">
Skip to content Skip to sidebar Skip to footer

Ku soo dhawaada wararkii ugu dambeeyay ee la xiriira crypto, blockchain, Defi, Cefi, NFT, AI iyo Si guud dhaqaalaha caalamka.

Halkan waxaad ka aqrisan doontaa dhacdooyinkii uu dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo crypto kuwaas oo isugu jira, waxyaabaha muhiimka waxaa ka mid ah isbadelka suuqa, xeerar cusub ay dawladuhu crypto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Crypto.

1. 📈 xaalada guud ee Suuqa

Qiimaha guud ee suuqa crypto waxuu marayaa maanta $3.28 Tirilyan, waxuuna kor u kacay 1.29%.

Fear and Greed Index: Toolka lagu cabiro kalsoonida maalgashiyaasha ay ku qabaan suuqa waxuu sheygayaa inuu yahey (48), Tani waxay tilmaamaysaa inay jiro cabsi laga qabo suuqyada crypto inkasta oo ay dhacday xabbad-joojin dagaalka gumaystaha israa’iil iyo Iran ka dhex dhacay ah..

In ka badan $168.96million ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $101.40million ay ka yimaadeen dad hoos u galay suuqa (short positions).

Xigasho:- Coinglass

Bitcoin (BTC): Qiimaha lagu kala iibsanaayo ayaa kor u kacay waxuuna gaaray $107,064, kor u kac ah 1.61% ayay sameysay maanta.

Ethereum (ETH): Qiimaha Ethereum waxa uu kor u kacay 0.24% 24-kii saac ee u dambeeyay waxa uuna hadda marayaa $2,422.95.

XRP: Waxaa kor u kacay qiimahiisa qiyaastii 0.45% Waxaana hada suuqyada lagu kala iibsanayaa qiimo ah $2.19.

Solana:- Qiimaha Coinka Sol ayaa maanta ku jira kor u kac ah 1.24% waxuuna marayaa qiimihiisa hadda $145.93.

  1. 🏛 Xeerarka Sharciyeed iyo Siyaasada Suuqa

POWELL ayaa yidhi “Bangiyadu waa u xor inay bixiyaan adeegyo bangiyeed oo ay siiyaan adeegsadayaasha crypto, sidoo kalena waa u xor inay qabtaan hawlaha la xidhiidha crypto.

Guddoomiyaha Federal Reserve, Powell, ayaa sheegay in awoodda dhaqaale ee xoogan ay suuragal ka dhigeyso “in wax yar la hakiyo hoos u dhigga xadka ribada“.

Siddeed ka mid ah bangiyada waaweyn ee Kuuriyada Koonfureed oo ay weheliyaan Open Blockchain, Ururka DID, iyo Machadka Xallinta hawlaha maaliyadeed ayaa sameeyay iskaashi wadajir ah si ay u daahfuraan stablecoin ku saleysan lacagta won-ka ee Kuuriyada koonfureed.

Sharciga kaydka Bitcoin ee Arizona (HB 2324) ayaa ka gudbay codbixintii Golaha Wakiillada, wuxuuna hadda u gudbayaa miiska Guddoomiyaha Hobbs si loo saxiixo.

Sharcigani wuxuu u oggolaanayaa gobolka inuu sameeyo kayd hantiyadeed dhijitaal ah oo laga dhisayo hantida dhijitaalka ah ee laga qaaday dambiilayaasha la wareegay.

Bessent wuxuu sheegay in Mareykanku uusan marnaba bixin doonin deynta qaranka.

Turkiga wuxuu ku dhawaaqay in madalaha sarifka lacagaha dhijitaalka ah laga rabo inay xaqiijiyaan asalka iyo ujeeddada lacagaha la wareejinayo, waxayna sidoo kale soo rogeen dib-u-dhac in lagu sameeyo lacag bixinta. Intaa waxaa dheer, waxaa la xaddiday isticmaalka stablecoin-ka iyadoo la sheegay in la oggol yahay wax ka yar $3,000 maalintii iyo $50,000 bishii.

  1. 🔁 Exchange Inflow & Outflow

24-kii saac ee u dambeeyay waxaa Exchanges-yada soo galay Bitcoin dhan 10254.3 BTC oo u dhiganta qiime ahaan $1.09 billion, waxaana ka baxay 7867.11 BTC oo u dhiganta $842.9 million, Tani waxay ka turjumaysaa in dhaqdhaqaaq aad u weyn inuu jiro oo suuqa maalgashi ku soo qulqulayo maadaama dagaalkiina joogsaday suuquna uu sameeyay soo kabasho fiican.

  1. 🐋 Dhaq-dhaqaaqa Maalgashedeyaasha

Circle ayaa ku daabacday $250 milyan oo ah USDC shabakadda Solana.

Shirkadda ka shaqeysa macdanta badda hoosteeda ee Norway, Green Minerals, ayaa qaadatay istaraatijiyad kayd dhaqaale oo ku saleysan Bitcoin, iyadoo bartilmaameedsaneysa inay ururiso $1.2 bilyan si ay ugu iibsato BTC.

Metaplanet waxay ururisay $517 milyan si ay ugu iibsato BTC dheeraad ah oo loogu talagalay hawlaheeda kaydka Bitcoin.

Shirkadda SharpLink Gaming ayaa iibsatay 12,207 ETH (qiyaastii $30.6 milyan), iyadoo taas ay sare u qaaday kaydka shirkadda oo hadda gaadhay 188,478 ETH.

  1. 🚀 Mashruucyada Horumarineed ee Crypto ku socda

Shirkadda Truth Social ee Madaxweyne Trump ayaa u gudbisay codsi Suuqa Hantida ee New York (NYSE) si ay ugu diiwaan geliso ETF cusub oo ku saleysan Bitcoin iyo Ethereum.

CZ ayaa yidhi “Haddii aad crypto iska iibisay marka suuqu hoos u dhacay, waa inaad iska joojisaa raacidda maskaxaha tabarta daran, oo aad raacdaa dadka saxda ah.

Bangiga Barclays wuxuu ka mamnuucay macaamiishiisa inay u isticmalaan kaararkooda deynta (credit cards) wax ku iibsiga ama wax ku kala iibsiga dhammaan lacagaha dhijitaalka ah laga bilaabo 27-ka June.

Shirkadda Morgan Stanley waxay filaysaa in Federal Reserve uu sameeyo 7 hoos u dhig oo dulsaarka ah sanadka 2026-ka, kuwaas oo bilaaban doona bisha March, taasoo keeni doonta in heerka ugu dambeeya ee dulsaarka uu hoos ugu dhaco inta u dhaxaysa 2.5% ilaa 2.75%.

  1. 📊 Maalgashiga ETF-yada iyo Hay’adaha Suuqa crypto.

Qiyaastii $588.6 milyan oo ah BTC iyo $71.3 milyan oo ah ETH ayaa la iibsaday June 24-keedii.

Spot ETF-ka Ethereum ee BlackRock ayaa iibsaday 40,660 ETH oo qiimahoodu yahay $98 milyan June 24, halka kuwa kale ay iibinayeen.

  1. 🔗Teknooloojiyadda Blockchain

Digital Asset waxay heshay maalgelin gaadhaysa $135 milyan si ay u ballaariso shabakaddeeda Canton, oo ah blockchain diiradda saaraya amniga looguna talagalay hay’adaha maaliyadeed.

Ku baro halkan crypto bilaw ilaa dhammaad luqaddaada hooyo

Leave a comment