Ku soo dhawaada wararkii ugu dambeeyay ee la xiriira crypto, blockchain, Defi, Cefi, NFT, AI iyo Si guud dhaqaalaha caalamka.
Halkan waxaad ka aqrisan doontaa dhacdooyinkii uu dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo crypto kuwaas oo isugu jira, waxyaabaha muhiimka waxaa ka mid ah isbadelka suuqa, xeerar cusub ay dawladuhu crypto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Crypto.
1. 📈 xaalada guud ee Suuqa
Qiimaha guud ee suuqa crypto waxuu marayaa maanta $3.37 Tirilyan, waxuuna hoos u dhacay 1.96%.
Fear and Greed Index: Toolka lagu cabiro kalsoonida maalgashiyaasha ay ku qabaan suuqa waxuu sheygayaa inuu yahey (61), Tani waxay tilmaamaysaa in uu jiro damac ama rabitaan iibsi waxuuna is badeli karaa daqiiqad kasta.
In ka badan $335 milyan ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $246.93M ay ka yimaadeen dad kor u galay suuqa (long positions).

Xigasho:- Coinglass
Bitcoin (BTC): Qiimaha lagu kala iibsanaayo ayaa hoos u dhac ay waxuuna gaaray $107,188, hoos u dhac ah 0.09% ayay sameysay maanta.
Ethereum (ETH): Qiimaha Ethereum waxa uu hoos u dhacay 0.82% 24-kii saac ee u dambeeyay waxa uuna hadda marayaa $2,742.8.
XRP: Waxaa hoos u dhacay qiimahiisa qiyaastii 3.55% Waxaana hada suuqyada lagu kala iibsanayaa qiimo ah $2.23.
Solana:- Qiimaha Coinka Sol ayaa maanta ku jira hoos u dhac ah 4.03% waxuuna marayaa qiimihiisa hadda $158.10.
- 🏛 Xeerarka Sharciyeed iyo Siyaasada Suuq
Sharciga Kaydka Istiraatiijiga ah ee Bitcoin ee Brazil ayaa ka gudbay guddigii ugu horreeyay, taasoo dalka u dhoweyneysa inuu BTC ka dhigo qayb ka mid ah kaydkiisa qaran.
Madaxweynaha Trump ayaa ku baaqay in Fed-ku hoos u dhigo dulsaarka hal dhibic oo buuxda.
Senator Lummis ayaa tidhi, “wada hadalku waa fursaddeenna aan ku saxeyno qodobbada la xidhiidha crypto ee si aan cadaalad ahayn laba jeer u canshuura Bitcoin iyo hantida dhijitaalka ah.”
Xoghayaha Maaliyadda Scott Bessent ayaa sheegay in stablecoins-ka lagu xidhiidhiyo dollarka ay gaari karaan suuq dhan $2 tiriliyan, isagoo ku tilmaamay inay tahay “tiro aad u macquul ah” oo xoojin karta doorka dollarka ee caalamka.
Sidoo kale waxa uu sheegay in xadka deynta ee Mareykanku qaadan karo la doonayo in la kordhiyo.
- 🔁 Exchange Inflow & Outflow
24-kii saac ee u dambeeyay waxaa Exchanges-ka soo galay Bitcoin dhan 5,793.3 BTC oo u dhiganta qiime ahaan $621 million, waxaana ka baxay 5,205.7 BTC oo u dhiganta $558.8 million, Tani waxay ka turjumaysaa in dhaqdhaqaaq aad u kala fog oo is-weydaarsi ah uusan jirin, xogtuna way is beddeli kartaa.
- 🐋 Dhaq-dhaqaaqa Maalgashedeyaasha
Shirkadda fadhigeedu yahay Jarmalka ee Evertz Pharma ayaa noqotay shirkaddii ugu horreysay ee Jarmal ah ee yeelata kayd istiraatiiji ah oo Bitcoin ah, iyadoo iibsatay 100 BTC oo qiimahoodu ku dhow yahay €10 milyan.
Shirkadda maalgashiga ee F Street ayaa qaadatay istiraatiijiyadda kaydka Bitcoin iyadoo leh yool ah in la ururiyo $10 milyan, waxayna bilawday inay si maalinle ah u iibsato BTC iyadoo ka faa’iidaysanaysa dakhliga ganacsiga iyo kaydka maaliyadeed.
Shirkadda ANAP Holdings ee Japan ayaa ku kordhisay kaydkeeda Bitcoin 50.56 BTC labadii maalmood ee la soo dhaafay, taasoo qeyb ka ah istiraatiijiyad maaliyadeed cusub oo ay ku hiigsanayaan gaadhitaanka in ka badan 1,000 BTC bisha August 2025.
- 🚀 Mashruucyada Horumarineed ee Crypto ku socda
Hay’adaha Centralised-ka ah ayaa hadda haysta in ka badan 30% tirada wareegeysa ee Bitcoin, iyadoo haynta hay’adaha maaliyadeed ay korodhay 924% tan iyo 2015-kii, sida lagu sheegay warbixinta ugu dambeysay ee Gemini.
Agaasimaha guud ee Bank of America ayaa sheegay in bangigu uu horumarinayo stablecoin si madax-bannaan iyo sidoo kale mid lala kaashado shirkadaha kale.
BlackRock ayaa hiigsaneysa in ay gaarto in ka badan $50 bilyan oo ah hanti crypto ah oo ay maamusho marka la gaadho 2030-ka, iyagoo doonaya in ay noqdaan maamulayaasha hantida crypto ee ugu weyn caalamka.
- 📊 Maalgashiga ETF-yada iyo Hay’adaha Suuqa crypto.
Qiyaastii 1,490 BTC iyo 85,340 ETH ayaa la iibsaday June 11-keedii.
ETF-yada BTC waxay heleen $164.6M oo dakhli soo galay ah.
ETF-yada ETH waxay heleen $240.3M oo dakhli soo galay ah.
BlackRock spot ETF ayaa iibsaday 58,100 ETH oo qiimahoodu yahay $163.6M June 11.
- 🤖 Intelligence-AI
Disney iyo Universal ayaa dacwad ku oogay shirkadda AI-ga Midjourney oo ay ku eedeeyeen ku xadgudub xuquuqeed, iyaga oo ku tilmaamay “god aan dhammaad lahayn oo xadgudub ah” sababtoo ah waxay si ula kac ah u isticmaaleen jilayaasha labada shirkadood si ay u tababaraan mishiinkooda sawir-abuureed.
Ku baro halkan crypto bilaw ilaa dhammaad luqaddaada hooyo
1 Comment
Hassan abdi
Lacagta lagu qasaaray waa dadka sameeyay trading ka soomaahan.