">
Skip to content Skip to sidebar Skip to footer

Ku soo dhawaada wararkii ugu dambeeyay ee la xiriira crypto, blockchain, Defi, Cefi, NFT, AI iyo Si guud dhaqaalaha caalamka.

Halkan waxaad ka aqrisan doontaa dhacdooyinkii uu dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo crypto kuwaas oo isugu jira, waxyaabaha muhiimka waxaa ka mid ah isbadelka suuqa, xeerar cusub ay dawladuhu crypto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Crypto.

1. πŸ“ˆ xaalada guud ee Suuqa

Qiimaha guud ee suuqa crypto waxuu marayaa maanta $3.88 Tirilyan, waxuuna kor u kacay 1.55%.

Fear and Greed Index: Toolka lagu cabiro kalsoonida maalgashiyaasha ay ku qabaan suuqa waxuu sheygayaa inuu yahey (71), Tani waxay tilmaamaysaa in dareenka dadku ay ka qabaan suuqa yahay mid u janjeedha dhinaca damaca.

Wadarta qiimaha guud ee suuqa lacagaha dhijitaalka ah (crypto) ayaa markii ugu horreysay gaadhay $4 tirilyan.

In ka badan $825.89 million ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $452.16 billion ay ka yimaadeen dad hoos u galay suuqa (short positions).

Xigasho:- Coinglass

Bitcoin (BTC): Qiimaha lagu kala iibsanaayo ayaa kor u kacay waxuuna gaadhay $118,918, kor u kac ah 0.60% ayay sameysay maanta.

Ethereum (ETH): Qiimaha Ethereum waxa uu kor u kacay 4.89% 24-kii saac ee u dambeeyay waxa uuna hadda marayaa $3,601.50.

XRP: Waxaa kor u kacay qiimahiisa qiyaastii 5.79% Waxaana hada suuqyada lagu kala iibsanayaa qiimo ah $3.45.

Solana:- Qiimaha Coinka Sol ayaa maanta ku jira kor u kac ah 1.32% waxuuna marayaa qiimihiisa hadda $178.14.

  1. πŸ› Xeerarka Sharciyeed iyo Siyaasada Suuqa

Dhamaan saddexda sharci ee la xidhiidha lacagaha dhijitaalka ah ayaa ka gudbay Golaha Wakiillada Mareykanka – Xeerka CLARITY (294-134), Xeerka GENIUS (308-122), iyo Xeerka Anti-CBDC (219-210).

Xeerka GENIUS ayaa u gudbay miiska Madaxweyne Trump si uu u saxiixo maanta.

Guddoomiyaha SEC Paul Atkins ayaa sheegay in SEC ay ka fiirsanayso in laga dhaafo qaar ka mid ah xeerarka si loo dhiirrigeliyo hal-abuurnimada, gaar ahaan dhinaca tokenization-ka, kaddib markii Golaha Wakiillada Mareykanka uu ansixiyay sharci taariikhi ah oo la xidhiidha stablecoin-yada.

Aqalka Cad ayaa xaqiijiyay in Madaxweyne Trump uu taageersan yahay ka dhaafitaanka canshuurta de minimis ee Bitcoin iyo lacagaha kale ee dhijitaalka ah, wuxuuna sheegay inay sii wadi doonaan sahminta xalal sharciyeed si arrintaas loo hirgeliyo.

Wakiil Tom Emmer ayaa yidhi, β€œMadaxweyne Trump wuxuu ballan qaaday inuu Maraykanka ka dhigi doono caasimadda lacagaha dhijitaalka ah ee adduunka β€” maanta waxaan gaadhnay himiladii.”

Warar ayaa sheegaya in Trump uu qorsheynayo inuu suuqyada hawlgabka ee Maraykanka u furo maalgashiyada crypto.

  1. πŸ” Exchange Inflow & Outflow

Maalinkii shalay ee 17-ka July ,2025-ka waxaa Exchanges-yada soo galay Bitcoin dhan 90,510 BTC oo u dhiganta qiime ahaan $10.79 billion, waxaana ka baxay 58,365 BTC oo u dhiganta $6.9 billion, Tani waxay ka turjumaysaa in dhaqdhaqaaq aad u weyn inuu jiro suuquna ku jiro xaalad Bitcoin suuqa ku soo qulqulayso maadaama suuqu ku jiro xaalad kor u kac ah.

  1. πŸ‹ Dhaq-dhaqaaqa Maalgashedeyaasha

Circle ayaa ku daabacday 500,000,000 oo $USDC ah shabakadda Solana, taasoo wadarta toddobaadkan ka dhigaysa 1 bilyan oo $USDC ah oo la daabacay.

Maalgashade Bitcoin oo hore (OG) oo haystay 80,009 $BTC ayaa u wareejiyay 40,192 $BTC oo u dhigma $4.83 bilyan shirkadda Galaxy Digital.

SharpLink Gaming ayaa soo gudbisay qorshe ah inay bixiso saamiyo qiimahoodu yahay $5 bilyan, iyadoo qorsheyneysa in dakhliga laga helo loo isticmaalo iibsashada $ETH dheeraad ah.

Sidoo kale waxay hadda iibsatay SharpLink $100 million oo $ETH ah

  1. πŸš€ Mashruucyada Horumarineed ee Crypto ku socda

Shirkadda Block Earner ee Australia ayaa bilowday deynta guryaha ee ugu horreysay ee ku saleysan Bitcoin dalkaas, kaddib guul sharciyeed oo ogolaatay amaahda lagu dammaanad qaato hantida dhijitaalka ah. Tani waxay siineysaa iibsadayaasha guryaha waddo cusub oo ay uga galaan suuqa hantida maguurtada ah.

  1. πŸ“Š Maalgashiga ETF-yada iyo Hay’adaha Suuqa crypto.

Qiyaastii $514.8 milyan oo ah $BTC iyo $602 milyan oo ah $ETH ayaa la iibsaday July 17-keedii.

BlackRock spot Ethereum ETF wuxuu diiwaangeliyay $546.6 milyan oo maalgashi cusub ah July 17-keedii, taasoo ah tiradii ugu badnayd tan iyo markii la bilaabay.

  1. πŸ€– Intelligence-AI

OpenAI ayaa tijaabinaysa adeegga wax iibsiga tooska ah ee wada sheekaysiga (in-chat shopping) iyada oo la kaashaneysa shirkado sida Shopify, tallaabadan waxaa ka dhalan kara tartan adag oo ay la gasho Google maadaama isticmaaleyaal badan ay u jeedaan chatbots si ay uga baaraan-degaan alaabaha inta ay soo dajin ka hor.

Ku baro halkan crypto bilaw ilaa dhammaad luqaddaada hooyo

Leave a comment