">
Skip to content Skip to sidebar Skip to footer

Dareenka dadka taageera Bitcoin ayaa noqday mid aad u rajo leh, iyadoo Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu sheegay inuu dhawaan ku dhawaaqi doono heshiis ganacsi oo uu la galayo UK, taasoo uu ku tilmaamay “mid ka mid ah kuwa badan oo iman doona.”

Taageerayaasha Bitcoin waxay filayaan in qiimuhu kor u dhaafo heerka $100,000 oo uu gaadho heer cusub, iyadoo heshiiskan ganacsi la rumeysan yahay inuu saameyn weyn ku yeelan karo suuqyada.

Trump ayaa bartiisa Truth Social ku daabacay May 7 in heshiis ganacsi “weyn” lala galayo “dal weyn oo sumcad sare leh” lagu dhawaaqi doono May 8, iyadoo warbixin ay qorayso The New York Times oo soo xiganaysa saddex ilo oo xog ogaal ah ay sheegtay in dalkaasi yahay UK.

Bitcoin oo si dhow ugu soo dhowaanaysa $100,000

Markii uu Trump qoray qoraalkiisa, Bitcoin waxay ku jirtay heerka $97,759 waxayna si tartiib ah ugu dhowaanaysay heerka laga rajaynayay ee $100,000, iyada oo gaadhay $98,882 xilliga aan soo qorayno maqaalkan, sida ay sheegayso xogta CoinMarketCap.

Dad badan oo falanqeeya suuqyada iyo taageerayaasha Bitcoin ayaa saadaaliyay in korodhka qiimaha uu la xidhiidho filashada heshiiska ganacsi.

Charlie Sherry, madaxa maaliyadda ee shirkadda BTC Markets ee Australia, ayaa u sheegay Cointelegraph in “markii dadku ka baqayeen in qiimuhu sii dhaco, Bitcoin uu sameeyay wax ka duwan.”

“Waxaa caadi ah in marka dareenka suuqu noqdo mid aad u niyad jabsan, qiimuhu sameeyo sal cusub oo ay ka bilaabmaan isbeddello suuqeed oo cusub,” ayuu raaciyay.

Sherry wuxuu intaas ku daray in suuragal ay tahay in heshiiska ganacsi durba saamayntiisa laga arko Bitcoin.

“Inkastoo aan laga yaabo in aan la kulanno Resistance aad u adag marka la gaaro $100,000, haddana waxay u muuqataa mid aan la joojin karin in Bitcoin ay hal eber kale ku darto qiimaheeda,” ayuu yiri.

Neil Jacobs, aasaasaha shirkadda FOMO21, ayaa barta X ku sheegay in kor u kaca qiimaha Bitcoin uu si toos ah uga dhashay hadalka Trump.

Ganacsadaha Anthony Pompliano ayaa sheegay in heshiiska ganacsi ee soo socda uu sare u qaaday fursadaha ah in la gaaro heerar rikoor cusub ah sanadka 2025.

Bitcoin waxay gaadhay meeshii kii ugu sarreeyay ee $109,000 January 20keedii, saacado ka hor caleema-saarka Trump.

Sahib Anandsongvit, madaxa shirkadda Pandora, ayaa sheegay in “uusan joojin karin fikirka” sida Bitcoin uu u ahaa $80,000 dhowaan, isagoo xusay qiimaha $98,990 ee waqtiga xaadirkan ay joogto Bitcoin iyo heshiiska Trump ee la filayo.

Qiimaha Bitcoin Xigasho:- CoinMarketCap

Qoraalka Trump ayaa yimid saacado kaddib markii Fed-ka Mareykanka uu shaaciyay inuu ku sii haynayo heerka dulsaarka 4.25% ilaa 4.50%, inkastoo uu Trump cadaadis ku saarayay in la dhimo.

Bitcoin ma aysan gaadhin $100,000 tan iyo February 1deedii, markaas oo Trump uu soo jeediyay in cashuuro lagu soo rogo Shiinaha, kanada, iyo Mexico. Dhanka kale, dad badan oo ka qaybqaata suuqyada crypto ayaa muujinaya kalsooni sare, iyadoo Crypto & Fear Index uu muujiyay darajo “damac sare” ah oo ah 65.

Kor u kaca 3% ee Bitcoin 24-kii saac ee la soo dhaafay ayaa keenay in ku dhowaad $113.90 milyan oo sell loogu jiray suuqa ay baaba’do (Liquidation), sida aan ka soo xigannay CoinGlass.

Lacagta lagu khasaaray suuqa crypto 24kii saac ee la soo dhaafay Xigasho:- Coinglass

Our Courses

  • Cryptocurrency Course bilaw ilaa dhamaad.
  • Forex Trading A-Z Af-soomaali
  • Website Design WordPress.
  • Cisco Certified Network Associate (CCNA 200-301)
  • Dropshipping Mastery Course
  • Somali alibaba Online Course
  • MongoDB No-SQL Database
  • Ultimate react JS course
  • HTML and CSS beginner to advanced Course
  • Video Editing in CapCut Desktop + Mobile.
  • Facebook Ads (Digital Marketing).
  • Somali Alibaba Online Course.
  • Git and Github Course
  • Modern Javascript master Course
  • Graphic Design Course.
  • Basic Computer and Office  Mastery.
  • Premiere Pro (Video Editing).
  • Python for beginners
  • Blogging & Monetisation(WordPress).
  • E-commerce Course.
  • Tailwind CSS modern Course.
Our Services
  • Website Design
  • Business Consulting
  • Digital Marketing

Leave a comment