Ku soo dhawaada wararkii ugu dambeeyay ee la xiriira crypto, blockchain, Defi, Cefi, NFT, AI iyo Si guud dhaqaalaha caalamka.
Halkan waxaad ka aqrisan doontaa dhacdooyinkii uu dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo crypto kuwaas oo isugu jira, waxyaabaha muhiimka waxaa ka mid ah isbadelka suuqa, xeerar cusub ay dawladuhu crypto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Crypto.
1. 📈 xaalada guud ee Suuqa
Qiimaha guud ee suuqa crypto waxuu marayaa maanta $3.25 Tirilyan, waxuuna hoos u dhacay 1.32%.
Fear and Greed Index: Toolka lagu cabiro kalsoonida maalgashiyaasha ay ku qabaan suuqa waxuu sheygayaa inuu yahey (48), Tani waxay tilmaamaysaa inay jiro cabsi laga qabo suuqyada crypto sababaha dagaallada socda oo suuqa jaahwareer ku riday awgeed, waana markii ugu horreysay ee uu u soo dego aaggan tan iyo bishii 4aad ee sannadkan.
In ka badan $336.12 million ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $273.8 million ay ka yimaadeen dad kor u galay suuqa (long positions).

Xigasho:- Coinglass
Bitcoin (BTC): Qiimaha lagu kala iibsanaayo ayaa hoos u dhac ay waxuuna gaaray $104,720, hoos u dhac ah 0.95% ayay sameysay maanta.
Ethereum (ETH): Qiimaha Ethereum waxa uu hoos u dhacay 1.83% 24-kii saac ee u dambeeyay waxa uuna hadda marayaa $2,504.8.
XRP: Waxaa hoos u dhacay qiimahiisa qiyaastii 2.98% Waxaana hada suuqyada lagu kala iibsanayaa qiimo ah $2.13.
Solana:- Qiimaha Coinka Sol ayaa maanta ku jira hoos u dhac ah 3.34% waxuuna marayaa qiimihiisa hadda $145.95.
- 🏛 Xeerarka Sharciyeed iyo Siyaasada Suuq
Dhammaan waxaa isha lagu hayaa qaraarka Fed-ka ee ku saabsan xadka ribada (Interest rate), kaas oo suuqyada wax weyn inuu ka beddelo la rajaynayo.
Kooxda SEC ee u xilsaaran arrimaha crypto-ga ayaa la kulantay JPMorgan si ay uga wada hadlaan xeerarka crypto-ga iyo saamaynta suurtagalka ah ee suuqyada maaliyadeed marka ay u guuraan nidaamka blockchain-ka.
Sababaha dagaalka jira awgeed waxaa kor u kacay qiimaha shidaalka guud ahaan caalamka taas oo warshadaha sifeeya shidaalka ee ruushka ay ka heleen faa’iido badan.
Sharciga ‘Bitcoin Rights’ ee gobolka Ohio HB 116 ayaa si aqlabiyad ah ugu ansaxay guddiga Tiknolojiyadda iyo Hal-abuurka ee Golaha Wakiillada iyadoo codka uu noqday 13–0.
Sharcigan wuxuu damaanad qaadaa xaqa aad ku haysan karto crypto adiga oo amnigaaga masuul ka ah (self-custody), wuxuu ilaalinayaa hawlaha mining-ka iyo shaqada nodes-ka, wuxuuna sameynayaa helitaanka lacag ah $200 oo ku saabsan faa’iidooyinka laga helo wax kala iibsiga hantida dhijitaalka ah.
Sharciga GENIUS ayaa ku ansaxay Aqalka Senate-ka cod ah 51–23.
Xoghayaha Khasnadda Mareykanka Bessent ayaa sheegay in stablecoins-ka crypto-ga ay yareyn karaan kharashaadka deyn-qaadashada dowladda isla markaana ay hoos u dhigi karaan deymaha qaranka.
- 🔁 Exchange Inflow & Outflow
24-kii saac ee u dambeeyay waxaa Exchanges-yada soo galay Bitcoin dhan 7,614..5 BTC oo u dhiganta qiime ahaan $798 million, waxaana ka baxay 9184 BTC oo u dhiganta $962.4 million, Tani waxay ka turjumaysaa in dhaqdhaqaaq aad u weyn jiro oo suuqa Bitcoin-ta ka baxaysa ay ka badan tahay ta soo galaysa maadaama dhinaca kaydadka kala duwan lagu daabulayo Bitcoin-ta suuqa oo xun dartii.
- 🐋 Dhaq-dhaqaaqa Maalgashedeyaasha
1,000,000,000 USDT ayay Circle ku daabacday Tether-ka Ethereum.
Shirkaddii ugu horreysay ee Yurub ee haysata keyd Bitcoin, The Blockchain Group, ayaa iibsatay 182 Bitcoin (€17M), taasoo wadarta guud ee ay hayso ka dhigeysa 1,653 BTC (€150M).
Shirkadda K33 ee Norway ayaa bilaawday soo saarista saamiyo cusub si ay u ururiso SEK 85 milyan, oo loogu talagalay iibsashada illaa 1,000 BTC.
Wallet cusub oo la sameeyay ayaa kala baxday 3,201 ETH oo qiimahoodu yahay $8.1M Binance.
Shirkadda Ark Invest ee Cathie Wood ay leedahay ayaa iibisay saamiyo kale oo shirkadda Circle ah oo qiimahoodu yahay $44.8M, kadib markii ay horay isaga iibisay $51.7M.
- 🚀 Mashruucyada Horumarineed ee Crypto ku socda
ETF-kii ugu horreeyay ee Spot XRP ah ayaa lagu soo daray Is-weydaarsiga Saamiyada Toronto.
Madaxa Crypto iyo AI David Sacks ayaa sheegay in sharciga GENIUS uu keenayo “cad-caddaan sharciyeed, xoojiyo ilaalinta macaamiisha, isla markaana ballaadhiyo awoodda dollarka Mareykanka ee internetka.”
ETF-ka Solana ee Van Eck ayaa hadda laga diiwaangeliyay madal DTCC iyadoo calaamaddiisu tahay VSOL.
Coinbase ayaa raadinaysa oggolaansho SEC si ay u bixiso saamiyo ku saleysan blockchain.
Shirkadaha waaweyn ee Shiinaha ee macdanta Bitcoin-ka sida Bitmain, Canaan, iyo MicroBT ayaa bilaabaya wax-soo-saar gudaha Mareykanka si ay uga fogaadaan canshuuraha.
- 📊 Maalgashiga ETF-yada iyo Hay’adaha Suuqa crypto.
Qiyaastii $216.5M oo BTC ah iyo $11.1M oo ETH ah ayaa la iibsaday June 17.
ETF-ka Bitcoin ee BlackRock ayaa iibsaday 5,990 BTC June 17, xilli dadka kale intooda badan iibinayaan.
- 🔗Teknooloojiyadda Blockchain
Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Shiinaha ayaa sheegay in blockchain-ku dedejiyo horumarka stablecoins-ka iyo isbeddelka dirtaanka lacagaha xuduudaha ka gudba, isagoo dib-u-qaabeynaya nidaam dhaqameedyadii muddada qaadan jiray isagoo keena xallin degdeg ah, balse sidoo kale keenaya caqabado cusub oo xagga xeerarka ah.
Ku baro halkan crypto bilaw ilaa dhammaad luqaddaada hooyo