Haddii ay oggolaansho ka hesho hay’adaha sharci dejinta ee Imaaraadka Carabta, Waxaa la samayn doonaa stablecoin ku xidhan dirham-ka lagana maamulo bangiga dhexe, stablecoin-kan wuxuu ku shaqayn doonaa blockchain-ka ADI.
Saddex hay’adood oo waaweyn oo fadhigoodu yahay Abu Dhabi oo ay ka mid tahay sanduuqa maalgelinta qaran ee Abu Dhabi (ADQ) ayaa iska kaashaday sidii loo samayn lahaa stablecoin cusub oo lagu xiro dirham-ka, iyada oo la sugayo oggolaanshaha hay’adaha sharci dejinta. Saddexda shirkadood oo kala ah ADQ, Bangiga ugu weyn Imaaraadka Carabta First Abu Dhabi Bank (FAB), iyo shirkadda weyn ee maalgashiga ah ee International Holding Company (IHC) ayaa shaaciyay qorshahan April 28keedii.
Stablecoin-ka ayaa lagu sheegay in uu hoos imaan doono isla markaana u hoggaansanaan doono xeerarka Bangiga Dhexe ee Imaaraadka Carabta kuna xidhnaan doono lacagta dalka ee dirham-ka. Waxa kale oo la filayaa in laga heli doono adeegyo ay ka mid yihiin qaab isdhaafsiga xogaha iyo isticmaalka caqliga macmalka ah (AI).
Xigasho :- IHC
Ujeeddada mashruucan, sida uu sheegay ADQ, waa in Imaaraadka Carabta laga dhigo mid hoggaamiye dunida ka ah dhinaca hal-abuurka blockchain-ka, iyadoo sidoo kale la xoojinayo kaabayaasha dhijitaalka ah ee dalkaas.
Haddii sharci dejiyeyaashu ay oggolaadaan, stablecoin-kan cusub wuxuu ku shaqayn doonaa blockchain-ka ADI, oo ay sameeyeen ADI Foundation urur aan faa’iido doon ahayn oo u heellan taageeridda nidaamyada dhaqaale iyo dawladaha si ay u horumariyaan una qaataan tignoolajiyadda blockchain-ka.
ADQ, oo la aasaasay 2018kii, waa sanduuq maalgelin qaran ah oo diiradda saara kaabayaasha muhiimka ah ee caalamiga ah. IHC, dhankeeda, waa mid ka mid ah shirkadaha maalgashi ee ugu ballaadhan Imaaraadka Carabta, waxaana qiimaheeda suuqa lagu qiyaasaa in ka badan $243 bilyan. Shirkaddan waxay xiriir dhow la leedahay qoyska xukunka haya ee Abu Dhabi, caasimadda dalka Imaaraadka carabta.
First Abu Dhabi Bank (FAB) waa bangiga ugu weyn dalka, waxaana la sameeyay sanadkii 2017, markii la isku daray First Gulf Bank iyo National Bank of Abu Dhabi.
Dalal kale oo doonaya inay ka hortagaan stablecoin-ka doolarka Mareykanka
Dalal kale ayaa sidoo kale shaaciyay qorshayaal ay ku bilaabi doonaan stablecoins ku xidhan lacagtooda qaran, halkii lagu xidhnaan lahaa doolarka Mareykanka.
Qiimaha guud ee suuqa stablecoin-yada lagu xiro doolarka Mareykanka ayaa dhaafay $230 bilyan bishii April, taas oo muujinaysa koror dhan 54% marka loo eego sanadkii hore, iyadoo Tether (USDT) iyo USDC ay ka talinayaan in ka badan 90% suuqaas.
Mas’uul ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda ee Ruushka ayaa sidoo kale soo jeediyay qorshe dalkaasi ku horumarinayo stablecoin u gaar ah, kadib markii Mareykanku xannibay akoonno ay lahaayeen shirkadda Garantex oo Ruushka laga leeyahay iyo stablecoin-ka Tether.
Si kastaba ha ahaatee, warbixin uu bixiyay bangiga maalgashiga ee Citigroup 23kii April ayaa saadaaliyay in stablecoin-yada ay weli u badnaan doonaan kuwo lagu xidho doolarka Mareykanka, halka waddamada kale ee aan Mareykanka ahayn ay horumarin doonaan lacagaha dhijitaalka ah ee qaran ama kuwa uu maamulo bangiga dhexe ee dalalkooda.
Waxaa jiray maqaal hore oo aan March 29keedii kaga hadalnay website-ka Gellebashir, runtii xogo badan ayaan ku soo bandhignay, halkan ka aqriso :- https://gellebashir.com/usd-stablecoin-vs-uae-dirham-stablecoin/
Our Courses
- Cryptocurrency Course bilaw ilaa dhamaad.
- Forex Trading A-Z Af-soomaali
- Website Design WordPress.
- Cisco Certified Network Associate (CCNA 200-301)
- Dropshipping Mastery Course
- Somali alibaba Online Course
- MongoDB No-SQL Database
- Ultimate react JS course
- HTML and CSS beginner to advanced Course
- Video Editing in CapCut Desktop + Mobile.
- Facebook Ads (Digital Marketing).
- Somali Alibaba Online Course.
- Git and Github Course
- Modern Javascript master Course
- Graphic Design Course.
- Basic Computer and Office Mastery.
- Premiere Pro (Video Editing).
- Python for beginners
- Blogging & Monetisation(WordPress).
- E-commerce Course.
- Tailwind CSS modern Course.
Our Services
- Website Design
- Business Consulting
- Digital Marketing