Ku soo dhawaada wararkii ugu dambeeyay ee la xiriira crypto, blockchain, Defi, Cefi, NFT, Ai, Web 3.0, iyo Si guud dhaqaalaha caalamka.
Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walibo dhacdooyinkii uu dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo crypto kuwaas oo isugu jira, waxyaabaha muhiimka waxaa ka mid ah isbadelka suuqa, xeerar cusub ay dawladuhu crypto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Crypto waxyaabaha ku soo kordha technologiyada Bloickchain
📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa
- Qiimaha Guud ee Suuqa (Market Cap): Wuxuu marayaa maanta ku dhowaad $3.27 trillion waxuuna sare u kacay 0.26% halka (Volume) hantida guud ee suuqa la isku dhaafsaday 24 saac u dambaysay ay gaarayso 104.9 Billion.
- Awooda suuqa Dominance waxaa haysto maanta Ccoinka Bitcoin awood dhan 63.8% halka Altcoins ay haystaan awood dhan 37.2%
- Altcoin season Index waxuu sheegayaa in uu yahey 27% taasoo ka dhigan in damaca altcoins laga filaayo ay aad ugu dhac santahay heerkii ugu yaraa abid.
- Fear and Greed index halbeega lagu cabiro dareenka maalgashiyaasha waxuu sheegayaa 52% taas oo ka dhigan inuu yahey mid dhexe kalsoonida maalgashiyaasha ay tahay (Neutral).
- Qiimahiisu wuxuu haatan marayaa $105,03.93, waxuu sameeye sareu kac dhan 0.17%
- Qiimaha ETH waxuu kor u kacay $2,587 waxuuna hoos u dhacay 0.13%
🔁 2. Exchange Inflow & Outflow
📥 Inflow – Hantida Suuqa Soo Gashay
- BTC Inflow sida laga soo xigtay CryptoQuant waxay sheegtay in 30,784 BTC qiimo dhan $3.3 bilyan lagu shubay accumulation wallets (100–1,000 BTC) ilaa June 11-da
- CEX Spot Inflows 24h saac u dambeysay, sida aan ka soo xiganayCoinGlass waxay muujisay in coinka BNB soo gashay lacag dhan $11.23M, coinka ETH waxaa soo gashay $10.48M taasoo qiimahooda sare u qaaday.

xigasho: cryptoQuant
📤 Outflow – Hantida Suuqa Laga Saaray
- BTC Outflow waxay muujinaysaa, sida aan ka soo xiganay CryptoQuant in Binance laga saaray qadar badan oo BTC tan iyo June 6, taasoo muujinaysa wareejin weyn oo lagu shubaayo wallets
- BTC Exchange Supply Decline waxaa hoos u dhacayxadiga xadiiga Bitcoin laga heli karo suuqyada sida aan ka soo xiganay Cointelegraph iyo Glassnode waxay caddeeyeen in BTC supply on exchanges hoos ugu dhacay ilaa 11%, heerkii ugu hooseeyay tan 2018.

Xigasho: Coinglass
🏛️ 3. Xeerarka & Shuruucda suuqa
- weerarka Israel ay ku qaaday Iran, ay doonaysi in ay ku beegsato tamarta nukliyeerka, ayaa horseeday hoos u dhac ku yimid suuqyada gaar ahaan crypto—BTC waxay hoos u dhacay ilaa $103,000–$105,000, halka ETH uu hoos u dhacay 7–8%, XRP waxay hoos u dhacday 6%, coinka Solana 9%
- Guud ahaan market cap-ka crypto waxuu hoos u dhacay ilaa $3.22 T taasoo muujineysa in maalgeliyeyaasha ay ku dhacdo panic sell.
- Gemini, OKX iyo Crypto.com ayaa helaya ruqsado MiCA oo looga shaqeyn karo dhammaan 27 waddan ee EU, kadib ogolaansho laga helay Malta
- Sharciga CLARITY Act ayaa wali ku jira Congress, iyadoo laga walaacsan yahay in ay abuuri karto diidmo, balse guddiyadda Aqalka Wakiilada ay ku samaynayaan dib-u-eegis adag .
- FIT21 Act – sharcigaan waxuu qeexaya doorka CFTC iyo SEC ay ku leeyihiin suuqyada Digital-ka.
- Hay’ada SEC-ga Mareykanka waxay ansixiyay codsiga Trump Media ee ah in la diiwaan geliyo ilaa $12B BTC reserve ah
🐋 4. Maalgashiga ‘Whales’ ay saameeyo suuqa
- Xog cusub oo la helay ayaa muujinaya in whales-ka haysta in ka badan 1,000 BTC ay bilaabeen inay yareeyaan kaydkooda, taasoo calaamad u ah wareejin istiraatiji oo la sameynaayo.
- Maalgashadayaasha waaweyn waxay bilaabeen aruurinta altcoins ah sida CAKE, DOGE, OP, taasoo muujineysa diyaargarow loogu jiro koror qiime ah oo la saadaalinayo bishaan Juun
- Whale weyn ayaa iibsaday $435M coinka ETH muddo labo todobaad ah, taasoo muujineysa sare u kaca qiimaha coinka ETH.
🚀 5. Mashaariicda Cusub suuqa ICOs & Presale
- Token XYZVerse (XYZ) oo ku jiro marxalada presale ayaa kor u kacay qiimihiisa 3,333%, iyadoo la filaayo in laga sameeyo 1,000x arintaan waxay muujinaysaa xiisaha loo qabo tokens cusub ee suuqa.
- Mushruucyada cusub sida Nexgent AI, STON.fi, AgriFarm, iyo Stoopid Cats waxay bilaabeen inay qaybiyaan tokens airdrop free ah, dadka sameyay Staking.
Xigasho: coingabbar.com
📊 6. ETFs & Maalgashiga Hay’adaha saamaynta ku leh suuqa
- Waxaa jira ugu yaraan 31 ETF-yo altcoin ah oo SEC-ga loo gudbiyey sanadka 2025-ta, waxaa la rajeynayaa hadii la ansixiyo in altcoin summer uu bilaawan doono.
- Fidelity Investments waxay iibsatey 238.62 BTC oo qiimaheedu gaarayo $25.2 Million USD
🔗 7. Teknolojiyadda Blockchain
- Xog ururin ayaa laga helay suuqyada Solana NFT, iyadoo barnaamijyo loo adeegsaday falanqaynta dhaq-dhaqaaqa suuqyada, taasoo kor u qaadaysa fahamka maalgelinta NFT ee sisma blockchain.
🤖 🌐 8. Ai & Web 3.0
- Mashruuca Nexgent AI wuxuu hormuud u yahay adeegsiga AI agents oo si firfircoon ula socda dhaqdhaqaaqa whales on-chain, isagoo bixiya falanqayn waqtiga-dhabta ah
- Haweenka Web3 & AI
Mashruuc cusub oo la yiraahdo World of Women (WoW) ayaa sare u qaaday platformada ku dhisan Web3.0.
🖼️ 9. NFTs & DeFi
- Suuqyada NFTs-na ay kor u kaceen 40%, iyada oo AI & Web3 ay saamayn ku leedahay arintaan.
- Yuga Labs waxay soo bandhigtay ApeCoin DAO taasoo calaamad u ah isbeddel qorshe-dhismeed ah oo ku wajahan NFTs
- Warbixin cusub ayaa muujinaysa in TOTAL DeFi TVL uu gaaray qiimo dhan $200B,
halkaan ka baro Coursada Crypto