DePIN waa erayo laga soo gaabiyay Decentralized Physical Infrastructure Networks waana nidam ama shabakad ka kooban qalabyo (hardware) oo ku xidhan internet-ka, kuwaasoo iskaashanaya si loo abuuro adeegyo kala duwan, sida, kaydinta xogta, bixinta internet-ka iwm ah iyagoo isticmaalaya qaab (decentralized ah), Halkii ay ka shaqayn lahaayeen shirkado dhexe, waxayna isticmaalaan Blockchain Technology.
DePIN wuxuu ku tiirsan yahay dadka isticmaala si ay u isticmaalaan adeegyada, u taageeraan mashruucyaad una helaan abaalmarino tokens Crypto free ah
Sidee buu DePIN u shaqeeyaa?
Isticmaalaha wuxuu soo iibsanayaa qalab sahlaya adeegga internet-ka. Tusaale: (router) oo ah qalab isku xeraayo shirkada bixisa internet-ka iyo aaladaha isticmaala sida telefoonka, kombiyuutarka, Smart TV, iwm — iyadoo la adeegsanayo Wi-Fi Qalabkaas wuxuu la xiriiro blockchain, Wuxuu diiwaan gelinayaa xogta uu arko (tusaale, heerka isku xidhka, xogta deegaanka, ama meelaha la joogo). Isticmaalaha waxaa lagu abaalmariyaa crypto tokens: Marka qalabkooda uu si fiican u shaqeeyo ama uu soo saaro xog qiimo leh, waxay helayaan abaalmarin Crypto
Qaybaha DePiN- Decentralized Physical Infrastructure Networks
DePiN waxaa loo qaybin karaa qaybo kala duwan iyadoo lagu saleeyo hadba nooca la adeegsanaayo iyo adeegyada ay bixiyaan. Waxaa ka mid ah qaybahaas:
- Internet connectivity: waa shabakado bixiya internet Warless ama Fiber Optic tusaale waxaa ka mid ah Helium.
- Kaydinta xogaha: waa shakado aan laheen cid dhexe oo maamusha waxaana lagu kaydsadaa xogta qaab decentralized ah tusaale waxaa ka mid ah FileCoin iyo Storj.
- IoT Networks: waa shabako isku xero qalabyada IOT-internet of Things.
- Streaming & bandwidth: waa shabakado laga helo muuqaalo Streaming live ah waxaana ka mid ah Live peer.
Tusaalooyin qayb ka mid Mashruucyada Crypto ee ku shaqeeya DePin- Decentralized Physical Infrastructure Networks
- Helium network: waxay abuuraan shabakad internet oo decentralized ah iyadoo isticmaalaya hotspots lagu xiro karo guryaha ama goobaha ganacsi. Isticmaalayaashu waxay helaan abaalmarin marka ay bixiyaan adeega.
- Filecoin: waxay ka qayb qaadataa kaydinta xogta hab decentralized ah, Dadka adeegsada madasha oo wax ku kaydsada waxay helayaan abaal marin FIL token oo ah lacag Crypto ku dhisan Blockchain-ka Ethereum.
- Render Network: waxay u suurta galisaa dadka leh GPUs inay bixiyaan awoodd xisaabeed si ay u caawiyaan mashruuca rendering-ka AI. Waxayna awaal marin u helayaan Render Token.
- DIMO Network: waxay dhistaa shabakad Decentralized ah oo loogu tala galay kaydinta iyo wadaagista xogaha Baabuurta. Tusaale Milkiilayaasha baabuurta waxay ku xiraan qalab gaar ah Sida Demo hardware baabuurtooda si ay u aruuriso una kaydiso xogta gaariga sida inta Liter Shidaal uu isticmaalay, inta KM uu socday, marka xogtaas la galiyo shabakada DIMO isticmaalaha waxa uu helaa abaalmarinta DIMO Token.
- Weather XM: waxay kaydisaa xogta saadaasha hawada qaab Decentralized ah iyadoo la adeegsanaayo qalabyo lagu saadaaliyo hawado taasoo ay dadka iyo hay’adaha ka heli karaan xog cimileed oo sax ah. Horumariyaashu waxay rakibaan qalabka saadaasha hawada (weather Satiation) marka uu soo aruuriyo waxuu u diraa Blockchain-ta si loo helo xog dhab ah oo hufan, dadka suurta galiyay in xogtaas la helo waxay helaan abaal marin WXM Token ah.
Token-ka iyo dhaqaalaha DePIN
DePIN wuxuu isticmaalaa lacagaha crypto si uu u dhiirrigeliyo dadweynaha. Tusaale: haddii aad bixiso adeeg GPS, waxaa lagugu abaalmariyaa token, taasoo aad u beddelan karto lacag ama waxaad ku isticmaali kartaa adeeg kale oo DePIN ah.
Xariirka ka dhaxeeyo DePIN iyo Web3.0
DePIN waa qayb muhiim ah, oo ka mid ah horumarka nooca cusub ee Internet-ka Web3.0
Marka uu soo baxo Web3.0 isticmaalkiisana noqodo mid ay la qabsadaan dadyowga Caalamka waxay samaysan karaan shabakado interenet u gaar ah.
DePIN-na wuxuu siinayaa fursad ay dadku ku dhisan lahaayeen, iyagoo adeegsanayo qalabyo Hardware iyo Software ah, halkii ay shirkado gaar ah oo ganacsi ku tiirsanaan lahaayeen.
Halkaan ka baro Coursada Crypto


