">
Skip to content Skip to sidebar Skip to footer

Ku soo dhawaada wararkii ugu dambeeyay ee la xiriira crypto, blockchainDefiCefiNFT, Ai, Web 3.0, iyo Si guud dhaqaalaha caalamka.

Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walibo dhacdooyinkii uu dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo crypto kuwaas oo isugu jira, waxyaabaha muhiimka waxaa ka mid ah isbadelka suuqa, xeerar cusub ay dawladuhu crypto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Crypto waxyaabaha ku soo kordha technologiyada Bloickchain

📈 1. Xaalada guud ee Suuqa  

  • Qiimaha Guud ee Suuqa (Market Cap): Wuxuu marayaa maanta ku dhowaad $3.29 trillion waxuu sare u kacay 0.53% halka (Volume) hantida guud ee suuqa la isku dhaafsaday 24 saac u dambaysay ay gaarayso $84.22 Billion.
  • Awooda suuqa Dominance waxaa haysto maanta coinka Bitcoin awood dhan 64.9% halka Altcoins ay haystaan awood dhan 34.1%
  • Altcoin season Index waxuu sheegayaa in uu yahey 20% taasoo ka dhigan in damaca altcoins laga filaayo ay aad u dhacsanatay.
  • Fear and Greed index halbeega lagu cabiro dareenka maalgashiyaasha waxuu sheegayaain suuqa 49% yahay taasoo ku tusinaysa mid dhexe, kalsoonida maalgashiyaasha uu yahay (Neutral).

Xigasho: CoinMarketcap

  • Bitcoin: Qiimihiisa wuxuu hadda maraya $107,323, iyadoo uu sare kor u kacay 0.28%
  • Ethereum Qiimaha ETH waxuu hadda joogaa $2,427.79, waxuuna hoos u dhacay 0.74% maalintii hore.
  • Ripple: Qiimaha XRP waxuu marayaa $2.19, iyadoo uu kor u kacay 4.79% 24 saac u dambeysay
  • Solana: Qiimaha SOL waxuu hadda suuqyada ka joogaa $147.41, iyadoo uu sare u kacay 3.82%
  • Dogecoin: Qiimaha DOGE wuxuu hadda joogaa $0.1625, iyadoo uu kor u kacay 1.16%
  • TonCoin: Qiimaha TON waxaa lagu kala iibsanayaa suuqyada $2.83, waxuuna hoos u dhacay 0.87%

2️. 🏛️ Shuruucda & Siyaasada Suuqa

  • Aqalka Senate-ka Mareykanka ayaa ansixiyay sharciga GENIUS Act, kaasoo dejinaya nidaamka shati-siinta ee shirkadaha stablecoin-ka, hadda waxaa sugaya sharcigaan Aqalka Wakiilada.
  • Suuqa Bitvavo waxuu ka helay shatiga MiCA ay bixiso EU, taasoo muujinaysa horumarinta sharciyeynta cryptocurrency-ga ee Qaarada Yurub.
  • Hay’adda caalamiga ah ee FATF la dagaallanto lacagaha madow ayaa ka digtay isticmaalka khaldan ee stablecoins, iyadoo ugu baaqday dowladaha u dajiyaan shuruuc adag.
  • Dowlada Morocco ayaa qorsheyneysa inay sharciyeeyso cryptocurrency-ga 2025, iyadoo la soo bandhigi doono canshuuraha faa’iidada ee 15-30%, taasoo muujinaysa isbeddelka siyaasadeed lavagaha Crypto
  • Madaxweynaha maraykan Trump ayaa weeraray Guddoomiyaha Ha’ada Fed, Jerome Powell, waxuuuna ku sheegay: “in Powell uu qiyaanai doono dalka sanado badan oo soo socda!”

3️. 📊 ETF-yada & Maalgashiga Hay’adaha saameeyo suuqa

  • S&P Global ayaa sheegtay in ETF-yada Bitcoin ay kordheen taasoo soo jiidatay xiisaha hay’adaha u qabaan maalgashiga suuqa Crypto
  • ETF-yada Ethereum ee Mareykanka ayaa soo gashay $77.5 milyan maalgelin ah maanta.
  • Shirkadda Fidelity waxay iibsatay 1,540 Bitcoin oo qiimahoodu gaaraayo $165 milyan!
  • Shirkadaha saameeyo suuqa sida BlackRock iyo Fidelity ayaa bilaabay inay maalgashadaan ETF-yada cryptocurrency-ga gaar ahaan BTC iyo ETH ETFS, taasoo muujinaysa isbeddel weyn oo ku saabsan maalgashiga hay’adaha ee suuqa.

4️. 🐋 Maalgashiga Whales saamaynta ku leh suuqa

  • Whales ayaa bilaabay iibsiga Coinka XRP, waxaana la iibsaday in ka badan 1milyan XRP
  • Whale ayaa iibsaday $64 milyan oo coinka Bitcoin ah, taasoo tilmaamaysa dareenka bullish ee suuqa.
  • Dhaqdhaqaaqa whales ayaa sababay in isticmaalka Uniswap uu kordho 20%, taasoo muujinaysa xiisaha suuqyada Dex.

5️. 🚀 Mashaariicda Horumarinta ku socdo ee suuqa

  • Mashruuc Qubetics oo leh blockchain u gaar ah ayaa qorsheynaya inuu bilaabo iibka dadweynaha 30-ka Juun, isagoo xooga saaraya isticmaalka tiknoolajiyada blockchain.
  • Presale-ka Vaultro Finance ee lagu dhisay XRP Ledger ayaa galay 24-kii saacadood ee ugu dambeeyay, iyadoo 85% tokens-ka la iibiyay, taasoo muujinaysa xiisaha sare ee maalgashadayaasha.
  • Sui blockchain ayaa kor u kacday $2.1 bilyan TVL, iyadoo ay kordheen hawlaha DeFi ee loo adeegsado iyo iskaashiga shirkadaha, taasoo muujinaysa horumarka mashruucaan.

6️. 🔗 Tiknoolajiyada Blockchain

  • SEC ayaa sheegtay in staking aan loo tixgelin karinsecurity“, taasoo caddeynaysa sharciyeynta hawlaha staking.
  • Aqalka Congress-ka Mareykanka ayaa ansixiyay sharciga Deploying American Blockchain, kaasoo dhiirrigelinaya horumarinta tiknoolajiyada blockchain ee gudaha U.S
  • Tokenization “hantida dhabta ah” ayaa kor u kacday 380% tan iyo 2022, taasoo muujinaysa isticmaalka sii kordhaya ee tiknoolajiyada blockchain suuqyada dhaqaalaha.

7️. 🤖 AI & Web 3.0

  • Isticmaalka Ai ee cryptocurrency ayaa labanlaabmay 2025, iyadoo maalgelinta shirkadaha AI ay korodhay 9%, taasoo muujinaysa isku xirka sii kordhaya ee labada teknoolojiyadood.
  • Mashaariicda sida NEAR, Aptos, iyo TON ayaa hormuud u ah isku xirka AI iyo blockchain, iyadoo la abuurayo isticmaalka cusub ee Web 3.0.

8️. 🎨 NFTs & DeFi

  • Cilmi-baaris cusub oo la helay ayaa muujisay in 0.1% ganacsatada ugu waaweyn ee NFTs ay leeyihiin saamayn, taasoo muujinaysa muhiimadda ganacsatada waaweyn ee suuqa NFT.
  • Token-ka Hyperliquid ayaa kor u kacay 1028.72% sanadkii hore, isagoo gaaray $36.12, taasoo muujinaysa xiisaha sare ee mashruucyada loo adeegsado DeFi.

Halkaan ka baro Coursada Crypto

Leave a comment