Wararka Maanta suuqa Crypto ee 10-ka July 2025

Gelle Bashir

Ku soo dhawaada wararkii ugu dambeeyay ee la xiriira crypto, blockchain, Defi, Cefi, NFT, AI iyo Si guud dhaqaalaha caalamka.

Halkan waxaad ka aqrisan doontaa dhacdooyinkii uu dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo crypto kuwaas oo isugu jira, waxyaabaha muhiimka waxaa ka mid ah isbadelka suuqa, xeerar cusub ay dawladuhu crypto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Crypto.

1. 📈 xaalada guud ee Suuqa

Qiimaha guud ee suuqa crypto waxuu marayaa maanta $3.46 Tirilyan, waxuuna kor u kacay 2.30%.

- Advertisement -

Fear and Greed Index: Toolka lagu cabiro kalsoonida maalgashiyaasha ay ku qabaan suuqa waxuu sheygayaa inuu yahey (58), Tani waxay tilmaamaysaa in dareenka dadku ay ka qabaan suuqa yahay mid wax yar u janjeedha dhinaca damaca.

BTC ayaa gaadhay meeshii abid u sarraysay oo ah $112,000.

In ka badan $525,24 million ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $452.53 million ay ka yimaadeen dad hoos u galay suuqa (short positions).

Xigasho:- Coinglass

Bitcoin (BTC): Qiimaha lagu kala iibsanaayo ayaa kor u kacay waxuuna gaadhay $110,851, kor u kac ah 1.26% ayay sameysay maanta.

- Pre Order -

Kiribto: Kacdoonka Qarniga 21-aad

Madax-bannaani ★ Daah-furnaan ★ Musuq-maasuq Laa’aan. 🚀 Ku soo dhawoow kacaankii qarniga 21-aad.

$16.99$12.99Get It Now

Ethereum (ETH): Qiimaha Ethereum waxa uu kor u kacay 4.03% 24-kii saac ee u dambeeyay waxa uuna hadda marayaa $2,771.70.

XRP: Waxaa kor u kacay qiimahiisa qiyaastii 2.41% Waxaana hada suuqyada lagu kala iibsanayaa qiimo ah $2.44.

Solana:- Qiimaha Coinka Sol ayaa maanta ku jira kor u kac ah 1.78% waxuuna marayaa qiimihiisa hadda $157.16.

  1. 🏛 Xeerarka Sharciyeed iyo Siyaasada Suuqa

Trump ayaa ku dhawaaqay cashuur dhan 50% oo lagu soo rogayo Brazil.

Peter Navarro wuxuu ku baaqay in Fed-ku uu hoos u dhigo dulsaarrada bisha July. Isaga oo Powell ku tilmaamay guddoomiyaha ugu xun taariikhda hay’ada.

Ka-dhaafista cashuurta ee 5-ta sano ee Thailand ay ka dhaafayso faa’idada laga helo suuqa crypto-ga waxay khuseysaa oo kaliya isweydaarsiyada maxalliga ah ee ruqsadda ka haysta Thailand.

El Salvador ayaa ku fadhida faa’iido aan weli la lagala bixin suuqa oo dhan $399 milyan.

  1. 🔁 Exchange Inflow & Outflow

Maalinkii shalay ee 9-Ka July ,2025-ka waxaa Exchanges-yada soo galay Bitcoin dhan 19,309 BTC oo u dhiganta qiime ahaan $2.14 billion, waxaana ka baxay 21,689 BTC oo u dhiganta $2.41 billion, Tani waxay ka turjumaysaa in dhaqdhaqaaq aad u weyn inuu jiro suuquna ku jiro xaalad Bitcoin-ta lala baxayo.

  1. 🐋 Dhaq-dhaqaaqa Maalgashedeyaasha

200,000,000 $XRP oo qiimahoodu yahay $477 milyan ayaa laga wareejiyay Ripple loona diray wallet aan la garanayn cidda leh.

Donald Trump Jr. ayaa iibsaday 350,000 oo saamiyo ah ay leedahay Thumzup Media, taasoo haysata $2 milyan oo $BTC ah kana mid ah istaraatiijiyadda kaydka qoyska ee lacagaha dhijitaalka ah, iyadoo sidoo kale qorsheynaysa inay iibsato 6 crypto oo kale.

  1. 🚀 Mashruucyada Horumarineed ee Crypto ku socda

Bitwise ayaa sheegtay in hay’adaha ganacsi ay kor u qaadeen kaydkooda Bitcoin ilaa 847,000 $BTC oo qiimahoodu gaadhayo $91 bilyan rubucii labaad ee sannadkan.

Shirkadda Ant Group oo uu taageero Jack Ma ayaa ku dari doonta $USDC ee Circle nidaamkeeda lacag-bixinta caalamiga ah.

Strategy oo uu hoggaamiyo Michael Saylor ayaa hadda ku fadhida faa’iido aan weli suuqa lagala bixin oo dhan $24 bilyan oo ka timid maalgelinteeda Bitcoin.

  1. 📊 Maalgashiga ETF-yada iyo Hay’adaha Suuqa crypto.

Qiyaastii 1,980 $BTC iyo 80,830 $ETH ayaa la iibsaday July 9-keedii.

ETF-yada Bitcoin waxay heleen $215.7 milyan oo qulqul maalgashi cusub ah.

ETF-yada Ethereum waxay heleen $211.3 milyan oo qulqul maalgashi cusub ah.

BlackRock ayaa iibsatay Ethereum lagu qiimeeyay $158.6 milyan.

  1. 🔗Teknooloojiyadda Blockchain

BNB Chain ayaa dhammaystirtay gubitaankeedii 32-aad ee afartii biloodba mar dhacayay, iyadoo gubtay 1.59 milyan oo $BNB ah oo qiimahoodu yahay qiyaastii $1.02 bilyan, ogow gubitaanka Coins-ku qiimaha suuqa ayuu kor u qaadaa.

  1. 🤖 Intelligence-AI

Nvidia waxay noqotay shirkaddii ugu horreysay ee gaadha qiime suuqeed dhan $4 trillion.

Grok ayaa lagu soo kordhin doonaa gaadiidka Tesla toddobaadka soo socda

Ku baro halkan crypto bilaw ilaa dhammaad luqaddaada hooyo

Crypto bilaw ilaa dhamaad AF:Somali

Best Somali Cryptocurrency Course: Learn the fundamentals of cryptocurrencies, blockchain, and secure trading. Master using Metamask, Binance, and Crypto.com….

Crypto Trading Mastery: From A to Z

A complete beginner-to-expert crypto trading course. Learn how crypto markets work, how to choose secure exchanges, and how to trade safely using proven strategies…

Share This Article
Leave a Comment