">
Skip to content Skip to sidebar Skip to footer

Ku soo dhawaada wararkii ugu dambeeyay ee la xiriira crypto, blockchain, Defi, Cefi, NFT, AI iyo Si guud dhaqaalaha caalamka.

Halkan waxaad ka aqrisan doontaa dhacdooyinkii uu dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo crypto kuwaas oo isugu jira, waxyaabaha muhiimka waxaa ka mid ah isbadelka suuqa, xeerar cusub ay dawladuhu crypto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Crypto.

1. 📈 xaalada guud ee Suuqa

Qiimaha guud ee suuqa crypto waxuu marayaa maanta $3.34 Tirilyan, waxuuna kor u kacay 1.15%.

Fear and Greed Index: Toolka lagu cabiro kalsoonida maalgashiyaasha ay ku qabaan suuqa waxuu sheygayaa inuu yahey (55), Tani waxay tilmaamaysaa in uu jiro damac ama rabitaan iibsi waxuuna is badeli karaa daqiiqad kasta.

Bitcoin (BTC): Qiimaha lagu kala iibsanaayo ayaa kor u kac ay waxuuna gaaray $107,415, kor u kac ah 1.56% ayay sameysay maanta.

Ethereum (ETH): Qiimaha Ethereum waxa uu kor u kacay 0.77% 24-kii saac ee u dambeeyay waxa uuna hadda marayaa $2,530.8.

XRP: Waxaa hoos u dhacay qiimahiisa qiyaastii 0.73% Waxaana hada suuqyada lagu kala iibsanayaa qiimo ah $2.25.

Solana:- Qiimaha Coinka Sol ayaa maanta ku jira kor u kac ah 2.81% waxuuna marayaa qiimihiisa hadda $154.10.

  1. 🏛 Xeerarka Sharciyeed iyo Siyaasada Suuq

Wakiil Burchett ayaa soo jeediyay HR 3798 si loo aasaaso Kaydka Istiraatiijiyadeed ee Bitcoin ee Mareykanka.

Sharcigaan wuxuu dalbayaa in kaydinta hantida dhijitaalka ah lagu xoojiyo sharciga.

  1. 🔁 Exchange Inflow & Outflow

24-kii saac ee u dambeeyay waxaa Exchanges-ka soo galay Bitcoin dhan 11,759 BTC oo u dhiganta qiime ahaan $1.26 billion, waxaana ka baxay 11,543 BTC oo u dhiganta $1.23  billion, Tani waxay ka turjumaysaa in maanta dhaqdhaqaaq xooggan jiro isla markaana cad kala goosi buyers ah iyo sellers ah uu jiro.

  1. 🐋 Dhaq-dhaqaaqa Maalgashedeyaasha

MicroStrategy waxay iibsatay 1,045 $BTC oo dheeri ah, iyadoo qiimaha celcelis ahaan uu yahay $105,426 halkii Bitcoin.

Hal bilyan oo USDT ($1,000,799,999) ayaa si cusub loogu daabacay Kaydka Tether ee TRON.

Whale aan firfircooneyn muddo laba sano ah ayaa hadda ku daray 250 BTC.

Wallet cusub ayaa $5.5M USDC dhigtay HyperLiquid, waxuuna furay BTC long position(Buy) ah 20x leverage trade-kaasi wuxuu gaadhayaa qiimo ka badan $53.6M.

Shirkadda dharka ee ANAP Holdings oo ka diiwaangashan suuqyada saamiyada Tokyo ayaa go’aansatay inay dhammaan ¥11.5 bilyan oo ay ururisay u beddesho Bitcoin.

  1. 🚀 Mashruucyada Horumarineed ee Crypto ku socda

Qiimaha guud ee suuqa stablecoin-yada ayaa kor u dhaafay $250 bilyan.

BRIAN ARMSTRONG: “Bitcoin waa nooc lacageed ka fiican dahabka.”

  1. 📊 Maalgashiga ETF-yada iyo Hay’adaha Suuqa crypto.

Lacagaha soo gala ETF-yada Ethereum ayaa gaadhay 15 maalmood oo xiriir ah, taasoo ah tii labaad ee ugu dheerayd abid, iyadoo $837.4M lagu shubay tan iyo May 16-keedii.

7.🔗Teknooloojiyadda Blockchain

Dubai waxay gaadhey $399M oo ah iibka hantida ma-guurtada ah ee la token gareeyay bishii May, taasoo ka ah 17.4% dhammaan heshiisyada kala iibsi ee dhacay bishaas.

9. 🖼️NFTs-Non Fungible Tokens

Animoca Brands waxay la kaashatay Disney si ay u soo saaraan NFTs xaddidan oo ka tarjumaya jilayaasha caanka ah, kuwaasoo la bilaabi doono saddexda bilood ee dambe ee 2025.

Christie’s oo ah madal xaraashta NFTs-ka ayaa dhawaan u dhigi doontaa xaraash NFTs farshaxan ah oo qadiimi ah oo ka yimid ururinta Art Blocks.

OpenSea waxaa kor u kacay 20% isticmaalka maalinlaha ah, taas oo ka dhalatay xiisaha sii kordhaya ee NFTs-ka ciyaaraha.

Ku baro halkan crypto bilaw ilaa dhammaad luqaddaada hooyo

Leave a comment