">
Skip to content Skip to sidebar Skip to footer

Ku soo dhawaada wararkii ugu dambeeyay ee la xiriira crypto, blockchain, Defi, Cefi, NFT, AI iyo Si guud dhaqaalaha caalamka.

Halkan waxaad ka aqrisan doontaa dhacdooyinkii uu dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo crypto kuwaas oo isugu jira, waxyaabaha muhiimka waxaa ka mid ah isbadelka suuqa, xeerar cusub ay dawladuhu crypto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Crypto.

1. 📈 xaalada guud ee Suuqa

Qiimaha guud ee suuqa crypto waxuu marayaa maanta $3.31 Tirilyan, waxuuna hoos u dhacay 0.80%.

Fear and Greed Index: Toolka lagu cabiro kalsoonida maalgashiyaasha ay ku qabaan suuqa waxuu sheygayaa inuu yahey (46), Tani waxay tilmaamaysaa in dareenka dadku ay ka qabaan suuqa yahay mid cabsi u janjeedha.

In ka badan $253.07 million ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $174.10 million ay ka yimaadeen dad kor u galay suuqa (long positions).

Xigasho:- Coinglass

Bitcoin (BTC): Qiimaha lagu kala iibsanaayo ayaa kor u kacay waxuuna gaadhay $107,827, kor u kac ah 1.37% ayay sameysay maanta.

Ethereum (ETH): Qiimaha Ethereum waxa uu hoos u dhacay 0.29% 24-kii saac ee u dambeeyay waxa uuna hadda marayaa $2,457.05.

XRP: Waxaa hoos u dhacay qiimahiisa qiyaastii 0.29% Waxaana hada suuqyada lagu kala iibsanayaa qiimo ah $2.19.

Solana:- Qiimaha Coinka Sol ayaa maanta ku jira kor u kac ah 0.67% waxuuna marayaa qiimihiisa hadda $149.41.

  1. 🏛 Xeerarka Sharciyeed iyo Siyaasada Suuqa

Warar ayaa sheegaya in SEC ay ka fiirsanayso hanaan fududeysan oo lagu diiwaangeliyo ETF-yada crypto, kaas oo si weyn u fududeynaya habka oggolaanshaha.

Sida lagu sheegay qaab-dhismeedka la soo jeediyay, soo-saarayaasha ETF-yada ayaa laga yaabaa inay ka gudbaan habka codsiga dheer ee 19b-4, iyagoo awood u yeelan kara inay liiska ETF-yada ku biiri karaan muddo 75 maalmood gudahood ah.

Guddoomiyaha Arizona, Katie Hobbs ayaa diiday sharciga sanduuqa keydka hantida dhijitaalka ah ee gobolka HB2324.

Waxay ku dooday in sharcigu uu ka hor istaagi doono hay’adaha ammaanka deegaanka inay la shaqeeyaan gobolka marka laga hadlayo qabashada hantida dhijitaalka ah iyada oo laga qaadayo hantida la qabtay maamulka maxalliga ah.

  1. 🔁 Exchange Inflow & Outflow

Maalinkii shalay ee 1-da July waxaa Exchanges-yada soo galay Bitcoin dhan 20,788.1 BTC oo u dhiganta qiime ahaan $2.19 billion, waxaana ka baxay 18,178.1 BTC oo u dhiganta $1.92 billion, Tani waxay ka turjumaysaa in dhaqdhaqaaq aad u weyn inuu jiro suuquna ku jiro xaalad Bitcoin badan ku soo qulqulayso maadaama qiimaha kor u kac fiican laga dareemayo.

  1. 🐋 Dhaq-dhaqaaqa Maalgashedeyaasha

Shirkadda Fidelity oo leh in ka badan $12 tiriliyan oo hantida maamulan ah (AUM) ayaa iibisay 1,630 $BTC oo qiimahoodu yahay $170 milyan.

Shirkadda Michael Saylor ee Strategy ayaa la filayaa inay muujiso in ka badan $13 bilyan oo faa’iidooyin ay suuqa kala bixin oo Bitcoin ah rubuca labaad ee 2025-ka.

Shirkaddu waxay haatan haysataa 597,325 $BTC oo qiimahoodu yahay $63.29 bilyan.

Shirkadda naqshadeynta ee Figma ayaa shaacisay inay haysato ku dhawaad $69.5M oo ah Bitcoin ETFs, iyadoo guddigeedu ansixiyay inay iibsato $30M oo kale oo $BTC ah, sida ku cad diiwaangelinteeda IPO-da ee ay u gudbisay SEC.

Shirkadda Bit Digital oo ku jirta NASDAQ ayaa ururisay $163 milyan si ay ugu iibsato Ethereum oo loogu talagalay kaydkeeda maaliyadeed.

  1. 🚀 Mashruucyada Horumarineed ee Crypto ku socda

Deutsche Bank, Galaxy, iyo Flow Traders ayaa ku dhawaaqay qorshe ay ku bilaabayaan euro stablecoin si sharciyeysan uga hawlgala Jarmalka, iyadoo la raacayo xeerarka MiCA.

Ripple ayaa iskaashi la sameysay OpenPayd si ay u keento stablecoin heer shirkadeed ah oo ah $RLUSD iyo kaabayaasha lacag bixinta.

Ethereum ayaa kusoo gabagabeysay rubucii labaad (Q2) ee sannadka iyadoo korodh xooggan oo dhan 36.48% uu ka muuqdo qiimaheeda.

Bybit ayaa si rasmi ah u daahfurtay Bybit.eu, oo ah madal si buuxda u waafaqsan xeerarka MiCA.

Bitget Wallet ayaa iskaashi la sameysay Mastercard si ay u soo saaraan kaarka crypto-ga oo u oggolaanaya isticmaaleyaasha inay si toos ah uga bixiyaan lacago kaarka, iyagoo adeegsanaya wallet-yadooda dhijitaalka ah, waxaana adeegsanaya in ka badan 150 milyan oo ganacsato ah dunida oo dhan.

Kaarkani waxaa ugu horreyn laga daahfuray UK iyo Midowga Yurub (EU), iyadoo qorshuhu yahay in loo balaadhiyo Latin America, Australia, iyo New Zealand.

Shirkadda Shiinaha ee Webus ayaa heshay saami gaadhaya ilaa $100 milyan oo ay la gashay Ripple Strategy Holdings si ay u dedejiso korodhka istaraatiijiyadda kaydka XRP.

Shirkadda Metaplanet waa haystaha shanaad ee ugu weyn shirkadaha haysta Bitcoin.

  1. 📊 Maalgashiga ETF-yada iyo Hay’adaha Suuqa crypto.

Spot ETF-ka Ethereum ee BlackRock ayaa iibsaday 22,060 $ETH oo ku kacaya $54.8 milyan July 1-deedii, ETF-ku ma iibsan wax Bitcoin ah.

Spot ETF-yada Bitcoin-ka ee Mareykanka ayaa joojiyay 15 maalmood oo xidhiidh ah oo ay lahaayeen qulqul lacago soo gelaya ah, iyagoo $342.2 milyan ay ka baxday July 1. Halka ETF-yada Ethereum ay diiwaan geliyeen $40.7 milyan oo lacag soo gashay isla maalintaas.

Ku baro halkan crypto bilaw ilaa dhammaad luqaddaada hooyo

Leave a comment