Cryptographic puzzle waa hanaan xisaabeed adag (Mathematical problem) loogu tala galay inay adeegsadaan miners-ka Bitcoin si loo adkeeyo amaanka shabakada Bitcoin, loona fududeeyo in si dhaqso ah loo xaqiijiyo transactions-keeda si loo helo Block cusub oo lagu daro Blockchain-ka waana nidaamka loo yaqaano prof of work.
Waxaa la sameyaa isku dayo badan (trail and ereor) oo u baahan in la xaliyo xisaab adag tasoo loo adeegsanaayo Awood koronto iyo Computing iyadoo la isticmaalaayo hashing function sida SHA-256, si loo helo nonce sax ah.
Ulajeedada laga leeyahay Cryptographic Puzzle waa in la laga hortagaa in qof waliba si sahlan u helo Block cusub ama u bedelo Block la xaqiijiyay, hadii ay dhacdo midaan waxaa hoos u dhacayso amaanka Blockchainada, hadafka kale waa in loo sameeyo nidaam caddaalad ah miners-ka ka howl-gala Shabaka Bitcoin oo qofkii xaliya mathematical Puzzle ayaa ku guulaysanaya inuu xaqiijiyo Block cusub uuna helo awaalmarinta iyo fee-ga isticmaalayaasha.
Waa maxay Nonce?
Nonce waa tirooyin la badelaayo lana isku dayaayo marar badan si loo helo hash gaar oo validate ah, kaasoo ka bilaabma tirooyin 0 ah igu yaraan ilaa Lixzero, markii la helo tirooyinkaas hash ka waxuu noqdaa mid ansax ah waxuuna isku xeri doonaa block cusub oo la helay iyo midkii ka horeeya.
Halkee loo adeegsadaa Cryptographic puzzle?
Cryptographic puzzle waxaa loo adeegsadaa marka la mining gareynaayo Bitcoin iyadoo la raacaayo hanaanka Prof of work, marka sidoo kale la mining gareynaayo Lite coin waxaa lagu shaqeyaa habka Scrypt Puzzle waxaa jirto meelo kale oo loo adeegsado sida Human verification iyo Spam protection.
Sidee Miners-ka Bitcoin u xaliyaan xisaabta adag si block cusub loo xaqiijiyo?
Ka hor inta aan ogaan sida ay u xaliyaan xisaabtaan waxaa muhiim ah, marka hore in aad fahantid shaqada ay qabtaan miners-ku? Waa maxay mathematical puzzle? iyo waa maxay hash? Kolka saddaxdaas su’aal aad fahantid waxaa fududaadayso in ogaato qaabka ay ku xaliyaan Cryptographic puzzle.
Maxay tahay shaqada ay qabtaan Miners-ka Bitcon
Miners-ka bitcoin waxay xaliyaan xisaab adag ‘mathematical puzzle’ iyagoo isku dayayo in helaan hash gaar ah oo buuxiya shuruudaha u dagsan shabakada, tani waxay u baahantahay kumanaan ama malaayiin isku day ah, waxaana loo baahan yahay tamar awood badan, ‘computing power’ iyo xalinta xisaab adag. Kolka ay helaan xalka xisaabtaas waxay xaq u leeyihiin inay block-ga cusub ay soo saareen ayna ku daraan Blockchain-ka waxayna helayaan awaal marinta Bitcoin u dambeysay.
Waa maxay Xusaabta adag ‘mathematical puzzle’?
Xisaabta adage ee miners-ka laga doonaayo inay xaliyaan waxay la xariirtaa helitaanka hash saxda ah oo isku xero Block cusub ee la soo saaray iyo midkii ka horeeye, xisaabta adagna waxaa loo-la jeedaa nonce ‘number-gaar ah ay raadiyaan kana bilawda 0000, kaasoo ay isku dayaan ilaa ay ka helaan.
Waa maxay hash?
Hash waa natiijada xisaabeed kooban oo laga helo algorithm tool, sida SHA-256 ay adeegsadaan miners-ka bitcoin markii la galiyo xog sida dhamaan xogta ku jirto Block cusub waxuu soo saaraa xarfo iyo numbers ka kooban 64 characters, waxuuna isku bedelaa ilbiriq hadii xogta wax yar ka badelmato.
Side Miners-ka Bitcoin u xaliyaan Mathmatical Puzzle?
Miners ka bitcoin waxay qaadaan Tilaabooyinkaan si ay u helaan Block cusub, hash sax ah una xaliyaan xisaabta
Tilaabada 1aad: waxa ay isu gayaan dhamaan xogta ku jirto Blockchainta sida transactions-ka, timestamp, xogta hash-ka Block hore iyo nonce.
Tilaabada 2aad: waxay sameyaan hash cusub iyagoo galinayo xogta ay aruuriyeen algrothim hashing tool uu leeyahay SHS-256 waxuu siini doonaa output hadii uu noqdo midka saxda ah waxay sidaa ku heli doonaan Block cusub.
Tilaabada 3aad: waxay raadiyaan Nonce sax ah iyagoo isku daya tiro malaayiin jeer ah inay helaan number ka bilaawda zero badan oo aqbalaya hash-ka la helay, hadii uu noqdo mid qilaafsan waxay isku dayaan mar kale
Tilaabada 4aad: marka ay helaan hash aqbalaya nonce-ga ay soo helaan oo ka bilaawda xiddiga loo baahnaa oo Zero ah, sidaas waxuu miner-ka ku xaliyay mathematical puzzle.
Tilaabada 5aad: waxay soo saaraan Block cusub kaasoo ay ku darayaan Blockchainta waxuuna wataa hash-kiisa lagu tala galay oo saxda ahaa kaasoo oo isku xeraya Block-ga cusub iyo midkii ka horeeye waxayna sidaa ku yeelanayaa miner-ka qabtay shaqadaas awaalmarin bitcoin dhan 3.125 iyo fee-ga laga qaado macaamiisha
Halkaan ka baro Coursada Crypto bilaaw ilaa dhamaad