Lacagaha cryptocureency ee soo baxay horaanta qarnigaan 21aad waxay noqdeen kuwa dar-dar xoogan ku socdo waxaana la filayaa mustaqbalka in ay meesha la saaraan lacagaha caadiga ee dowladuhu ka dambeeyaan (fiat-currency) waana lacago Global ah oo adduunka oo idil laga isticmaali mana jirto dowlad, banki, koox gaar ah oo maamusho waxaana ka dambeeyo technologiyad la yiraahdo Blockchain oo ah Distributed database laguna keediyo xogtooda waxaana ilaaliyo oo sugo amnigooda lacagahaan Nodes qayb ka ah shabakadaha.
Lacagtii ugu horeysay ee Bitcoin uu soo baxday jan-2009, waxay muddo yar aan gaareen 20 sanno ku dhaaftay qiimaheeda dhamaan lacagaha adduunka laga isticmaalo uguna xoogan waqtigaan Dollar, Euro, iyo Younka chinaha
Waxaana jiro noocyo badan oo lacago crypto-currency ah sida payment coins, utility coins, Stable coins, Memo coins, waxayna u qaybsamaan labo nooc Coin iyo Token.
Ma ugu diri kartaa Saaxiibkaa lacag Crypto hadiyad ahaan sida Eid-Mubarak 🎉
Jawaabtu waa Haa, sida lacagaha caadiga eh,
Waxaad ugu diri kartaa saaxiibkaa ama qoyskaaga “Eid Mubarak” hadiyad ahaan lacag cryptocurrency ah, hadii, Labadiinuba aad fahamsan isticmaalka crypto, qaabka ay u shaqeyaan, sida loo adeegsado wallet, waxa ay kala yihiin network iyo address.
Sida Lacag Crypto lagu diraa haddiyad ahaan sida Eid-mubarak?
- Dooro crypto aad rabto inaad dirto (BTC, ETH, USDT, USDC)
- Waydii wallet address qofka aad u dirayso, sida MetaMask, Trust Wallet. Ama hadii uu isticmaalayo Exchange.
- Geli amount-ka aad rabto inaad u dirto tusaale 0.00005btc ama 15 USDT.
- Xaqiiji lacagta oo dir, hadii aad adeegsanayso Exchange kali 2fa code.
- Fiiri inaad dirtay adigoo booqanaayo Expolerer-ka sida BTCscan, Ethscan ama Tronscan
ka mid noqo guulaystayaasha oo ka jawaab su’aashaan, adigoo addrees-kaaga ku soo diraayyo comment-ga
Goormaa la daah-furay Website-ka Gelle Crypto?
nasiib wacan
Eid Mubarak
ka baro halkaan coursada crypto


