">
Skip to content Skip to sidebar Skip to footer

Ku soo dhawaada Gelle Crypto waa madal lagu soo qaaro maalin walibo wararkii ugu dambeeyay ee la xiriira Crypto, BlockchainDefiCefiNFT, Ai, Web 3.0, iyo Si guud dhaqaalaha caalamka.

Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walibo dhacdooyinkii uu dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo crypto kuwaas oo isugu jira, waxyaabaha muhiimka waxaa ka mid ah isbadelka suuqa, xeerar cusub ay dawladuhu crypto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Crypto waxyaabaha ku soo kordha technologiyada Bloickchain

📈 1. Xaalada guud ee Suuqa

  • Market capka guud ee suuqa waxuu maanta marayaa 3.30trillion halka volume hantida dhex martay 24 saac u dambeysay ay gaarayso 138.74 Billion
  • Awooda suuqa Dominance waxaa haysto Coinka BTC 62.47% halka Altcoins ay haystaan 38.53%
  • Altcoin season Index waxuu sheegayaa in uu maraayo 35%.
  • Fear and Greed index halbeega lagu cabiro dareenka maalgashiyaasha waxuu maraya  71% taas oo ka dhigan in ay jirto kalsooni buuxda ay maalgashiyaasha ku qabaan suuqa
  • Bitcoin Coinka BTC waxuu gaaray $104,000, waxuuna u dhaxeeye isbuuc ka hor $93,500 ila 95,700 tani waxay muujinaysaa kalsooni cusub oo maalgashadeyaasha ay ka muujiyeen suuqan iyo suurtagalnimada in bull market Cusub bilaambo ka dib All time high-ka bitcoin ay ka soo laabatey $109,650.
  • Ethereum (ETH): waxuu sameye koror xooggan, waxuuna kor u kacay 0.28% qiimihiisa waxaa hadda suuqyada lagu kala iibsanayaa $2,397
  • Altcoinska. Coinska kale ay ugu marketcapka wayn suuqa waxay samayeen dhaqaaq xoogan maadaama BTC ay dhaqaaqday sida Dogecoin (DOGE) waxuu sameeye koror dhan 10% waxuuna marayaa qiimaha halkii xabo $0.22. Solana (SOL) waxay sameysay koror dhan 15.78% qiimaheeda waxay hada suuqa ka mareysaa $170.17. Cardano (ADA) waxuu dhaqaaqey 14.40% qiimaha halkii xabo waxuu joogaa waqtigaan $0.78. Ripple (XRP) waxuu sameeye koror dhan 20.35% qiimaha halkii xabo waxuu marayaa waqtigaan $2.39 waxayna muujinaysa arintaan sare u kacaan ay sameyeen in “Altcoin season” uu bilaaban karo.

🏛️ 2. Xeerarka cusub iyo Sharciyada Suuqa

  • Dowlada Mareykanka waxay Sharciga cusub ee GENIUS Act, oo la xiriira xeerarka stablecoin-ka ay u dajisay wuxuu wajahayaa caqabado ka yimid dhanka Kongareeska, iyadoo laga cabsi qabo in baarlamaanka ay ka soo saaraan sharciyo lagu xadidaado lacagahaan samayntooda
  • Senatarro Dimuqraadi ah ayaa dalbaday in la baaro hadii uu jiro xiriir la sheegay in uu ka dhaxeeyo Binance iyo qoyskii madaxweyne Donald Trump.
  • Midowga Yurub (EU) Wuxuu bilaabay wejigii 2aad ee sharciga MiCA, kaasoo ku khasbaya shirkadaha sariflayaasha inay ilaaliyaan halista ay wajahaan dadka haysta crypto wargalina ka soo gudbiyaan hadii ay arkaan wax sharci daro ah sida AML-Anti money laundering.
  • Boqortooyada Ingriiska (UK), haaya’deeda u qaabilsan arimaha dabagalka amniga dhaqaalaha ee FCA- Financial Conduct Authority. Waxay maalmahaan ku daba jirtey kiis aad u caan baxay oo qabsaday baraha bulshada ee la xariiro dhicid lacagta BTC waxaana lagu shakiyay inay ka dameyeen dhalanyaro Somaliyeed waxaana lagu dhacay Scam kaas lacag bitcoin dhan 3,520 u dhiganto dollar ahaan $330.7 million.
  • Hindiya, Bangiga Dhexe ee Hindiya (RBI) wuxuu ballaariyay tijaabooyinka lacagta dijitaalka ah ee CBDC (digital rupee of India), waxaana la filayaa in la bilaabo retail CBDC 2.0 marka la gaaro bilaha u dambeeyo sanadkaan2025.

🐋 3. Dhaq-dhaqaaqa Maalgashadeyaasha waaweyn

  • Whale ayaa u galay suuqa Crypto short isagoo  dhigtay $13 milyan USDC Exchange Hyperliquid, waxuuna short positions u galay Coinska kala ah BTC, ETH iyo SOL – waxuuna filayaa in qiimaha coinskaan hoos u dhici doonaan qiimahooda.
  • Whales “maalgashiyaasha” ayaa kordhiyay kaydka BTC ay haaystaan, 12,500 BTC ayaa laga soo saaray exchangiyada iyadoo lagu kaydinaayo hardware wallets muddada dheer taasoo muujinaysa inuu jiro aroorsi coinka BTCay sameynayaan jeeb waynayaasha suuqa

🏗️ 4. Mashruucyada horumarinta ku Socda

  • Tether ayaa daabacday $1 bilyan USDT shabakadda TRON, taasoo qeyb ka ah $12 bilyan oo ay daabacday tan iyo Janaayo 29, 2025. Tani waxay muujinaysaa baahida sii kordheysa ee stablecoins ku shaqeeya shabakadaha xawaaraha badan iyo kharashka yar
  • Kaanch Network: Presale-kiisa wuxuu ku furmay Token kaan qiimo dhan $0.16, isagoo soo jiitay maalgashadeyaal raadinaya token cusub ICO oo faa’iido badan laga samayn karo
  • Crypto Arabs NFT: Mashruuc ka socda UAE oo ku saabsan isku darka waxbarashada Crypto Web3, NFT, iyo sadaqo, ayaa soo jiitay maalgashiyaasha waxuuna si gaar ah u taabanaysa dhaqaalaha Islaamiga ah, waana mashruuc hada bilaaw ah.
  • Emarat + Crypto.com: Waxay kala saxiixdeen heshiis dhigaya in cryptocurrency loo adeegsan karo bixinta adeega kaalimaha shidaalka ee Emarat.
  • ADAP Fund: Waxuu la bilaabay sanduuqa maalgashiga digital-ka ah ee ugu horreeya Bariga Dhexe, waxaana iska kaashaday mashruucaan shirkado ka socda Canada iyo Abu Dhabi (3iQ & AltNovel).

📊 5. ETFs & Maalgashiga Hay’adaha saamaynta ku leh suuqa

  • BlackRock Bitcoin ETF: Waxaa laga diiwaangeliyay maalintii 19aad ee xiriirka ah oo ay soo galayso lacag cusub oo gaarayso $356 milyan, taasoo ka dhigaysa ETF-kii ugu dhaqaaqa badn 2025.
  • Goldman Sachs: Waxay shaacisay inay hayso in ka badan $2.05 bilyan oo ah crypto ETF-yada, oo ay ku jiraan $1.3 bilyan oo ku jirta ETF-ka BlackRock.
  • Ethereum Spot ETF: Mar kale ayuu bilaabay inuu helo maalgelin cusub, taasoo muujinaysa xiiso cusub iyo soo jiidasho ay u qabaan maalgashiyaasha.

Xigasho: Coin Codex

🔗 6. Tiknoolajiyadda Blockchain

  • Shirkadda Meta waxay qorsheyneysaa nidaam cusub oo lacag-bixin ah oo ku saleysan blockchain si ay ugu fududaato lacag dirista ayna u noqoto mid raqiis ah, gaar ahaan lacagta la siiyo Content Creators ka ee wax ku soo gudbiyo baraha sida Instagram iyo Facebook.
  • Isbeddellada Cusub ee Blockchain 2025, Waxaa kor u kacaya adeegyada Blockchain-as-a-Service (BaaS), isticmaalka habab cusub oo ammaan u leh xisaabinta quantum, iyo kobaca hababka la hagaajiyay ee xallinta sida Proof of Stake (PoS).
  • Lacagaha Dijitaalka ah ee Bangiyada Dhexe (CBDCs) ay ku dhisan Block chainta ayaa maalmahaan horumar sameynaya, Dalal badan ayaa tijaabinaya halka qaar kalena ay bilaabayn lacagaha dijitaalka ah ee bangiyada dhexe si ay u horumariyaan nidaamyada lacag-bixinta oo ay u fidiyaan adeegyada maaliyadeed bulshada aan wada heli karin.

Xigasho: Blockchain news

🤖 7. Garaadka macmalka Ai

  • OpenAI waxay soo saartay moodel cusub Ai oo la yiraahdo “o3” kaasoo lagu tilmaamay inuu leeyahay “caqli heer sare ah.” Sam Altman, agaasimaha guud ee Open Ai, wuxuu sheegay in Ai dadka adeegsado uu wax badab ka faa’idi doono.
  • AI oo loo adeegsado Boorsooyinka Crypto, Boorsooyinka lacagaha dijitaalka ah ayaa hadda helaya caawinta AI si loo kordhiyo ammaanka loogana hortago weerarada phishing-ka, iyadoo laga caawinaayo adeegsiga khibradda isticmaalaha.
  • Shirkadda Lowe’s waxay waxay soo bandigtay adeega AI ah oo la yiraahdo “Mylow Companion” taasoo ka caawinaysa shaqaalaha inay si dhakhso leh uga jawaabaan su’aalaha macaamiisha.

🌐 8. Horumarka technologiyada Web 3.0

  • Iskaashiga Web 3.0 iyo AI, Web 3.0 iyo AI ayaa is dhexgalaya si loo sameeyo barnaamijyo cusub oo Decentral ah kuwaas oo adeegsanaya AI si loo falanqeeyo xogta loona gaaro go’aamo caqli-gal ah.
  • PlayGoat Gaming: Waxay calaamad u tahay kobac cusub oo laga filayo crypto gaming, iyadoo kulan ay isugu yimaadeen ciyaaraha Web3 uu dhiirrigeliyay.

Xigasho :Medium

ka baro halkaan Koorsada Crypto bilaaw ilaa dhamaad

Leave a comment