Cryptography waa technologiyada ka dambeyso qarinta xogaha lacagaha Crypto taasoo laf dhabar u ah marka laga soo tago Blockchain, hadii aysan jiri laheen Cryptograohy ama aan loo adeegsan laheen cryptocurrency, xog walibo waxaa loo heli lahaa si fudud lacagaha Crypoto ma lahaan laheen wax qiimo ah sababtoo ah xogtooda aan qarsoonayn cid walibo adeegsato la tix raaci karo.
Coinka Bitcoin waa lacagta ugu horeysay Cryptocurrency, kooxdii ka dambeysay samayntiisa waxay adeegsadaan Cryptography si loo qariyo transaction-ka lacagtaan si amaan ahnas la isku diro
Hadaba, sidee cryptography loogu adeegsaday si lagu qariyo xogta Bitcoin?
- Public key address, qof walibo oo doonaayo inuu isticmaalo Bitcoin ama loo soo diro waxuu la wadagaa dadka kale addrees-kiisa guud kaasoo ah ‘hidden’ xarfo iyo numbers isku qasan kaliya la arki karo balse aan la fahmi karin, tusaale sida uu u egyahay address bitcoin bc1qw508d6qejxtdg4y5r3zarvary0c5xw7kygt080
- Private key, isticmaale kasta uu haysto Bitcoin waxa uu leeyahay address gaar ah “private Key” kaasoo uusan qofba la wadaageen sabatoo ah waa furaha uu ku maamulaanaayi hantidiisa digital ka ah, hadii uu kaa lumo private key ama acid kale kaa ogaato waxaad lumisay hantidaada Crypto.
- Digital Signature waa saxiix digital ah oo qarsoon kaasoo xaqiijiyo macaamilka Bitcoin, marka uu qof kula soo wadaago address-kiisa Bitcoin si aad ugu dirto lacagta Bitcoin waxa aad adeegsanaysaa Wallet “Boorso digital taageero coinka Bitcoin” tusaale Exodus ama Blue wallet waxa aad taabanaysaa Send si aad u geliso xaddiga BTC aad u dirayso waxuu Private key-gaaga hubinayaa in lacag Bitcoin kuu taalo, hadii wallet-kaaga BTC ku jirto waxaa transaction kaas xaqiijinaayo saxiixa Digital wallet-kaaga lee yahay. Blockchain waxuu adeegsadaa Public key lagula soo wadaagay si uu u xaqiijiyo inuu sax yahay, Ulajeedana waxay tahay in laga hortago Double Spending iyo in la hubiyo diraha inuu yahay qofka saxada u leh lacagta Bitcoin shabakada soo gaarayso.
- Hash function, marka uu dhaco is dhaafsi crypto ama miners ay helaan Block cusub waxaa xogta lagu hash gareyaa SHA-256, si hash-ka Block u noqdo mid aan la bedli karin Irreversible
Waa maxay SHA-256?

SHA-256 waa hash function ka tirsan kooxda SHA-2, waxaana sameyay wakaalada NSA 2001, si ay ugu qirayaan xogaha ay is dhaafsanayaan, Bitcoin waxaa loo adeegsadau nidaamkaan si xogteeda qaab amaanm ah uusan qofba jabin karin loogu keediyo Blockchainta,.
Sidee ayuu u shaqeyaa?
Waxaad adeegsanaysaa mid ka mid ah Tools lagu qariyo xogta Bitcoin, tusaale: Bitcoin Online SHA-256 Explorer marka aad galiso xog sida qoraal, numbers ama xarfo iyo numbers isku jidho waxuu kuu soo saarayaa hash ka kooban 64-hexa character ‘xarfo iyo numbers ka kooban 64 hadii aad xogta aad galisay wax ka bedesho gabi ahaan Hash-ka uu ku siiyay wuu is badelayaa waa halka miners-ka bitcoin tartankoooda ugu wayn ka dhaco ayna ku kala haraan maadaama Block cusub si Blockchainta lagu daro uu u baahan yahay hash sax ah.
Tusaale adigoo adeegsanayo tool-ka aan kor ku soo xusnay waxa aad ku qoraysaa Hello, Bitcoin! waxaadna taabanaysaa u bedel sha-256 hash, waxa uu kuu soo bandhigayaa hash u eg sidaan: 8a208c3f523f64f8a52434688d9ca442483cd3007a108fd79325a0fab9b71376. Hadii aad ka bedesho kaliya wax yar sida hal xaraf ama Space ku darto waxaa is badelaayo gabi ahaan hash-ka oo idil tusaale Hello, bitcoin! Waxa uu kuu soo bandhigi doonaa hash cusub u eg sidaan: 519bd7e2868df99ead72742b358f44dd94bd2ca9540a43fdce528e79be5d4796
- Prof of work, miners-ka soo saaro bitcoin cusub waxay raadiyaan Nonce ‘number sax ah oo hash-ka lagu ansaxiyo’ hadii hash-ka block cusub oo ka bilaawdo zero badan ilaa 6 eber block-ga waxuu noqon doonaa mid validate ah ‘la ansixiyay’ waxuuna ku dar samayaa Blockchin-ka
- Base58check encoding, waxuu qariyaa xogta address-ka Bitcoin, Public key waliba wuu muqdaa balse cid fahmi karto ma lahan waxaana la adeegsaday nidaamkaan si loo qariyo, ula jeedkana waa in la ilaaliyo xogta.
Halkaan ka baro Coursada Crypto bilaaw ilaa dhamaad