Ku soo dhawaada wararkii ugu dambeeyay ee la xiriira crypto, blockchain, Defi, Cefi, NFT, AI iyo Si guud dhaqaalaha caalamka.
Halkan waxaad ka aqrisan doontaa dhacdooyinkii uu dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo crypto kuwaas oo isugu jira, waxyaabaha muhiimka waxaa ka mid ah isbadelka suuqa, xeerar cusub ay dawladuhu crypto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Crypto.
1. 📈 xaalada guud ee Suuqa
Qiimaha guud ee suuqa crypto waxuu marayaa maanta $3.29 Tirilyan, waxuuna hoos u dhacay 1.21%.
Fear and Greed Index: Toolka lagu cabiro kalsoonida maalgashiyaasha ay ku qabaan suuqa waxuu sheygayaa inuu yahey (53), Tani waxay tilmaamaysaa in uu jiro damac ama rabitaan iibsi oo yar sababaha hoos u dhaca suuqa awgii, waxuuna is badeli karaa daqiiqad kasta.
In ka badan $362 million ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $235 million ay ka yimaadeen dad kor u galay suuqa (long positions).

Xigasho:- Coinglass
Bitcoin (BTC): Qiimaha lagu kala iibsanaayo ayaa hoos u dhac ay waxuuna gaaray $105,750, hoos u dhac ah 0.94% ayay sameysay maanta.
Ethereum (ETH): Qiimaha Ethereum waxa uu hoos u dhacay 2.33% 24-kii saac ee u dambeeyay waxa uuna hadda marayaa $2,550.8.
XRP: Waxaa hoos u dhacay qiimahiisa qiyaastii 0.45% Waxaana hada suuqyada lagu kala iibsanayaa qiimo ah $2.20.
Solana:- Qiimaha Coinka Sol ayaa maanta ku jira hoos u dhac ah 3.01% waxuuna marayaa qiimihiisa hadda $150.03.
- 🏛 Xeerarka Sharciyeed iyo Siyaasada Suuq
Guddoomiyaha Texas, Abbott ayaa haysta illaa Axadda si uu u saxiixo ama u diido Sharciga Kaydka Bitcoin ee SB 21. Haddii uusan wax tallaabo ah qaadin marka waqtigu dhamaado, sharcigu si toos ah ayuu u noqonayaa sharci sida uu dhigayo Dastuurka Texas.
Senate-ka ayaa qaban doona codbixinta ugu dambeysa ee ansixinta Stablecoin-ka GENIUS berri 4:30 galabnimo, taasoo noqonaysa codbixintii ugu dambeysay kahor inta aan sharcigu u gudbin Aqalka Wakiilada.
El Salvador ayaa iibsaday 240 BTC tan iyo heshiiska IMF ee mamnuucayay ururinta El Salvador ee Bitcoin.
- 🔁 Exchange Inflow & Outflow
24-kii saac ee u dambeeyay waxaa Exchanges-yada soo galay Bitcoin dhan 7,757.43 BTC oo u dhiganta qiime ahaan $820 million, waxaana ka baxay 8,182 BTC oo u dhiganta $864 million, Tani waxay ka turjumaysaa in dhaqdhaqaaq aad u weyn jiro oo suuqa Bitcoin-ta ka baxaysa ay ka badan tahay ta soo galaysa maadaama dhinaca kaydadka kala duwan lagu daabulayo Bitcoin-ta suuqa oo xun dartii..
- 🐋 Dhaq-dhaqaaqa Maalgashedeyaasha
Shirkadda Strategy ayaa iibsatay $1B oo Bitcoin ah, taasoo ka dhigtay hantideeda ilaa 592,100 BTC, iyadoo saamiga cusub ee BTC-backed ah ee STRD lagu darayo Nasdaq.
Qof ka mid ahaa ka-qaybgalayaashii hore ee ICO-ga Ethereum ayaa iibiyay 2,000 ETH oo uu ku helay $5.13M kadib ku dhowaad toban sano oo uu suuqa ka maqnaa.
Wuxuu ku iibsaday 2,000 ETH $620 oo keliya, isagoo helay faa’iido 8,270 jeer ah muddo 10 sano gudahood.
Whale-ka Ethereum ayaa urursaday $2.5B oo ah ETH Axaddii, taasoo ahayd qulqulkii maalinlaha ahaa ee ugu weynaa tan iyo 2018-kii iyadoo qiimuhu uu ku jiro is-daba-wareeg dhowr bilood ah oo la mid ah tii 2017-ka.
Shirkadda Genius Group ayaa iibsatay 34 BTC, taasoo kordhisay kaydkeeda Bitcoin 52%, waxaana hadda ay haystaan 100 BTC. Shirkaddu waxay weli ku dheggan tahay yoolkeeda ah inay ururiso 1,000 BTC.
Shirkadda daryeelka caafimaadka ee Swedish-ka ah H100 Group ayaa heshay 144.8 BTC oo qayb ka ah deyn ay ku beddeli kartaan saamiyo. Shirkaddu waxay ku haysataa 169.2 BTC.
- 🚀 Mashruucyada Horumarineed ee Crypto ku socda
Coinshares ayaa gudbisay foomka S-1 ee ETF-ka SOL ay ku dalbayaan.
Bank of America ayaa ku tilmaamay Bitcoin mid ka mid ah hal-abuurkii ugu weynaa 1,000-kii sano ee la soo dhaafay, isaga oo barbar dhigay saameynteeda tan internet-ka iyo baabuurta korontada ku shaqeySa.
SEC iyo Ripple ayaa si wadajir ah u gudbiyay warbixin xaalada dacwadda ah maxkamadda rafcaanka ee Second Circuit, iyagoo codsanaya in la hakiyo rafcaannada inta la sugayo go’aanka maxkamadda degmada ee ku saabsan mooshinka jawaab bixintiisa.
- 📊 Maalgashiga ETF-yada iyo Hay’adaha Suuqa crypto.
Qiyaastii $408.6M oo ah BTC iyo $21.4M oo ah ETH ayaa la iibsaday June 16-keedii.
Spot ETF-yada BlackRock waxay iibsadeen 2,530 BTC iyo 6,320 ETH June 16-keedii.
- 🤖 Intelligence-AI
Warar ayaa sheegaya in OpenAI ay ka fiirsaneyso dacwado lid ku ah Microsoft iyadoo xiisaduhu ay sii kordhayaan ee iskaashigooda AI-ga.
Ku baro halkan crypto bilaw ilaa dhammaad luqaddaada hooyo