">
Skip to content Skip to sidebar Skip to footer

Ku soo dhawaada wararkii ugu dambeeyay ee la xiriira crypto, blockchain, Defi, Cefi, NFT, AI iyo Si guud dhaqaalaha caalamka.

Halkan waxaad ka aqrisan doontaa dhacdooyinkii uu dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo crypto kuwaas oo isugu jira, waxyaabaha muhiimka waxaa ka mid ah isbadelka suuqa, xeerar cusub ay dawladuhu crypto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Crypto.

  1. 📈 xaalada guud ee Suuqa

Qiimaha guud ee suuqa crypto waxuu marayaa maanta $3.37 Tirilyan, waxuuna kor u kacay 1.18%

Fear and Greed Index: Toolka lagu cabiro kalsoonida maalgashiyaasha ay ku qabaan suuqa waxuu sheygayaa inuu yahey Neutral (74), Tani waxay tilmaamaysaa in uu jiro damac ama rabitaan iibsi oo aad u sarreeya waxuuna is badeli karaa daqiiqad kasta.

Qiimaha guud ee suuqyada crypto ayaa mar kale gaadhay $3.5T markii ugu horreysay tan iyo 2-dii February, 2025.

Xigasho:- CoinMarketCap

Bitcoin (BTC): Qiimaha lagu kala iibsanaayo ayaa kor u kacay waxuuna gaaray $103,954, kor u kac ah 0.26% ayay sameysay maanta.

Ethereum (ETH): Qiimaha Ethereum waxa uu kor u kacay 4.31% 24-kii saac ee u dambeeyay waxa uuna hadda marayaa $2,619.5.

XRP: Waxaa kor u kacay qiimahiisa qiyaastii 2.94%Waxaana hada suuqyada lagu kala iibsanayaa qiimo ah $2.61.

Solana:- Qiimaha Coinka Sol ayaa maanta ku jira kor u kac ah 4.18% waxuuna marayaa qiimihiisa hadda $180.91.

  1. 🏛 Xeerarka Sharciyeed iyo Siyaasada Suuqa

TRUMP: “Waxaan rabaa crypto sababtoo ah dad badan oo ah malaayiin qof ayaa raba.” sidoo kale waxa uu raaciyay “Waa yaab waxa suuqa koraya uu qaban karo. runtii, wuu sii kici doonaa ilaa meel sare uu gaadho.”

Trump ayaa fagaare ka hadalkiisii uga faa’iidaystay hadallo badan oo runtii ahaa kuwo saameyn leh oo ay ka mid ahaayeen inuu sheegay maraykanku inuu shiinaha kaga horumarsan yahay suuqa crypto isaga oo sidoo kale shegay inuu yahay mid si aad ah u taageera suuqa crypto

SAYLOR: “Waa waqtigii la soo afjari lahaa dagaalka ka dhanka ah crypto.”

Dhammaan musharraxiinta madaxnimo ee waaweyn ee Koonfur Kuuriya ayaa taageersan spot Bitcoin ETFs, sida uu sheegay Ki Young Ju.

SEC ayaa dib u dhigtay go’aanka ku saabsan in loo oggolaado lacag celin hanti ahaan ah (in-kind redemptions) ee ETF-ka Bitcoin ee BlackRock, iyadoo raadinaysa jawaab celin dadweyne oo ku saabsan soo jeedintaas.

Senator Cynthia Lummis ayaa ku boorrisay maamulka Trump in la tirtiro canshuuraha la saaray Bitcoin iyo shirkadaha crypto.

SEC ayaa dib u dhigtay ETF-ka Grayscale Spot Solana.

  1. 🐋 Dhaq-dhaqaaqa Maalgashadeyaasha

Semler Scientific ayaa iibsatay 174 Bitcoin oo qiimahoodu yahay $17.8M, taasoo keentay faa’iido dhan 22.2% BTC tan iyo bilowgii sannadka, iyadoo haatan haysata wadar dhan 3,808 BTC.

Tether ayaa iibsatay 4,812 Bitcoin oo qiimahoodu yahay $459M.

Shirkadda Abraxas Capital ee fadhiisinkeedu yahay London ayaa iibsatay 33,482 ETH oo qiimahoodu yahay $84.7 milyan, taasoo ka dhigaysa wadarta ay 6-dii maalmood ee la soo dhaafay iibsadeen 211,030 ETH oo qiimahoodu yahay $477.6 milyan.

  1. 🚀 Mashruucyada Horumarinta ku socdo ee Crypto

FalconX ayaa la heshiisay Standard Chartered si ay ugu adeegaan hay’adaha maalgashi ee crypto.

Wyoming waxay soo saari doontaa $WYST, oo ah stablecoin-kii ugu horreeyay ee si buuxda loo dammaanad qaaday kuna xidhan lacag naqdi ah, ay daabacdana hay’ad dadweyne oo Maraykan ah.

Wallet aan la isticmaalin oo ay ku jirtay 300 BTC (qiimahoodu yahay $31 milyan) ayaa dib loo hawlgeliyay 11.1 sano kaddib, xilligaasoo lacagtaasi ay ahayd kaliya $134,000.

Coinbase ayaa ku biiri doonta S&P 500, iyadoo noqoneysa shirkaddii ugu horreysay ee si buuxda uga shaqeysa crypto oo ku jirta tusmadaas, waxaana Bernstein ku qiyaastay inay heli karto ilaa $9 bilyan oo maalgelin toos ah.

  1. 📊 ETFs iyo Maalgashi Hay’ado Suuqa saameeyo

Ku dhawaad 889 BTC ayaa la iska iibiyay halka 5,410 ETH la iibsaday 13-kii May.

ETF-yada BTC ayay noqotay hantida guud ee ka baxday mid dhan $91.4M.

ETF-yada ETH ayaa helay hanti maalgashi oo cusub oo dhan $13.5M.

6. 🤖 Garaadka macmalka ah(AI)

Nvidia waxay siin doontaa 18,000 oo ka mid ah chip-yadeeda AI ee heerka sare ah ee GB300 Blackwell shirkadda Humain ee Sacuudi Carabiya, taasoo qayb ka ah booqasho rasmiga ah oo Aqalka Cad uu hoggaaminayo Trump, si loo sameeyo xarun xogeed weyn oo awooddeedu tahay 500MW.

Ku baro halkan crypto bilaw ilaa dhammaad luqaddaada hooyo

Leave a comment