">
Skip to content Skip to sidebar Skip to footer

Ku soo dhawaada wararkii ugu dambeeyay ee la xiriira crypto, blockchain, Defi, Cefi, NFT, iyo Si guud dhaqaalaha caalamka.

Halkan waxaad ka aqrisan doontaa dhacdooyinkii uu dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo crypto kuwaas oo isugu jira, waxyaabaha muhiimka waxaa ka mid ah isbadelka suuqa, xeerar cusub ay dawladuhu crypto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Crypto.

  1. πŸ“ˆ xaalada guud ee Suuqa

Qiimaha guud ee suuqa crypto waxuu marayaa maanta $2.98 Trillion, waxuuna kor u kacay 0.08%.

Fear and Greed Index: Toolka lagu cabiro kalsoonida maalgashiyaasha ay ku qabaan suuqa waxuu sheygayaa inuu yahey Neutral (53) aysan jiran cabsi xoogan iyo damac sare waxuuna is badeli karaa daqiiqad kasta.

Bitcoin (BTC): Qiimaha lagu kala iibsanaayo ayaa kor u kacay waxuuna gaaray $95,000, kor u kac dhan 0.12% ayay sameysay maanta.

Ethereum (ETH): Waxaad mooddaa inuu yahay coin-ka ugu dhaqaaqa yar muddooyinkan dambe, balse waxa uu hadda marayaa qiimihiisu $1,828.

XRP: Waxaa hoos u dhacay qiimahiisa qiyaastii 2.15% kadib markii shalay ay samaysay kor u kac 7% ah. Waxaana hada suuqyada lagu kala iibsanayaa qiimo ah $2.28.

Dogecoin (DOGE):- Waxaa jirta su’aal ku saabsan inuu gaari doono qiimo dhan $0.65 iyadoo hadda uu jiro Coin-ku hoos u dhac, waxaana hadda suuqyada lagu kala iibsanayaa $0.1784.

Solana:- Qiimaha Coinka Sol ayaa maanta hoos u dhacay 3.14% waxuuna marayaa qiimihiisa hadda $148.30.

Xigasho: CoinMarketCap

  1. πŸ› Xeerarka Sharciyeed iyo Siyaasada Suuqa

Arizona:- Sharci marintii labaad ee kaydka Bitcoin ee Arizona, SB 1373, ayaa ka gudbay codbixintii ugu dambeysay, Labada sharci ayaa hadda loo gudbin doonaa Guddoomiyaha gobolka, Katie Hobbs, si ay u ansixiso.

Xigasho:- Cointelegraph

North Carolina:- Sharciga kaydka Bitcoin ee North Carolina, HB 92, ayaa ka gudbay Guddiga Xeerarka iyo Hawlgallada Aqalka Hoose.

South Korea:- Xisbiga xukunka haya ee Koonfurta Kuuriya ayaa ballan qaaday inuu ansixin doono Spot ETF-yada crypto isla markaana uu meesha ka saari doono xeerarka adag ee bangiyada haddii dib loo doorto bisha June.

  1. πŸ‹ Dhaq-dhaqaaqa Maalgashiyaasha Whale Investment)

MicroStrategy:- Marka lagu daro Bitcoin-tii u dambeysay ee ay iibsatay shirkadda MicroStrategy oo ahaa 15,333 Bitcoin, qiimaha shirkadda ayaa hadda ahaan jooga $52 Billion hadda ahaan.

Michael saylor ayaa yidhi haddii aad aragto bangiyada iyo dadka suuqyada maaliyadeed khibradda u leh oo urursanaya Bitcoin, ogow waa inay cid kasta ay iibsan doonto isla markaana ay dib isaga iibin doonin taas oo Bitcoin ka dhigi doonta mid gadashadeedu adkaato.

  1. πŸš€ Mashruucyada Horumarinta ku socdo ee Crypto

UAE:- saddex shirkadood (ADQ, IHS iyo FAB)oo ah kuwa ugu waaweyn dhinaca maaliyadeed ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa isku waafaqay inay sameeyaan stablecoin ku xidhan dirhamka si ay u horumariyaan suuqa crypto iyo sidoo kale lacagta dirhamka.

  1. πŸ“Š ETFs iyo Maalgashi Hay’ado Suuqa saameeyo

BlackRock:- Spot ETF-ka BlackRock ayaa iibsaday 10,360 BTC oo qiimaheedu yahay $970.9 milyan bishii April 28keedii, taasoo noqonaysa qulqulkii labaad ee ugu weynaa tan iyo markii la aasaasay.

Our Courses

  • Cryptocurrency Course bilaw ilaa dhamaad.
  • Forex Trading A-Z Af-soomaali
  • Website Design WordPress.
  • Cisco Certified Network Associate (CCNA 200-301)
  • Dropshipping Mastery Course
  • Somali alibaba Online Course
  • MongoDB No-SQL Database
  • Ultimate react JS course
  • HTML and CSS beginner to advanced Course
  • Video Editing in CapCut Desktop + Mobile.
  • Facebook Ads (Digital Marketing).
  • Somali Alibaba Online Course.
  • Git and Github Course
  • Modern Javascript master Course
  • Graphic Design Course.
  • Basic Computer and Office  Mastery.
  • Premiere Pro (Video Editing).
  • Python for beginners
  • Blogging & Monetisation(WordPress).
  • E-commerce Course.
  • Tailwind CSS modern Course.
Our Services
  • Website Design
  • Business Consulting
  • Digital Marketing

Leave a comment