.
Ujeeddada adeeggan ayaa ah in qofku yeesho aqoon iyo qorshe uu ku qiimeeyo go’aannadiisa maalgashi, halkii uu ku tiirsanaan lahaa saadaasha iyo wararka baraha bulshada.
Saddex Xirmo oo Mentorship ah
Adeegga Crypto Private Mentorship waxaa loo diyaariyey saddex xirmo oo kala duwan:
✅ Crypto Clarity – 1 bil iyo 4 kulan.
✅ Crypto Strategy – 3 bilood iyo 12 kulan.
✅ Crypto Mastery – 6 bilood iyo 24 kulan.
Dhammaan kulamada waxaa lagu qabtaa Online, waxaana qof kasta si gaar ah ula shaqaynaya Gelle Bashir.
Adeeggan waxaa loogu talagalay dadka ku cusub Cryptocurrency iyo kuwa hore suuqa ugu jiray balse doonaya inay horumariyaan aqoontooda, Research Skills iyo Investment Strategy.
Sidee Loogu Biiri Karaa?
Dadka doonaya inay ka qaybqaataan Crypto Private Mentorship waxay booqan karaan website-ka www.gellebashir.com, halkaas oo ay ka dooran karaan xirmada ku habboon, kuna qabsan karaan ballantooda Online.
Gelle Bashir wuxuu adeeggan ku soo koobayaa hal farriin:
“Knowledge First. Strategy Second. Investment Last.”
Maalgashiga Cryptocurrency wuxuu leeyahay khataro, adeegganina waa mid waxbarasho iyo hagitaan ah oo aan dammaanad qaadayn faa’iido.


