Bitcoin waa lacagta ugu caansan lacagaha digital-ka ah ee Crypto, tan iyo markii la aasaasay sanadkii 2009. Blockchain-ka Bitcoin, oo ah meesha lagu diiwaangeliyo macluumaadka Bitcoin, waxaa mar walba ku socto horumar joogto ah si loo xoojiyo amniga, waxqabadka, iyo adeegyada cusub ee macaamiisha. Sanadka 2025, Blockstream—waxay soo bandhigtay update-kii ugu dambeeyay ee Bitcoin Blockchain, kaasoo leh isbeddello muhiim ah oo saameynaya isticmaaleyaasha, horumariyaasha, iyo guud shabakada Bitcoin.
Waa maxay BlockStream?
Blockstream waa shirkad ka shaqeysa horumarinta tignoolajiyada iyo Blockchain-ka Bitcoin, waxaa la aasaasay sanadkii 2014 waxayna xarunteedu ku taallaa Victoria, Canada. Shirkaddan waxaa aasaasay Adam Back oo ah qabiir ku xeel dheer Blockchain caan ku dhex eh Bulshada Crypto.
Maxaa Loogu baahdaa Update-ka Bitcoin markasta ?
Update-yada Bitcoin Blockchain waxaa loo sameeyaa sababo dhowr oo muhiim ah:
- Amniga in la xoojiyo:
Iyada oo tirada macaamiisha Bitcoin ay sii kordhayso, waxaa muhiim ah in blockchain-ku uu noqdo mid ka hortaga khiyaanada sida double-spending, xatooyada wallets-ka, iyo weerarada shabakadda (network attacks). - Waxqabadka shabakada oo la hagaajiyo:
Blockstream waxay ujeeddadeedu tahay in Bitcoin uu noqdo mid xawilaadiisa ay deg-deg tahay, iyadoo hoos loo dhigayo wakhtiga lagu xaqiijinayo block-yada iyo kordhinta awoodda shabakadda. - Taageerada adeegyada cusub:
Update-kan wuxuu ka dhigayaa adeegyo cusub sida Lightning Network, Sidechains, iyo Smart Contracts kuwa si maalin-la ah loo adeegsan karo.
Waxa lagu soo kordhiay Update-kii Ugu Dambeeyay ee (2025)?
Update-kan waxaa lagu magacaabay Bitcoin Core v26.0 (Blockstream Edition), waxaana lagu soo kordhiyay Blockchain-ka Bitcoin dhowr isbeddel oo muhiim ah:
A) Taproot iyo Smart Contracts-ka horumarsan
Taproot, oo markii ugu horreysay la soo bandhigay 2021, wuxuu u oggolaaday in smart contracts-ka Bitcoin ay noqdaan kuwo qarsoodi ah oo fudud. Update-kan cusub wuxuu hagaajinayaa Taproot Scripts, iyadoo la kordhiyay:
- Fududeynta Smart Contracts: Hadda horumariyeyaashu waxay abuuri karaan contracts fudud oo aan u baahnayn khibrad badan.
- Kordhinta Privacy-ga: Diiwaangelinta macaamilka waxay noqoneysaa mid qarsoodi ah marka la barbar dhigo transactions-ka caadiga ah.
- Hagaajinta Waxqabadka: Fulinta smart contracts-ka hadda waa mid degdeg ah, taasoo hoos u dhigeysa culeyska shabakadda.
B) Lightning Network oo la kor-dhiyay si dhakhso badan
Lightning Network waa layer-ka labaad ee Bitcoin kaasoo fududeeya macaamilka kana dhigo mid deg-degga ah. Update-kan wuxuu keenay:
- Channels cusub: Waxay u oggolaanayaan macaamiisha inay sameeyaan transactions badan iyagoo aan overload ku keenin blockchain-ka.
- Fees hoose: Khidmadaha macaamilka Lightning Network hadda waa kuwo aad u hooseeya marka loo eego horumarkii hore.
- Amni dheeraad ah: Channels-ka cusub waxay isticmaalaan cryptographic proofs si looga hortago khasaaraha ama xatooyada lacagaha.
C) Sidechains iyo Liquid Network
Blockstream waxay xoogga saartay Liquid Network, oo ah sidechains oggolaanaya:
- Macaamil degdeg ah oo ka badan 2,000 TPS (transactions per second): Tani waxay ka dhigeysaa Bitcoin mid aad loo adeegsado oo macaamiishiisa badato.
- Tokenization: Isticmaaleyaashu waxay abuuri karaan tokens cusub oo ka dhisan Bitcoin blockchain, sida stablecoins iyo security tokens.
- Fee yar iyo Privacy sare: Transactions-ka Liquid Network waa kuwo qarsoodi ah oo khidmadahoodu aad u hooseeyo.
D) Qalabka Node-yada oo la casriyeeyay
Update-kan wuxuu hagaajiyay software-ka node-yada Bitcoin:
- Sync degdeg ah: Node-yada hadda waxay ku xirmi karaan shabakadda Bitcoin si fudud.
- Storage oo la yareeyay: Waxay u baahan yihiin disk space ka yar midkii hore, taasoo ka dhigeysa in qof walba uu si fudud u noqo karo node.
- Amniga oo la xoojiyay: Waxaa laga dhigay shabakada Bitcoin mid amaan badan oo ka hortagta malware-ka iyo weerarada ka dhanka ah nodes-ka been-abuurka.
E) Hagaajinta Fee Estimation
Mid ka mid ah caqabadaha ugu waaweyn ee Bitcoin waa khidmadaha sare ee macaamilka. Update-kan wuxuu ku soo kordhiyay:
- Fee Estimation Algorithm cusub: Waxay si xeelad sare leh u saadaalisaa khidmadaha lagama maarmaanka u ah in transaction-ka la xaqiijiyo waqtiga ugu gaaban.
- User-friendly Interface: Isticmaaleyaasha wallet-yadu hadda waxay si fudud u arki karaan khidmadaha la dooran karo iyadoo la dooranaayo mid-ka la rabo.
Saameynta Update-kan uu ku Yeelan doono Maalgashiyadaasha BTC iyo Horumariyasha Blockchchain-ka Bitcoin?
Update-kan wuxuu saameyn ballaaran ku yeelan doonaa dadka u maalgashan Bitcoin:
- Macaamilka Maalinlaha ah:
Lightning Network iyo fee estimation-ka cusub waxay ka dhigayaan isticmaalka Bitcoin mid sahlan oo kharashkiisu hooseeyo. - maalgshiyaasha iyo Exchanges-ka:
Hadda waxay si degdeg ah u gudbin karaan hantidooda Bitcoin, iyagoo adeegsanaya Liquid Network, taasoo yaraynaysa culeyska iyo khidmadaha sare. - Isticmaalayssha iyo Developers-ka:
Taproot scripts iyo smart contracts-ka horumarsan waxay siinayaan horumariyeyaasha awood ay ku abuuri karaan adeegyo cusub oo Bitcoin ku saleysan. - Amniga Shabakadda:
Node-yada cusub iyo protocol-ka la hagaajiyay waxay yareynayaan fursadaha weerarada ka dhanka ah shabakadda.
Aragti Mustaqbal-ka Blockchain-ka Bitcoin

Update-kan wuxuu astaan u yahay sida Bitcoin uu uga jawaabayo baahiyaha casriga ah ee dhaqaalaha digital-ka. Mustaqbalka dhow iyo kan fogba,
Horumarita kala duan ee lagu wado shabakadiisa sida Scalability Bitcoin waxay noqoneysaa mid ku habboon isticmaalka maalinlaha ah iyo ganacsiyada waaweyn, Interoperability Sidechains sida Liquid Network waxay fududeynayaan in Bitcoin uu la xariiro blockchain-yada kale sida Ethereum iyo Solana, Financial Inclusion: Fee-yada hoose iyo Lightning Network waxay u oggolaaneysaa dadka aan haysan bangiyo inay si fudud u isticmaalaan Bitcoin, Smart Contracts Growth: Horumarinta Taproot iyo contracts-ka fudud waxay u horseedi kartaa abuuritaanka decentralized applications (dApps) ku dhisan Bitcoin mustaqbalka.
Halkaan ka baro coursada Crptocurrency