Scalability waa fahan la xariiro cryptocurrency iyo tecnologiyada ay ku dhisantahay ee Blockchain gaar ahaan waxay qusaysaa Blockchain technology waana awooda lacag cryptocurrency leh Blockchain iyada u gaar ah sida Bitcoin, Ether ama Sol ay kordhin karto shabakadeeda tirade macaamilka ‘transactions’ iyadoo aan hoos loo dhigin xaraaraha ay shabakada wax ku dirto iyo mabda guud ay ku dhisan tahay ee decentralized ka.
Scalability-gu waa arin soo korodhay ka dib markii lacagaha cryptocurrency iyo Blockchain ay soo baxeen, Developers badan ay isku dayeen inay wax ku soo kordhiyaan madashaan furan aan cid dhexe maamulin waxyaabaha muhiimka ee la is waydiiye ula jeedkana u ahaa lacagaha cryptocurrency waxay aheed in ay ka madax banaa-naadaan maamul dhexe labada qof wax isku diraayo iyo in meesha laga saaro waqtiga badan ay qaadato marka wax la is dhaafsanaayo.
Layer 1 blockchains lacagahii ugu horeeye cryptocurrency waxay aheen kuwa ay hoosayso Speed ‘xawaaraha transactions-ka’ tusaale Bitcoin halkii second waxay shabakadeeda awood u lahadeed inay diwaan galiso kaliya 7 transaction, Ether waxuu blockchain keeda awooda u lahaa inuu kaydiyo halkii second 15 ilaa 30 transactions, waxayna ahaayeen kuwa feegooda aad qaali u ah, kolka isticmaalka uu bado ay dad badan shabakadaas ku soo xerento waxaa hoos u dhacaysi awooda shabakada ay wax is dhaafsiga
Isku day badan developers waxay keenayn aragti ah in la kordhin karo shbakadaha blockchains lacagaha cryptocurrency xawaarahoodamarka ay ku soo bataan isticmaalayaasha ayna dalbadaan xaddi badan oo is dhaafsi iyadoo la ilaalinaayo amniga shabakada iyo madax banaanideeda, waxay soo saareen Layer 2 solution sida Bitcoin oo laga dhigay Bitcoin lighting network waxaa la kordhiyay xawraaha shabakada Bitcoin, waxaana hoos loo dhigay fee-ga qaaliga ahaa tusaale: hadii 100,000 qof ay rabaan inay hal mar isku diraan dhexdooda lacagta Bitcoin, shabakadu waa inay awoodi kartaa, si deg deg ah u aqbasho dhamaan macaamiiladaas, iyadoo aan dib u dhac ku soo kordheen xawaaraha, feega ay bixinayaan isticmaalayaasha uusan sare u kacayn oo iska ahaanaayo mid dhex dhexaad ah.
Maxay tahay saddexda qodob muhiimka u ah scalability shabakad kasto ee Blockchain?
Waxaa jirto 3 qodob muhiim ah oo la doonaayo qof kasto inuu iska eego lacag walibo oo cryptocurrency leh Blockchain iyada u gaar ah ka hor inta uusan adeegsan, waxayna kala yihiin qodobadaas:
- Xaddiga Transaction ay awoodo shabakada in lagu diri karo il-biriqsigii ilaa saacadii, Blockchain-tana uu diwaan galin karo, tani waxaad ku ogalaaanaysaa ka hor intaa aadan iibsan lacagta crypto xaddiga aad diri karto iyo waqtiga ay qaadanayso si ay qofka kale u gaarto tusaale lacagta Sol, shabakadeeda waxay awood u leedahay inay aqbali karto 2,000 oo transaction halkii second
- Latency waa waqtiga ay qaadato macaamilka inta uusan dhamaan Conformation time
- Qiimaha feega uu bixinaayo qofka lacagta diro si loogu awaal mariyo ilaaliyaasha shabakada, waxay sal dhig u tahay arintaan sugigada shabakada, balse waxaa muhiim ah inaad iska hubiso feega shabakad kasto ay ogashahay in la bixiyo tusaale lacagaha crypto waxaa ugu qaalisan feega Ethereum waxuu u dhaxeeyaa $10 ilaa $15 waxaase ugu raqiisan layer 3 Blockchains sida Tron ay aqbasho shabakadeeda $0.5 ilaa $1.
Maxay tahay caqabada Scalability ay wajahayaan Blockchains lacagaha Crypto?
Scalability waa mid ka mid ah caqadaha ugu wayn ee horyaalo blockchains crypto sida Bitcoin ama Ethereum, kolka uu baddo isticmaalka shabakada waxaa hoos dhaco xaddiga transaction la is dhaafsado waxaana qaali noqdo feega shabakada taasoo caqabad ku noqoto isticmaalayasha inkastoo developers ay arintaan hormarin ku wadaan ayna hoos u dhigayaan caqabadaas waxaa lala kulmaa xiliyadaha ay jirto FOMO ay dad badan ku soo biiraan isticmaalka lacagaha crypto marka ay damcaan dadka hori ugu jiray inay suuqa kala baxaan faa’idooda waxay la kulmaan fee qaali ah iyo shabakada cariiri ah adeegsigeeda.
Maxay tahay xalka Scalability lagu soo kordhiyay hadda Blockchains ka Crypto?
Waxaa jiro horumarino lagu sameeye Blockchains ka crypto sida layer 1 solutions tusaale Ethereum 2.0 waxaa la kala qaybiyay shabbakada ethereum si kor lagu qaado xaddiga transaction ay aqbasho waxaana lagu sameeye sharding. Waxaa sidoo kale lagu wadaa kordhin Bitcoin Blockchain, hada Blockchain ka Bitcoin waxuu awoodaa in 10 kii daqiiqo kasto uu qbali karo in uu kaydiyo hal Block waxaa lagu wadaa lagu sameeyo Block size increase oo kor loo qaado cabirka Block waqtigana la soo yareeyo.
Layer 2 solutions waxaa hormarin lagu sameeye layer 1 blockchains tusaale Bitcoin waxaa loo wareejiyay lighting network waxaana la soo kor dhiyay Wrapped BTC coin matala bitcoin ku dhisan Ethereum Blockchain, ma ahan Bitcoin dhab ah balse waxay ka turjumaysaa Bitcoin asalka aheed waxaana loo adeegsadaa madalaha lending and Borrowing.
Layer 3 solutions waxay la yimaadeen Alternative Blockchains sida Solana, Avalanche, Algorand, Sui, Ada, Tron inay bixiyaan Scalability ka sarayso layer 1 Blockchains balse xaga amaanka waxaa lagu kalsooni badan yahay layer 1 Blockchains maaadaama ay yihiin cryptocurrency muddo jiray lacagahoodana suuqa lagu kala iibsanaayi waxaana ka mid ah BTC.
Halkaan ka baro Coursada Ceryptocurrency