Skip to content Skip to sidebar Skip to footer

Sanadka 2024, Mareykanka wuxuu kasoo iibsaday Shiinaha badeecooyin qiimahooda gaarayo $439 bilyan, halka uu ka iibiyay $143.5 bilyan oo kaliya. Labadooduba hadda waxay wajahayaan canshuuro aad u sareeya. Farqigaas oo ah $295 bilyan, oo loo yaqaan “khasaaraha ganacsi”, (trade deficit) .waa arrin uu Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, doonayo inuu yareeyo. Shiinahana wuxuu ku jawaabay isagoo kusoo rogay 125% canshuur ah alaabaha Mareykanka ka yimaada.

Isku-dhaca canshuuraha ee u dhexeeya quwadaha ganacsi ee ugu waaweyn adduunka ayaa keenay hubanti la’aan ku saabsan qiimaha iyo wax-soo-saarka alaabaha maalinlaha ah sida taleefannada casriga ah, chips-ka kombiyuutarada, iyo dharka.

Wasaaradda Ganacsiga ee Shiinaha waxay sheegtay inay diyaar u tahay “inay dagaalka lasoo afjaro” waxayna Mareykanka ku eedaysay inuu jebiyay xeerarka Ururka Ganacsiga Adduunka (WTO). Si uu farqiga u yareeyo, Trump wuxuu sare u qaaday canshuuraha Shiinaha ilaa 145%, taasoo ka dhigan in badeecadaha Shiinaha lagu iibiyo Mareykanka hadda lagu canshuuro ku dhawaad 2.45 jeer qiimahoodii hore, taasoo ka dhigaysa kuwo qaali ah oo aan la tartami karin suuqa Mareykanka.

Taariikhda Canshuuraha

1-da Febraayo
Madaxweyne Trump wuxuu saxiixay amar madaxweyne oo ku soo rogaya 10% canshuur alaabaha Shiinaha. Isla markaana, 25% canshuur ayaa lagu daray alaabaha Kanada iyo Mexico.

27-da Febraayo – dhaqan galay 4-ta Maarso
Trump wuxuu ku daray 10% kale alaabaha Shiinaha.

2-da Abriil
10% canshuur guud ayaa la saaray dhammaan dalalka u dhoofiya Mareykanka. Shiinaha gaar ahaan waxaa lagu daray 34% canshuur.

4-ta Abriil
Shiinaha wuxuu ku jawaabay isagoo ku dhawaaqay 34% canshuur alaabaha Mareykanka.

7-da Abriil
Trump wuxuu ku hanjabay canshuur 50% ah oo lagu darayo kuwa hore, taasoo keentay in alaabaha Shiinaha laga qaado ilaa 104% canshuur.

9-ka Abriil
Shiinaha wuxuu ku jawaabay isagoo isna saaray 50% canshuur dheeri ah, taasoo ka dhigaysa 84% canshuur alaabaha Mareykanka laga keeno.

Trump wuxuu sheegay inuu hakad gelin doono canshuuraha is-daba-jooga ah muddo 90 maalmood ah, isagoo hoos u dhigay heerka guud ee canshuuraha ilaa 10%. Laakiin tani kama aysan dhaqan gelin Shiinaha – halkii, wuxuu sare u qaaday ilaa 125%.

10-ka Abriil
Aqalka Cad wuxuu sheegay in canshuurta cusub ee 125% ay u sii raaci doonto mid hore oo ahayd 20%, taasoo guud ahaan ka dhigaysa 145%.

Maxaa Ka Reebban Canshuuraha?

11-ka Abriil, Trump wuxuu sheegay in taleefannada casriga ah, laptop-yada, iyo qalabka tignoolajiyada kale aysan la kulmi doonin “canshuuraha is-daba-jooga ah”.

Wasaaradda Kastamka Mareykanka waxay soo bandhigtay 20 qeyb oo badeecooyin ah oo laga reebay, kuwaas oo ay ka mid yihiin:

  • Kombiyuutarro & laptop-yo
  • Disk drives & qalabka kaydka xogta
  • Qalabka semiconductor-ka & xasuusta
  • Muuqaalada shaashadaha fidsan (flat panel displays)

Muxuu Mareykanku Ka Iibiyaa Shiinaha?

Sanadka 2024, Mareykanka wuxuu u dhoofiyay Shiinaha $143.5 bilyan oo badeecooyin ah.

Alaabooyinka ugu badan ee Shiinuhu ka iibsado Mareykanka waxaa ka mid ah:

  • Shidaalka dabiiciga ah iyo macdanta
  • Abuurka saliidda leh (sida soy-beans)
  • Mashiinnada iyo diyaaradaha
  • Soy-bean (loo isticmaalo xoolaha, gaar ahaan doofaarka) waa badeecadda ugu weyn ee Mareykanku u dhoofiyo Shiinaha.

Muxu Mareykanku Ka Soo Iibsadaa Shiinaha?

Sanadka 2024, Mareykanka wuxuu Shiinaha ka soo iibsaday $439 bilyan oo badeecooyin ah.

Alaabooyinka ugu waaweyn ee Mareykanka uu ka keeno Shiinaha waa:

  1. Qalabka korontada iyo elektarooniga – $123.8 bilyan (28.2%)
  2. Nuclear reactors, mashiinno & qalab farsamo – $82 bilyan (18.7%)
  3. Alaabta carruurta, ciyaaraha & isboortiga – $30 bilyan (6.8%)
  4. Bacaha & caagagga – $19.3 bilyan (4.4%)
  5. Furaashyada & alaabta guriga – $18.5 bilyan (4.2%)

Gobolkee Mareykanka Ugu Iibsiga Badan Ka Sameeyaa Shiinaha?

Sida laga soo xigtay Wasaaradda Ganacsiga ee Mareykanka:

  • California waxay ka soo iibsatay Shiinaha $122.8 bilyan, taasoo ka dhigaysa gobolka ugu wax-soo-iibsiga badan.
  • Illinois waxay ka keentay $42.1 bilyan
  • Texas waxay keensatay $35.9 bilyan

Dhinaca kale:

  • Texas waa gobolka ugu dhoofinta badan ee Shiinaha – $22.5 bilyan
  • California waxay dhoofisay $15.1 bilyan
  • Washington waxay dhoofisay $12 bilyan

Leave a comment