Skip to content Skip to sidebar Skip to footer

Ku soo dhawaada wararkii ugu dambeeyay ee suuqa waxyaabaha aan ugu hadli doono waxaa ka mid ah, crypto, blockchainDefiCefiNFT, Ai, Web 3.0, iyo Si guud dhaqaalaha caalamka.

Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walibo dhacdooyinkii uu dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo crypto kuwaas oo isugu jira, waxyaabaha muhiimka waxaa ka mid ah isbadelka suuqa, xeerar cusub ay dawladuhu crypto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Crypto waxyaabaha ku soo kordha technologiyada Bloickchain

📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa

  • Market Cap ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $4.04 trillion, halka (Volume) hantida guud ee suuqa la isku dhaafsaday 24 saac u dambaysay ay gaarayso 131.79 Billion.
  • Awooda suuqa Dominance waxaa haysto maanta Coinka Bitcoin awood dhan %57.9 halka Altcoins ay haystaan awood dhan 43.91%
  • Altcoin season Index waxuu sheegayaa in uu yahey 67% taasoo ka dhigan in damaca altcoins laga qabo ay soo hagaagayso
  • Fear and Greed index halbeega lagu cabiro dareenka maalgashiyaasha waxuu muujinayaainuu yahay 52% taasoo ka dhigan inay hoosayso damaca maalgashiyaasha suuqa.
  • Bitcoin (BTC) ayaa maanta hoos u dhacay, isagoo weli ku jira xadka $115 – 110, waxuu hadda joogaa qiimihiisa $115,379.21
  • Ethereum (ETH) waxa uu ku suganyahay xasillooni, qiimihiisuna wuxuu marayaa hadda $4,620.89
  • Altcoins kale ee suuqa sida Solana (SOL), XRP, Ton, SUI, Tron, ADA iyo Doge waxay muujinayaan dhaqdhaqaaq sare oo ka tarjumayso iibsasho wayn.
  • Stablecoins sida USDT iyo USDC ayaa weli door muhiim ah ka ciyaaraya isdhaafsiga lacagaha suuqa Crypto. USDT waxaa la isku dhaafsaday maanta hanti dhan $108 billion halka USDC lagu kala ganacsaday 12 billion.

📜 2. Xeerar-ka & Siyaasada Suuqa

  • Madaxa SEC ayaa sheegay in badankood token-yada aan loo aqoonsan karin “securities”, isla markaana la qorsheynayo sharci mideysan oo u oggolaanaya trading, staking iyo lending.
    • Shirkadda Tether ayaa shaacisay inay soo saari doonto stablecoin cusub oo Mareykanka ku saleysan oo la yiraahdo USAT, si loo waafajiyo shuruucda GENIUS Act.

💰 3. ETFs & Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)

  • Hay’adaha maalgelinta ayaa aad ugu sii jeeda ETFs, taasoo keenaysa qulqul lacageed (inflows) oo weyn. Sida warbixinta Portfolio Institutional ay sheegtay, kharashaadka ku shubashada ETFs ee hay’adaha ayaa gaaray $900 bilyan qeybtii hore ee 2025, taas oo ka badan sanadkii hore qiyaas ahaan 25%
  • Spot-Bitcoin iyo Spot-Ethereum ETFs ayaa soo jiitay maalgelin fara badan. Tusaale, Bitcoin ETFs ayaa helay $642 milyan maalgelin, halka Ethereum ETFs ay heleen $406 milyan.
  • Capital Group ayaa maalgelin ballaaran ku sameeyey shirkadaha la xiriira Bitcoin, gaar ahaan MicroStrategy
  • Syz Capital waxay qorsheynaysa in ay ku maalgashato $200 milyan coin-ka Bitcoin.

🆕💰 4. Coins- ka Cusub ee Suuqa la filaayo in la keeno

  • Token cusub oo la yiraahdo Layer Brett (LBRETT) ayaa loo saadaalinayaa inuu bixin karo faa’iido 50× ka badan.
  • Presales cusub sida BullZilla, ayaa loo arkaa inay leeyihiin awood koror weyn oo ROI ah

🐋 5. Dhaqdhaqaaqa (Whale Investments) ee saameeyo Suuqa

  •   Whales-yada ayaa bilaabay inay ururiyaan Bitcoin iyo altcoins marka suuqu hoos u dhaco, taas oo muujinaysa kalsooni mustaqbalka fog.

🚀 6. Mashaariicda Horumarka ku socdo ee Suuqa

  • Tapzi waxaa loo arkaa mashruuc weyn oo dhinaca ciyaaraha Web3 ah, gaar ahaan kuwa ku dhisan ciyaarta (skill-based gaming).
  • Cardano ayaa sii wadaysa horumarinta tignoolajiyadeeda, iyadoo diiradda saareysa isticmaal dhab ah oo ballaaran.

🔗 7. Tignoolajiyada Blockchain

  • Miners-ka Bitcoin ayaa wajahaya caqabado qiimaha tamarta oo kor u kacay, taasoo ku qasbeysa inay raadsadaan ilo tamar jaban.
  • Blockchain waxaa sii kordhaya adeegsigeeda gudaha gaming, NFT iyo isku xirka bulshada.

🤖 8. AI & Web 3.0

  • Qalabka mining-ka Bitcoin ayaa loo adeegsanayaa taageerada ganacsiyada AI iyo cloud computing sababtoo ah awoodda tamareed iyo hardware adag.
    • Mashruucyo Web3 ah ayaa isku dayaya inay ku daraan AI si loo kordhiyo adeegyada isticmaalaha iyo waxtarka suuqooda.

🖼️ 9. NFT & DeFi

  • Suuqa DeFi ayaa dib u soo kabanaya, iyadoo TVL iyo altcoins badan ay muujinayaan kobac.
    • NFT-yada, gaar ahaan kuwa ciyaaraha iyo farshaxanka, waxaa la dareemayaa xiise cusub oo suuqa lagu soo celinayo.

Halkaan ka baro coursada Crypto

Leave a comment

newsletter form

newsletter form

Gelle Crypto © 2025. All rights reserved.

Gelle Crypto © 2025. All rights reserved.