">
Skip to content Skip to sidebar Skip to footer

Ku soo dhawaada wararkii ugu dambeeyay ee la xiriira crypto, blockchain, Defi, Cefi, NFT, AI iyo Si guud dhaqaalaha caalamka.

Halkan waxaad ka aqrisan doontaa dhacdooyinkii uu dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo crypto kuwaas oo isugu jira, waxyaabaha muhiimka waxaa ka mid ah isbadelka suuqa, xeerar cusub ay dawladuhu crypto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Crypto.

1. 📈 xaalada guud ee Suuqa

Qiimaha guud ee suuqa crypto waxuu marayaa maanta $3.28 Tirilyan, waxuuna hoos u dhacay 0.90%.

Fear and Greed Index: Toolka lagu cabiro kalsoonida maalgashiyaasha ay ku qabaan suuqa waxuu sheygayaa inuu yahey (50), Tani waxay tilmaamaysaa in dareenka dadku ay ka qabaan suuqa yahay dhexdhexaad.

In ka badan $207.36 million ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $130.74 million ay ka yimaadeen dad kor u galay suuqa (long positions).

Xigasho:- Coinglass

Bitcoin (BTC): Qiimaha lagu kala iibsanaayo ayaa hoos u dhacay waxuuna gaadhay $106,475, hoos u dhac ah 0.21% ayay sameysay maanta.

Ethereum (ETH): Qiimaha Ethereum waxa uu hoos u dhacay 1.22% 24-kii saac ee u dambeeyay waxa uuna hadda marayaa $2,440.15.

XRP: Waxaa kor u kacay qiimahiisa qiyaastii 0.30% Waxaana hada suuqyada lagu kala iibsanayaa qiimo ah $2.18.

Solana:- Qiimaha Coinka Sol ayaa maanta ku jira hoos u dhac ah 2.14% waxuuna marayaa qiimihiisa hadda $147.84.

  1. 🏛️ Xeerarka Sharciyeed iyo Siyaasada Suuqa

Trump ayaa sheegay in Guddoomiyaha Fed Powell iyo guddigiisu ay “ isla xishoodaan,” isagoo ku dooday in Mareykanku ay tahay inuu bixiyo 1% ama ka yar dulsaarka amaahda lagu leeyahay.

Madaxweyne Trump ayaa ku gooddiyay in caqabad weyn oo keeni karta kor u kac cashuureed dhan 68% haddii la ansixin waayo Sharciga “The Big Beautiful Bill” oo u oggolaanaya Trump inuu cashuuraha maamulkeeda awood buuxda u yeesho.

Guddoomiyaha Connecticut, Lamont, ayaa si rasmi ah u saxiixay sharci mamnuucaya in gobolka uu maalgashi ku sameeyo Bitcoin iyo dhammaan lacagaha dhijitaalka ah.

Maxkamadda Sare ee Mareykanka ayaa diiday rafcaan lagu doonayay in lagu hor istaago IRS-ka (Internal Revenue Service) helitaanka xogta isticmaaleyaasha Coinbase, taasoo u oggolaaneysa hay’adda canshuuraha inay ururiso macluumaadka in ka badan 14,000 oo macaamiil crypto ah.

Senator Lummis ayaa diyaarinaysa wax-ka-beddel sharciyeed oo u oggolaanaya shacabka Mareykanka inay isticmaalaan Bitcoin iyo crypto iyagoo aan ka baqayn jebinta sharciyada canshuuraha.

  1. 🔁 Exchange Inflow & Outflow

Maalinkii shalay ee 30-ka June, waxaa Exchanges-yada soo galay Bitcoin dhan 24,264 BTC oo u dhiganta qiime ahaan $2.52 billion, waxaana ka baxay 31,996 BTC oo u dhiganta $3.32 billion, Tani waxay ka turjumaysaa in dhaqdhaqaaq aad u weyn inuu jiro suuquna ku jiro xaalad Bitcoin-ta lala baxayo inkasta oo hadda kor u kac fiican ka muuqdo.

  1. 🐋 Dhaq-dhaqaaqa Maalgashedeyaasha

Ganacsade Robert Kiyosaki ayaa sheegay inuu maanta iibsaday Bitcoin kale, isagoo markale xaqiijiyay rumaysnaantiisa ah in Bitcoin uu maalin uun gaadhi doono qiime dhan $1 milyan halkii coin.

Shirkadda ARK Invest ee Cathie Wood leedahay ayaa iibisay 124,892 saamiyo ah oo ka mid ah Coinbase, kuwaasoo qiimahoodu yahay $43.8M, taariikhdu markay ahayd June 30-keedii.

SharpLink Gaming ayaa si toos ah uga iibsatay suuqyada OTC 4,951 $ETH oo qiimahoodu yahay $12.4M.

American Bitcoin Corp., oo ay taageerayaan wiilasha Madaxweyne Trump iyo shirkadda Hut 8, ayaa uruuriyay $215 milyan si ay ugu iibsadaan Bitcoin dheeraad ah.

Shirkadda The Smarter Web Company ayaa iibsatay $25M oo Bitcoin ah, taasoo ka dhigaysa in guud ahaan hantideeda BTC ay dhaafto 773 $BTC, iyadoo xoojineysa istaraatiijiyaddeeda kaydka.

Deutsche Bank oo hantidiisu gaadhayo 1 tirilyan ayaa qorsheyneya inay bilaabidda adeegga kaydinta Bitcoin iyo crypto marka la gaadho 2026-ka.

  1. 🚀 Mashruucyada Horumarineed ee Crypto ku socda

SAYLOR: “Waa in aan joojinno canshuuraha caddaalad darrada ah ee la saaro qodayaasha BTC (Miners) haddii Mareykanku rabo inuu noqdo awoodda ugu weyn ee Bitcoin ee caalamka.”

Bangiga ugu weyn Jarmalka ee Sparkassen ayaa bilaabi doona ganacsiga crypto ee macaamiisha caadiga ah xagaaga 2026-ka.

Bloomberg ayaa kordhisay fursadaha oggolaanshaha Spot ETFs-ka XRP, SOL, iyo LTC ka dhigtay ilaa 95%.

Circle ayaa ka codsatay liisanka trust bank oo heer qaran ah gudaha dalka Mareykanka.

  1. 📊 Maalgashiga ETF-yada iyo Hay’adaha Suuqa crypto.

Qiyaastii $102.1M oo ah $BTC iyo $31.8M oo ah $ETH ayaa la iibsaday July 1-deeda.

Fidelity ayaa iibsatay 10,283 $ETH oo qiimahoodu yahay $25.7M.

  1. 🤖 Intelligence-AI

Elon Musk ayaa sheegay in isticmaaleyaasha Neuralink ay ugu dambeyn awoodi doonaan inay si fog u maamulaan robot-ka Tesla Optimus oo dhan, oo ay ku jiraan dhaqdhaqaaqiisa jirka iyo dareemayaashiisa.

    Ku baro halkan crypto bilaw ilaa dhammaad luqaddaada hooyo

    Leave a comment