">
Skip to content Skip to sidebar Skip to footer

Ku soo dhawaada wararkii ugu dambeeyay ee la xiriira crypto, blockchain, Defi, Cefi, NFT, AI iyo Si guud dhaqaalaha caalamka.

Halkan waxaad ka aqrisan doontaa dhacdooyinkii uu dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo crypto kuwaas oo isugu jira, waxyaabaha muhiimka waxaa ka mid ah isbadelka suuqa, xeerar cusub ay dawladuhu crypto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Crypto.

1. 📈 xaalada guud ee Suuqa

Qiimaha guud ee suuqa crypto waxuu marayaa maanta $3.36 Tirilyan, waxuuna kor u kacay 0.31%.

Fear and Greed Index: Toolka lagu cabiro kalsoonida maalgashiyaasha ay ku qabaan suuqa waxuu sheygayaa inuu yahey (50), Tani waxay tilmaamaysaa in dareenka dadku ay ka qabaan suuqa yahay mid dhaxdhexaad ah.

In ka badan $166.75 million ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $106.97 million ay ka yimaadeen dad kor u galay suuqa (Long positions).

Xigasho:- Coinglass

Bitcoin (BTC): Qiimaha lagu kala iibsanaayo ayaa kor u kacay waxuuna gaadhay $108,722, kor u kac ah 0.26% ayay sameysay maanta.

Ethereum (ETH): Qiimaha Ethereum waxa uu kor u kacay 0.96% 24-kii saac ee u dambeeyay waxa uuna hadda marayaa $2,573.70.

XRP: Waxaa kor u kacay qiimahiisa qiyaastii 0.82% Waxaana hada suuqyada lagu kala iibsanayaa qiimo ah $2.29.

Solana:- Qiimaha Coinka Sol ayaa maanta ku jira hoos u dhac ah 0.10% waxuuna marayaa qiimihiisa hadda $151.68.

  1. 🏛 Xeerarka Sharciyeed iyo Siyaasada Suuqa

Xoghayaha Maaliyadda Mareykanka, Bessent, ayaa sheegay inuu helay “xidhiidho badan oo cusub oo ganacsi” kadib canshuuraha ay ku soo rogeen dalal Asian u badan.

Madaxa fulinta ee Ripple, Brad Garlinghouse, ayaa hortegi doona Guddiga Bangiyada ee Senet-ka Arbacada si uu u difaaco sharci dejin ku saabsan qaab-dhismeedka suuqyada crypto ee Mareykanka.

Madaxweyne Trump ayaa ku dhawaaqay in uu ku soo rogi doono 25% cashuuro ganacsi ah Japan iyo Koonfur Kuuriya.

Tokens-ka saamiyada OpenAI iyo SpaceX ee ay soo saartay Robinhood ayaa wajahaya baaritaan ka imanaya Midowga Yurub, kaddib markii bangiga dhexe ee Lithuania uu dalbaday caddeyn, iyadoo OpenAI ay horay u sheegtay in tokens-kaasi aysan ahayn saamiyo dhab ah.

  1. 🔁 Exchange Inflow & Outflow

Maalinkii shalay ee 7-da July ,2025-ka waxaa Exchanges-yada soo galay Bitcoin dhan 26,376 BTC oo u dhiganta qiime ahaan $2.85 billion, waxaana ka baxay 36,738 BTC oo u dhiganta $3.977 billion, Tani waxay ka turjumaysaa in dhaqdhaqaaq aad u weyn inuu jiro suuquna ku jiro xaalad Bitcoin-ta lala baxayo inkasta oo hadda kor u kac fiican ka muuqdo.

  1. 🐋 Dhaq-dhaqaaqa Maalgashedeyaasha

Dowladda Mareykanka ayaa dhowaan u wareejisay $ETH qiimihiisu yahay $219,000 barta Coinbase.

wallet in badan aan dhaqdhaqaaq sameyn ayaa wareejisay 6,000 $BTC ($650 milyan) kadib 6 sano, wallet-kan ayaa BTC ku ibsaday $9,800 halkii, sannadkii 2019.

Bit Digital ayaa iibisay dhammaan $BTC-keedii waxayna ku beddeshay $200 milyan oo $ETH ah, iyadoo haatan haysata $254.8 milyan oo Ethereum ah.

  1. 🚀 Mashruucyada Horumarineed ee Crypto ku socda

Shirkadda qodata Bitcoin ee Cango ayaa hadda haysata 4,000 BTC.

TRUTH SOCIAL ayaa si rasmi ah u gudbisay foomka S-1 si ay u bilaabato Crypto Blue Chip ETF.

Sida aan ka soo xigannay CryptoQuant, qiimaha stablecoins-ka ku dhisan ERC-20 ayaa gaadhay heerkeedii ugu sarreeyay (ATH) oo ah $121 bilyan.

Hay’adda Ethereum Community Foundation ayaa bilawday si loo dhiirrigeliyo korodhka $ETH loona gaadhsiiyo qiime dhan $10,000, iyadoo maalgelin doonta koboca ecosystem-ka Ethereum iyo gubista tokens-ka.

Shirkadda Remixpoint ayaa mushaharka agaasimeyaasheeda guud oo dhan ku bixin doonta Bitcoin, taasoo noqoneysa markii ugu horreysay ee shirkad ka diiwaangashan Japan sidaas sameyso.

  1. 📊 Maalgashiga ETF-yada iyo Hay’adaha Suuqa crypto.

Qiyaastii 1,980 BTC iyo 24,170 ETH ayaa la iibsaday July 7.

    ETF-yada Bitcoin waxay diiwaangeliyeen qulqul maalgashi oo ah $216.5 milyan.

    ETF-yada Ethereum-na waxay heleen $62.1 milyan oo maalgashi cusub ah oo soo galay.

    BlackRock ayaa iibsatay 1,388 $BTC oo qiimahoodu yahay $164 milyan.

    Ku baro halkan crypto bilaw ilaa dhammaad luqaddaada hooyo

    Leave a comment