Ku soo dhawaada wararkii ugu dambeeyay ee la xiriira crypto, blockchain, Defi, Cefi, NFT, Ai, Web 3.0, iyo Si guud dhaqaalaha caalamka.
Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walibo dhacdooyinkii uu dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo crypto kuwaas oo isugu jira, waxyaabaha muhiimka waxaa ka mid ah isbadelka suuqa, xeerar cusub ay dawladuhu crypto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Crypto waxyaabaha ku soo kordha technologiyada Bloickchain
1. 📊 Xaalada guud ee Suuqa
- Qiimaha Guud ee Suuqa (Market Cap): Wuxuu haatan marayaa ku dhowaad $3.31 trillion waxuuna kor u kacay 0.1% halka (Volume) hantida guud ee suuqa la isku dhaafsaday 24 saac u dambaysay ay gaarayso 83.8 Billion.
- Awooda suuqa Dominance waxaa haysto maanta Ccoinka Bitcoin 62.5% halka Altcoins ay haystaan awood dhan 37.95%
- Altcoin season Index waxuu sheegayaa in uu yahey 25% taasoo ka dhigan in damaca altcoins loo qabo ay hoos u dhac santahey hantidana ay ku qul-qulayso Coinka BTC.

Xigasho: CoinmarketCap
- Fear and Greed index halbeega lagu cabiro dareenka maalgashiyaasha waxuu sheegayaa 66% taas oo ka dhigan inuu yahey mid dhxe aysan jirin dareen maalgashi oo xoogan iyo cabsi wayn ee suuqa laga qabo.

Xigasho: CoinmarketCap
- Bitcoin (BTC): Qiimaha BTC wuxuu gaaray Maanta $103,878.78, waxuuna sameyay sare u kac dhan 24 saac u dambeysay 1.05%
- Ethereum (ETH): Qiimihiisu wuxuu sare u kacay 1.02% waxaa hadda suuqyada lagu kala iibsanayaa lacag dhan halkii xabo $2,509.08
- Altcoins: Solana (SOL), Ripple (XRP), iyo Cardano (ADA) waxay sare u kaceen 24 saac u dambeysay 5.3%
🔁 2. Exchange Inflows & Outflows
Waxaa lagu ogaadaa hantida soo gasho suuqyada Cefi ay crypto waqti cayima sida 24 saac, 3 maalin 7 maalin ama Bil waxayna arintaan ka caawisaa maalgashiyaasha iyo traders-ka suuqa in ay ka warqabaan halka ay hantida ku qul-qusho tusaale marka whales ay hantida ku wareejinayaan Wallets kooda iyo marka soo galayso suuqa hanti badan sida coin ka BTC ama Stable coins-ka waxaana la deegsadaa toolsa iyo websites.
- Inflow (Lacagaha Soo Galaya Suuqa): Xogta CryptoQuant iyo Coinglass waxay muujinaysaa in celceliska 7-maalmood ee la soo dhaafay lacagaha soo galaya suuqyada coinka BTC ay ahaayeen 0.482 BTC, taasoo lagu ogaan karo in aysan jirin Sell badan ay sameynayaan Whales-ka.

Xigasho: Coinglass
- Outflow (Lacagaha Ka Baxaya suuqa): Sidoo kale xogaha laga helay Coin-glass iyo CryptoQuant, waxaa lagu arkaa in celceliska isbuucyadii u dambeyay lacagaha ka baxaya suuqyada ay gaarayeen qiyaas ahaan 2.803 BTC, taasoo muujinayso in Exchange-yada ay ku yaraanayso Coinka BTC ayna jirto aruuris kaydsasho wayn.

Xigasho: CryptoQuant
🏛️ 3. Xeerarka & Shuruucda Suuqa
- Guddoomiyaha SEC, Paul Atkins, wuxuu sheegay in uu qorsheynaayo inuu u sameeyo xeerar loogu talagalay in lagu maamulo tokens-ka crypto.
- Shirkadda Coinbase waxay la kulantay weerar Hacking, taasoo saameysay macaamiisheeda, iyadoo lagu qiyaasay khasaaraha soo gaaray ku dhawaad 60 milyan.
- Dowlada Faransiiska waxay kordhisay amniga lagu sugaayo shuruucda shirkado crypto ka dib markii uu soo baxay warar sheegaayo inay jirto burcad rabto inay lacag dhiqid sameyaan.
- Shirkadda Ripple waxay sameysay mashruuca tijaabo ah ee XRP Ledger gudaha wadanka Colombia.
- Booliiska Hong Kong ayaa xabsiga u taxaabay 12 eedeysane oo lala xiriirinayo inay sameyeen lacag dhaqid crypto ah oo gaareysa $15 milyan.
- Aqalka Cad ee Maraykanka ayaa sheegay in kaydadka dahabka (Gold Reserves) ay dowlada u adeegsan doonto iibsashada Bitcoin
- Duqa magaalada Panama City ayaa shaaca ka qaaday in uu bilaabi rabo qorshe kaydad Bitcoin (BTC reserve) kadib kulan uu la yeeshay Madax-weynaha El Salvador.
- Trump ayaa weeraray Guddoomiyaha Fed Jerome Powell waxuuna ku tilmaamay in uu yahey ‘Halyeey mar walba soo daaha go’aamadiisa’
🚀 4. Mashruucyada Horumarka ku socdo
- Aas aasaha Ethereum Vitalik Buterin ayaa maanta la kulmay horumariyeyaasha (Developers-ka) Shiinaha si ay uga wada hadlaan mustaqbalka horumarka Block-chainta Ethereum
- Waxaa heshiis wada galay shirkada Webull iyo Coinbase kaasoo ku saabsan Iskaashi Kayd iyo Ganacsi, Coins-ka BTC iyo USDC.
- Qubetics ($TICS) Mashruucaan lagu tala galay in lagu adeegsado Web3 ayaa hadda ku jira marxalada pre-Sale oo wali suuqada lama kaynin.
- Mashruucyada ku salaysan We3 & AI ayaa sameynaayo horumaro wayn, taasoo ay daneynayaan Maalgashiyaasha.
🐋 5 Dhaq-dhaqaaqa Malgashiyaasha (whales)
- Whales ayaa maanta ku iibsaday hanti badan tokens-ka quseeyo Ai sida (ONDO), (RENDER),(FET) IYO (OP), taasoo muujineysa xiisaha sii kordhaya ee Alltcoins.
- Guddiga Maalgashiga Gobolka Wisconsin wuxuu iibiyay dhammaan $350 milyan ee uu ku lahaa ETF-ga Bitcoin.
📈 6. ETFs & hay’adaha saameeyo Suuqa
- Bitcoin ETFs: 11 ka mid ah ETFs Bitcoin ayaa soo galay in ka badan $5.6 bilyan tan iyo Abriil, iyadoo ay sabab u tahay maalgashadeyaasha raba inay ka faa’iideystaan kororka qiimaha BTC
- Mustaqbalka ETFs, waxaa la filayaa in ETFs-yada ku saleysan index-yada crypto ay noqdaankaraan kuwa soo jiita maalgashadeyaasha.
🔗 7. Tignoolajiyada Blockchain
- Mashruucyada ku dhisay tecnologiyada Block-chain ee soo baxay sanadkaan 2025 sida EOS (Vaulta), VeChain, iyo Mantra waxay hormuud u noqdeen blockchain 2025, iyagoo diiradda saaraya isku xirka DeFi iyo Cefi
🤖 8. AI & Web3
- Tokens-ka quseeyo AI sida Magic Labs’ Newton iyo Pixel AI waxay muujinayaan koror aad u badan, iyadoo ay sabab u tahay arintaan is-dhexgalka AI iyo DeFi.