Hash function waa hanaan algrothim loo adeegsado in xog kasta sida qoraal, file, document iwm lagu badelo lambaro go’an oo u qoran qaab gaaban kuwasoo loo yaqaano hash ama digest. Waxay muhiim u tahay amaanka, xaqiijinta iyo hufnaanta waxyaabaha xogtooda la qariyo sida Crypto, Blockchain iyo Date-yoonka internet-ka la soo galiyo ee encryption-ka ah si aan lagu samayn wax ka badel ama xogtooda loo been abuurin.
Astaamaha uu leeyahay Hash function-ka
Hashfunction waxuu leeyahay astaamo muhiim ah kuwaasoo ka dhigaya mid gaar ah oo lagu kalsoonaan karo waxaa ka mid astaamahaas uu leeyahay
- Deterministic, xog waliba oo la maldaho waxay bixin doontaa hash sax oo leh cabir u gaar ah kaasoo aan lagu samayn karin wax ka bedel.
- Non-reversible, lama ogaan karo markii la qariyo xogta asalka aheed oo waxaa muuqanayo hash-ka kaliya ee la soo saaray
- Collision reistant, Xago kala duwanma noqon karaan kuwa leh hash isku mid ah tusale hadii aad ku samayso labo document encryption adigoo adeegsanayo hashing tool waxuu ku siinayaa mid waliba hash u gaar ah.
- Quick Competation, hadii aad xog galiso hashing tool sida SHA-256 waxuu kuu encrypt gareynaa isla markiiba.
- Unique Output, xog walibaoo la galiya hashing tool waxay soo saartaa hash kala duwan.
- Change effect, waxuu is badeli karaa hash-ka dhaamntiisa hadii aad hal xaraf aad ka badesho xogta.
Sidee buu u shaqeyaa Hash Function?

Hash function waxuuu u shaqeyaa sidaan soo socoto si xogta lagu badelo hash leh cabir u gaar ah.
- waxaad galinaysaa xog tusaale qoraal, pdf file, document si loo badelo xogtii asalka aheed aadna u hesho hash leh cabir go’an.
- waxaad adeegsanaysaa hash algorithm tool tusaale SHA-256, MD5 ama SHA-1
- waxuu kuu soo saarayaa natiijada xogtii la qariyay isagoo ku siinaya hash gaar ah oo leh cabir go’an kaasoo xogta u badalaayo xarfo iyo numbers la maldahay.
Tusaale waxaa adeegsataa hashing tool-kaan ku shaqeeyo SHA-256: https://emn178.github.io/online-tools/sha256.html
Meesha banaan, tusaale waxaad ku qortaa Hello Bitcoin! Waxuu ku soo bandhigayaa natiijada xogta qoraalkii oo loo badaley hash gaar ah oo ka kooban 64-character u eg sidaan: 1f866157c81083b22fb49ccb988726089569422cc0cfb62104239be7d8efb9ff. Hadii aad ka badesho qoraalkii hore aad galisay ama waad ka kudarto, sida qaabkaan oo kale Hello bitcoiN! Gabi ahaan hash-ka wuu is badalayaaa waxuuna ku siin doonaa mid cusub oo u eg sidaan: 12d8acf295daa0fd4b1b186b0d79b46ef2c7f5e62ffbffb7927e4322b2624378
Waa maxay farqiga u dhaxeeyo Hash function iyo Encryption?
Hash function waa hab xogta lagu qariyo taasoo lagu badelo hash leh cabir go’an oo ka kooban 64 astaan waa hal jiho oo hadii aad wax ka bedel ku samayso hal xaraf ama number xogta ka mid ah dhamaanteed way is badeleysaa. Halka Encryption uu yahay hanaan kale oo lagu qariyo xogta iyadoo la isticmaalayo Keys lagu qariyo xogta public key waxuu qariyaa xogta halka private key lagu soo ban dhigo.
Halkee ayaa loo adeegsadaa Hash function?
Hash function waxaa loo adeegsan karaa adeegyo badan oo la xariiro online-ka kuwaasoo xogtooda lagu sameeyo encryption ‘qarin’ meelaha ugu muhiimsan ee loo isticmaalo waxaa ka mid ah:
- Cryptocurrency, lacagaha Digitalka ee crypto waxaa xogtooda lagu qariyaa hash function. Tusaale coin-ka Bitcoin waxaa xogtiisa lagu qariyaa SHA-256.
- Blockchain, waxuu isticmaalaa hash function si loo xaqiijiyo block-yada cusub kuwaaso lagu daro Blockchain-ka guud.
- Digital signature, saxiixa dijitaal ah si loo sameeyo waxaa xogta lagu saxiixaa hash.
- Password security, password-yada lama keediyo basle waxaa loo badelaa xogta hash si lagu hortago in lagu soo qaado hacking gaar ahaan website-yada server-ada ku keediyo xogaha macaamiishooda.
- Dad Verification, waxaa loo badelaa file-sha iyo documents-yada hash si aan lagu samayn xogtooda wax ka bedel loona xaqiijiyo inay kuwa sax ah.
Halkaan ka baro Coursada Crypto bilaaw ilaa dhamaad