Ku soo dhawaada wararkii ugu dambeeyay ee la xiriira crypto, blockchain, Defi, Cefi, NFT, AI iyo Si guud dhaqaalaha caalamka.
Halkan waxaad ka aqrisan doontaa dhacdooyinkii uu dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo crypto kuwaas oo isugu jira, waxyaabaha muhiimka waxaa ka mid ah isbadelka suuqa, xeerar cusub ay dawladuhu crypto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Crypto.
1. 📈 xaalada guud ee Suuqa
Qiimaha guud ee suuqa crypto waxuu marayaa maanta $3.91 Tirilyan, waxuuna hoos u dhacay 0.58%.
Fear and Greed Index: Toolka lagu cabiro kalsoonida maalgashiyaasha ay ku qabaan suuqa waxuu sheygayaa inuu yahey (70), Tani waxay tilmaamaysaa in dareenka dadku ay ka qabaan suuqa yahay mid u janjeedha dhinaca damaca.
$BNB ayaa ka kor martay Rolls-Royce dhinaca qiimaha suuqeedka guud.
Mugga ganacsiga maalinlaha ah ee altcoins-ka ee Binance Futures ayaa kor u kacay ilaa $100.7 bilyan, taasoo ah heerkii ugu sarreeyay tan iyo February 3-deedii.
In ka badan $304.44 million ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $173.42 billion ay ka yimaadeen dad kor u galay suuqa (Long positions).

Xigasho:- Coinglass
Bitcoin (BTC): Qiimaha lagu kala iibsanaayo ayaa hoos u dhacay waxuuna gaadhay $118,638, hoos u dhac ah 0.58% ayay sameysay maanta.
Ethereum (ETH): Qiimaha Ethereum waxa uu hoos u dhacay 0.73% 24-kii saac ee u dambeeyay waxa uuna hadda marayaa $3,673.50.
XRP: Waxaa hoos u dhacay qiimahiisa qiyaastii 2.03% Waxaana hada suuqyada lagu kala iibsanayaa qiimo ah $3.44.
Solana:- Qiimaha Coinka Sol ayaa maanta ku jira hoos u dhac ah 1.50% waxuuna marayaa qiimihiisa hadda $196.90.
- 🏛 Xeerarka Sharciyeed iyo Siyaasada Suuqa
Senator Lummis ayaa si adag u weerartay Guddoomiyaha Federal Reserve Jerome Powell, iyadoo ku eedaysay inuu dhisayo “qasri casri ah” oo uu ugu talagalay xarunta dhexe ee Fed.
Madaxweynaha Trump ayaa ku dhawaaqay in la dhammeystirayo “heshiis weyn oo Japan lala galayo” oo ku saabsan maalgashi dhan $550 bilyan gudaha Maraykanka, iyadoo Maraykanku heli doono 90% faa’iidada.
Senator Lummis ayaa sheegtay in la gaadhay waqtigii hoggaamin cusub la keeni lahaa Fed. “Waxaan u baahan nahay Guddoomiye ay kalsooni ku qabaan dhammaan dadka Mareykanku.” Ayay raacisay.
- 🔁 Exchange Inflow & Outflow
Maalinkii shalay ee 22-ka July ,2025-ka waxaa Exchanges-yada soo galay Bitcoin dhan 25,286 BTC oo u dhiganta qiime ahaan $3.03 billion, waxaana ka baxay 37,369 BTC oo u dhiganta $4.48 billion, Tani waxay ka turjumaysaa in dhaqdhaqaaq aad u weyn inuu jiro suuquna ku jiro xaalad Bitcoin suuqa lagala baxayo.
- 🐋 Dhaq-dhaqaaqa Maalgashedeyaasha
Qof ka mid ah ka-qaybgalayaashii hore ee ICO-ga Ethereum ayaa soo kacay kaddib 4 sano, isagoo dhigay 800 $ETH (qiimihiisu yahay $2.96M) Kraken.
Wuxuu markii hore helay 8,950 $ETH isagoo ku iibsaday $2,783 wuxuuna weli haystaa 1,780 $ETH, taasoo ka dhigaysa faa’iido dhan $13.36M iyo boqolley faa’ido oo 4,803% ah.
Wallet xidhiidh la leh shirkadda Trump ee World Liberty Financial ayaa iibsatay 6,145 $ETH iyadoo oo ku kacaya $23M oo $USDC ah.
- 🚀 Mashruucyada Horumarineed ee Crypto ku socda
CoinShares Asset Management waxay noqotay shirkaddii ugu horreysay ee ku taal qaaradda Yurub ee heshay oggolaanshaha MiCA, iyadoo isku darsatay shatiyada MiCA, MiFID, iyo AIFM si ay u siiso adeeg maareyn dhammaystiran oo hanti dhijitaal ah guud ahaan Midowga Yurub.
SEC waxay ogolaatay beddelka ETF-ka crypto ee Bitwise, balse si degdeg ah ayay u hakisay wax yar kadib.
Shirkadda DDC Enterprise ayaa gudbisay foomka F-3 si ay u ururiso ilaa $500 milyan, taasoo ay ugu talagashay in ay ku iibsadaan Bitcoin dheeraad ah oo loogu talagalay kaydka shirkadda, iyagoo hiigsanaya inay urursadaan 10,000 $BTC ka hor dhammaadka sannadkan.
Shirkadda Square ee uu leeyahay Jack Dorsey ayaa bilaawday inay ganacsatada u oggolaato inay aqbalaan lacag-bixinno ku saleysan Bitcoin.
- 📊 Maalgashiga ETF-yada iyo Hay’adaha Suuqa crypto.
Qiyaastii $68 milyan oo $BTC ah ayaa la iibiyay halka $533.8 milyan oo $ETH ah la iibsaday taariikhdu markay ahayd July 22-keedii.
Spot ETF-ka Ethereum ee BlackRock ayaa iibsaday 115,295 $ETH oo qiimahoodu dhan yahay $426.2 milyan July 22-keedii, taasoo noqotay qulqulkiisii maalgashi ee saddexaad ee ugu sarreeyay tan iyo markii ay bilaabeen.
Fidelity ayaa iibsatay 9,306.16 $ETH oo qiimahoodu yahay $35 milyan.
- 🪙 Stablecoin
WisdomTree waxay qorsheyneysaa inay soo saarto stablecoin-ka WUSD, oo ugu horreyn ku shaqeyn doona shabakadda $ETH.
Stablecoin-ka ku jira shabakadda $ETH ayaa kor u dhaafay $140 bilyan.
- 🔗Teknooloojiyadda Blockchain
PayPal iyo Venmo ayaa bilaabay “PayPal World“, oo ah madal caalami ah oo isku xidhaysa nidaamyada lacag-bixinta waaweyn iyo boorsooyinka dhijitaalka ah si loo fududeeyo lacag-bixinta caalamiga ah, iyaga oo kaashanaya Mercado Pago, UPI, iyo Tenpay.
Ku baro halkan crypto bilaw ilaa dhammaad luqaddaada hooyo